Faysal Cali Waraabe Oo Ka Ducaystay Sharka Kursiga Madaxtinimada Somaliland

 


Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku ducaystay in haddii ay khayr u tahay uu ILLAAHAY (SWT) u dhiibo xika madaxtinimada dalka, haddii aanay khayr u ahayna aanu u dhiibin.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ILLAAHAY (SW) ka baryay in uu foodka dadwaynaha ku hagaajiyo saddexda xisbi qaran ee ku tartami doona doorashada madaxtinimada dalka ee inagu soo fool leh hadba kii khayr qaba, isaga oo sheegay in maanta loo baahan yahay dawlad wanaagsan oo ay dadku codkooda ku hagaajiyaan.

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaa ku yidhi khudbad uu ka jeediyay munaasibad xadhigaga lagaga jaray xafiiskii xarunta Gobolka Hawd ee xisbiga Ucid oo lagu qabtay Degmada Baligubadle.

Ugu horayn, waxa uu Faysal reer Baligubadle kula kaftamay inuu isagu magaalada keenay bisadii u horaysay, isaga oo u hogo tusaaleeyay inaanay isaga iyo Baligubadle isku cusbayn, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “Waad ku mahadsantihiin soo dhawaynta aad isoo dhawayseen, anigu nin reer Baligubadle ah ayaan ahaye, ragga kale waan ka xigaa magaalada. Dorraad markaan idhi waxaan tagayaa magaalada Baligubadle, gabadh aanu habarwadaag nahay ayaa igu tidhi ma u sheegtey reer Baligubadle in Bisaddii ugu horaysay aad keentay Baligubadle, markaa Bisadaha Baligubadleba aniga ayay tafiirtoodu iga soo jeedaan.

Baligubadle waa magaaladii xarunta u ahayd halgankii, anagu haddii aanu Ucid nahay halgankii SNM ayuun baanu sii wadnaa, yaa u cida dalka, Ucid baa u cidaay, dumarka yaa u cidaay, ucidbaa u cidaay, caruurta yaa u cidaay, Ucid baa u cidaay, halkaas ayaa magaca Ucid ka yimi, waa yaa u cidaay.

Waxaan idiin sheegayaa, dalkeenu mar buu khatar inaga galay, waynu soo ceshanay dalkeenii, ILLAAHAY (SW) ayaa mahadaa leh, intii u dhimatay ee u shihiiday ILLAAHAY janadiisa ha siiyo, intii iminka u waalatay ee aynu ognahay ee dalka xoreeyay ee daryeel xumo u waalatayna ILLAAHAY (SW) caafimaad ha siiyo.

Maanta dalkeenii waynu hantinay, laba qodob ayuu dagaalkeenu ku qotomay, midi waxay ahayd in aynu dalkeena soo ceshano oo aynu maamulkiisa iyo taladiisa soo ceshanaa, oo aynu is badbaadinaa oo mar dambe aan la ina odhan waa la dabar-goynayaa, midina waxay ahayd in aynu dhisano dawlad wanaagsan oo caddaalad ah oo dadka deeqda oo aan qabyaalad ku fadhiyine Kitaabka ILLAAHAY (SW) iyo sunaha Rasuulka (CSW) ku dheehan. Waa tii aynu ku samaysanay Tawxiidka, ALLAAHU AKBAR baynu ku dagaalanay, ILLAAHAY-na (SW) tii buu guusha inagu siiyay, maxaynu ALLAAHU AKBAR ku bedelnay? Habro ayaynu ku bedelnay, habrihii aynu ku bedelnay maxay keeneen? Abaar bay keeneen, is-nebcaansho ayay keeneen, dhimasho kale ayay keeneen, waxay keentay in caruurteenii inaga oo maanta 17 sanno dawlad sheeganaynay ay badda galaan.”

Md. Faysal Cali Waraabe,waxa uu intaas raaciyay, “Dawladdii Soomaaliya 17 sanno markii ay jirtay waxay noqotay dalkii ugu xooga badnayd dawladaha Madow, inagana waad arkaysaan, wax kale iska daayoo, darajada askariga la siinayaa ma ictiraaf bay u baahantahay adiga ayay gacantaada ku jirtaaye? Maamulkaaga adkayso ma ictiraaf bay u baahantahay, yacnihii waxaad arkaysaa waxa weeye in hogaankeenu liito, ilaa lixdankiina inagu waynu sii fool-xumaanaynay, lixdankii maalintii aynu gobanimada qaadanay wax inaga dhaca mooyaane waxba inooma kordhin haddii aynu nahay reer Somaliland, maxaa inoogu wacan hogaan xun baa inoogu wacan, hogaanka ayaynaan ka fiirsan jirin.

