Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Aan Wasiirka Daakhiliga Loogu Dhiibin Xilka Uu Hayo Waayo Aragnimo, Balse Loogu Igmaday Arimo Siyaasadeed, Tilmaamayna In Sirdoonkii Rayaale Ka Tayo Wanaagsanaa Ka Siilaanyo

 


“Madaxwaynaha Dhawr Jeer Oo Hore Waan Kala Hadlay Hadana Waxaan Leeyahay Xilalkan Aad Maalin  Wal ba Magacaabayso Wax Micno Ah Uma Samaynayaan Ummadda Hadii Aan Xaalada Amaan Waxba Laga  Qab an”


“Madaxwaynuhu Waan Ogahay Oo Ma Jecla In La Iska Horyimaado, Laakiin Wasiiradiisa Waxa Ku Jira Rag Ajande Gaar Ah Leh Oo Dadka Kicinaya” Gudoomiyaha UCID faysal cali waraabe


Hargeysa, October 4, 2010 (TNN) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka dhawaajiyey in qaar ka mid ah wasiirada xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo aanay wax  khi brad ah u lahayn xilalka loo magacaabay, waxaanu intaas ku daray in Wasiirka Arimaha Guduhu aanu  Mans abkaas uu qaranka u hayo aan loogu dhiibin waayo aragnimo uu u leeyahay ilaalinta amniga ee loogu  dhiib ay arimo siyaasadeed.

Waxa kale oo uu Eng. Faysal Cali Waraabe ka marag kacay in sirdoonkii dawladdii hore ee Rayaale ay aad uga tayo badnaayeen kuwa xukuumadan Axmed Siilaanyo, waxaanu intaas ku daray in lagu dagdagay in la burburiyo shabakadii sirdoonka ee xukuumadii hore oo uu sheegay inay khibrad u lahaayeen sida loo  hor tago, isla markaana loo fashiliyo falalka ka dhanka ah Amaanka dalka.

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi khaas ah oo uu xalay khadka tilifoonka ku siiyey wargeyska Haatuf isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa.

Sidoo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe waxa uu xukuumadda Dhaliil uga soo jeediyey  maxa abiistii dhawaan la sii daayey oo uu sheegey inay wado ku furayso xukuumada, isla markaana ay jiraan  qor shayaal la damacsan yahay in lagu afduubta dad shicib ah si loogu soo furto kooxo argagixiso ah oo ku jira xabsiyada Somaliland.

Ugu horayna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya  wasaar ada Arimaha gudaha iyo sida ay hawlaha amaanka uga qayb qaadato ayaa waxa uu yidhi “Wasiirka  Arima ha Gudaha xilkaas looguma dhiibin waayo aragnimo uu u leeyahay amnigi ee waxa loogu dhiibay Siyaasad ahaan, taas waxa cadaynaysa intii xilka uu hayey arimaha dhacay, waxa kale oo cadaynaya maalintii  dhaw ayd ee uu wasiirku la shirayey Madaxdhaqameedka Awdal waxa uu garan waayey Warbaahinta yaanay ka bixin odayada oo hanjabaya, ilayn waxa ay bulshada caalamku u arkayaan in amni aanu ka jirin dalkee, was iirada xukuumadan waxaad moodaa in khibrada shaqo ka maqan yihiin sida ay hawlaha u wadaan marka  a ad eegto. Maanta sida runta ah dalkeenu waxa uu ku jiraa marxalad aanu wali soo marin, waxa aynu  yeela nay cadaw badan wadadii aynu iskaga difaaci lahayna ma hayno. Madaxwaynaha dhawr jeer oo hore waan kala hadlay hadana waxaan leeyahay xilalkan aad maalin walba magacaabayso wax micno ah uma  samayna yaan ummadda hadii aan xaalada amaan waxba laga qaban”.

