Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Cidda Sii Haynaysa Jagada Madaxweynaha Marka Ay Muddadiisu Dhamaato Tala Qaran Laga Yeelan Doono

 

 Hargeysa (Longlivesomaliland News) – Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo aanu wax ka weydiinay mawqifka labada xisbi mucaarid ee ku saabsan cidda sii haynaysa jagada madaxweynaha marka ay  dham aato muddada xilka ee madaxweyne Rayaale ayaa sheegay in arintaasi laga yeelan doono wada tashi qaran.

Sidaana waxa uu ku sheegay xogwaran uu siiyey Haatuf Xalay.

“Guddoomiyaha Golaha Guurtida sharcigu waxa uu dhigayaa in uu xilka qabto marka ay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku  geeriy oodaan ama xilkooda ay caafimaad daro u gudan waayaan, laakiin cida dhexdhexaadka ah ee kursiga madaxweynaha qaban doonta wada tashi qaran baanu ka yeelan doonaa, waananu ka wada tashan doonaa, sidaa waxa yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo aanu xalay khadka telefoonka wax kaga weydiinay cida ay u qoondeeyeen inay si ku meel gaadh ah ay xilka Madxweynaha u qabato marka la gaadho 29-Octobar 2009 oo ay muddada xilku kaga egtahay madxweyne Rayaale iyo madaxweyne ku xigeenkiisa , sidoo kale waxa uu tilmaamay in golaha guurtidu ay kordhin karaan oo keliya marka ay abaaro iyo colaado aloosmaan , isaga oo intaas ku daray in mawqifkan ay hadda ka qaateen labadooda xisbi mucaarid in cid dhexdhexaad ah xilka loo dhiibo aanay hore u soo marin dalka, balse waxa uu tilmaamay in wada tashi qaran ay ka yeelan doonaan cidda ugu haboon ee jagada madaxweynaha qaban doonta.

Guddoomiyaha xisbgia UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo aanu wax ka  wey diinay cidda ay aaminsan yihiin in xilka Madadxweynaha si ku meel gaadh ah loogu dhiibo ay tahay guddoomiyaha golaha guurtida inay isku raacsan yihiin inuu qabto waxa uu yidhi “arinkaasi ilaa hadda kamaanu tashan  laa kiin guddoomiyah golaha guurtidu waxa uu xilka qaban karaa sida uu  sha rcigu dhigayo marka ay madxweynaha iyo ku xigeenkiisa geeri ku timaado iyo marka ay caafimaad daro labadooduba xilka u gudan kari waayaan, laakiinse arintani maaha mid hore inoo soo martay, tan aanu hadda  maw qifkayaga ku cadaysanay oo distoorkeenu si cad uma tilmaamayo cidda dhexdhexaadka ah ee loo dhiibayo, waxaanuse qabnaa in wada tashi qaran laga yeesho cidda ugu haboon ee si dhexdhexaad ah u qaban karta xilka madaxweynaha marka ay muddadu ka dhamaato, talo qaran ayaa laga yeelan doonaa, golayaal iyo xisbiyo iyo ururo bulsho iyo waxgaradka Somaliland, guuritdu waxa ay muddada madaxweynaha kordhin kartaa marka ay dalka ka dhacaan abaaro iyo colaado ay ka qabsoomi kari  waay aan doorashooyin, hase yeeshee waxa aan kuu sheegayaa in  guddo omiyah golaha guurtida oo kali ahi uu qaban karo xilka madaxweynah marka ay labadaas arimood ku yimaadaan madxweynaha iyo ku  xigeen kiisa” ayuu yidhi guddoomiyah axisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

dhinca kalena waxa uu sheegay inaanay meesha oolin wax muddo kordhin ah in loo sameeyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, marka la gaadho 29-ka October 2009, taas oo uu ku tilmaamay inaanay duruufihii sharcigu dhigayey ee muddada lagu kordhinayey aanay muuqanin.

Source:Haatuf