Eng. Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey sida ay u shaqayn jireen Sirdoonkii dawladii Rayaale, waxa uu yidhi “Waxa xaqiiq ah in sirdoonkii dawladii Rayaale ay ahaayeen rag muddo badan soo shaqeynayey oo  ari mo badan isku xidh xidhay, waxaanay ahaayeen shabakado isku xidhan oo wararka si fiican u heli jiray, ilaa Xamar ayey wararka ka heli jireen, isku dayo badana waa kuwii fashiliyey.

laakiin xukuumada cusubi markii ay doorashada ku guulaysatay waxa dhacay inay ragii hawlahaas inta  bad an ku soo dhex jiray inay xilalkii ka qaaday, taasina may haboonayn inay ku dagdagto.

Dhacdooyinkan dalka ka dhacaya intii xukuumadan cusubi dhalatay waxa ay ka turjumayaan oo ay  cadayn ayaan in aanay inoo samaysneyn Hay’addo Amni oo tayo leh, ama kuwa sirdoonka ha ahaadaan ama kuwa difaaca ha ahaadeene. Waxa aanay dawladeenii ogayn in cadawgeenu is hortaagayo horumarka aynu ka gaadhnay doorashadii dalka ka dhacday ee sida nabad galyada ah inoogu dhacday oo uu damacsan yahay in aynaan hore u sii socon, sababta oo ah haddii aynu hore u sii socono waxa inoo suurta galaysa in aynu bulshada caalamka ka mid noqono. Xukuumadeena waxaad moodaa in wixii loo doortay ay kaga  mashquus hay xilalkan faraha badan ee ay maalin walba qaar soo saarayso, micno ma samaynayso qof xil haya qof kale xilka uga qaad ee waxa mihiim ah in shaqooyin loo abuuro ummadda”.

S: Waxa dhacday in niman maxaabiis ahaa oo la sheegay in aanu xukun ku dhicin in lagu furtay dad reer  So maliland ah oo ku afduubnaa Puntland, arintaas sideed u aragtaa?

J: Talaabadaas ay qaaday xukuumaddu waxa ay inagu furtay waddo, dad la arkayo oo la leeyahay waxa lagu soo furtay dad lagu xidhay Puntland in hadda wasiirka daakhiligu yidhaahdo arintaasi may dhicin waa nasiib daro, waxaanay taasi cadaynaysaa in aanay dawladda laftigeegu Geediga dhinac u wada wadin. Ragaas la leeyahay lama xukumina waa la xukumay oo waxa lagu xukumay 15 sano, waxaanay xidhnaayeen 9 bilood oo kaliya.

S: Waxa la sheegay inay kooxaha Somaliland diidka ah sida Maleeshiyada SSC ay ku mashquulsan yihiin inay dad qafaashaan si ay ugu soo furtaan rag ku xidhan xabsiyadda Somaliland, arintaas maxaad kala socotaa?

J: Ragii argagixasada u xidhnaa ayaa la wadaa qorshayaal dad loogu afduubo, waxa loo baahan yahay waddo ayaa inagu furantaye in shacbigu kaco, meelkasta waxa ka soo yeedhaysa qaylo Ceerigaabo ilaa Awdal. Waxa taagan iyaduna Qadiyadii Kaybalka, tii Maxjarka, tii Xajka ee kala haysata dawladda iyo diyaaradihii dadka qaadi lahaa. Waxa dhacday in madaxwaynuhu yidhi Kooto cidna ugumaan xidhin Kaybalka Badda hoos mara, hadana wasiirkiisii Boosaha ayaa yidhi waxaanu Somcable siinay qandaraas 25 sano ah, halkaas waxa ka cad in sida madaxwaynuhu wax u wado iyo sida ay wasiiradiisu wax u wadaan ay aad u kala durugsan tahay.

S: Maalmahan waxa jiray Amaro socdaalada lagaga xanibayo masuuliyiintii xukuumadii Rayaale oo baadhitaano ku socdaan, sideed u aragtaa qadiyadaas?

J: Madaxwaynuhu waan ogahay oo ma jecla in la iska horyimaado, laakiin wasiiradiisa waxa ku jira rag Ajande gaar ah leh oo dadka kicinaya. Way wanaagsan tahay in ciddii wax lunsatey laga dabo tagaa, laakiin waa in si siman oo cadaalad ah loo sameeyaa baadhitaanadaas, mana quruxbadna in dad gaar ah toosh la daba qaato waa in dadka si siman loo baadhaa.

Source:Haatuf