Magaalada Baligubadle maanta way kortay, waanay waynaatay, laakiin mushkiladu waxa weeye, Biyo malaha, Nal malaha, caafimaad wanaagsan malaha, shaqo malaha, sidaas ayaynu u taagtaaganahay, maxaa inoogu wacan? Waxaa inoogu wacan dawladdii dhexe ayaan shaqaynayn, waayo dad aan u ehel ahayn ayaa xukunkii qabtay, waa in ay xukunka qabtaan dad u ehel ah oo dadka ka naxaya, oo ilmaha u samaynaya mustaqbal, oo hooyada caafimaadkeeda ka shaqaynaya si ay u dhasho ilmo caafimaad qaba.

Waynu ognahay oo markii dalka laga xaqay ee Faqash ina laysay, reer miyigi ayaa inoo baxay, caruurtoodii bay keeneen, xoolahoodii bay keeneen, biyahoodii bay keeneen, caanahoodii bay keeneen dib looma soo eegin, wax ceel u qodayna ma jiro, illaa hadda caruurtiinii waxay ka cabaysaa taayirka biyaha sidii shinbiraha, halkii ay biyo nadiif ah cabilahaayeen, halkii caruurta ay iskuul fiican u geyn lahaayeen, sidii macalinku lacag fiican u qaadan lahaa, intii midna ma hayno walaalayaal, maanta waxa weeye, way dhaaftay kaftan kaftankii, maanta waxa loo baahan yahay dawlad wanaagsan oo aynu foodkeena ku hagaajino, oo aynu ILLAAHAY (SW) barinee in uu foodkeena ku hagaajiyo saddexda qof (Saddexda Xisbi) ee hadlaya kii khayr qaba ee iimaan qaba.

Gobolka Hawd waxa uu noqonayaa gobolka ugu wayn Somaliland ee ugu khayraadka badan, laakiin goorma ayuu noqonayaa? Dawladdani way magacawday laakiin kuwii horumarinayay ha yimaadaan, haddii annaga ILLAAHAY naga dhigana waa Alxamdulillaah, haddii aanu khayr noo lahayn ILLAAHAY annaga xukunka nooma keeno, ILLAAHAY baa og qofka uu soo saarayo, aniga Faysal Cali Waraabe ahaan haddii ay khayr ii leedahay ILLAAHAY ha ii dhiibo, haddaanay khayr ii lahayna ILLAAHAY iima dhiibo, waxba ku falimaayo, laakiin waxaan idiin sheegayaa in wanaagiinu ku jiro in aad dadka wanaagsan doorataan, oo aad qabyaalada iska dhaaftaan, qabyaalad iyo Islaamnimo meel ma wada gasho, dadka Islaamka ahi waa wada walaalo. Hase yeeshee, inagu faamli baynu nahay, haddii aynu wada abtirsano, waliba beel ahaan reer Sheekh Isaxaaq, qaar baa sagaal ka tirsada Sheekh Isaxaaq, faamli yar oo iminka soo kacay oo ILLAAHAY barakeeyay oo uu badiyay baynu nahay, laakiin cudurkeenu waxa weeye inaga ayaan is jeclayne ee aynu inagu is jeclaano, maanta haddii aynu is jeclaano oo Kitaabka ILLAAHAY qaadano dhulkeenaasi barwaaqo ayuu noqon doonaa, dhulkeenu waa dhul barwaaqo ah laakiin waxaynu la’nahay hogaan wanaagsan oo iimaan qaba oo ILLAAHAY ka baqaya, ILLAAHAY ha inoo soo saaro hogaan wanaagsan.”

Faysal, waxa uu dadka ugu baaqay inay doorktaan dadka wanaagsan, waxaana uu yidhi, “Waxaanu jecelnahay in aad dadka wanaagsan doorataan ee ILLAAHAY ka baqay, oo foodkiina ayaa xoog lehe foodkiina qaad ha siisanina, hadhawto jiingadda Iskuulka waa lagu qayilayaa, kursiga waa lagu qayilayaa, waxaa maanta dawladdu ku qayilaysaa waa Tamaashiirtii, waa Jiingaddii, waa Mushahaaraddii, waa Kursigii, Dawadii caruurta ayaa lagu qayilayaa, waxaa maanta magaaladaa Hargaysa lagu cunayo haddii aad aragtid, Wasiir kastaaba marshaf wayn buu samaystay iyo afar af-miishaan oo leh wax ku dhaamaa ma jiro, waar waa lagu dhaamaaye orodoo meeshii lagaa soo doortay wax gee, markaa ILLAAHAY (SW) dad khayr qaba dalka ha inoogu bedelo.”

Ugu dambayn waxa uu reer Baligubadle ugu baaqay inay ilaashadaan qaranimada Somaliland, waxaanu yidhi, “Walaalayaal Ciidiina ilaashada, Somaliland ku adkaysta, waad adkaysateen oo waa la ogyahay, waxaa shir la qabtay, cid reer Baligubadle ah oo shirarka lagu qabtay Koonfur ka qayb galaa ma jiro, taana waad ku amaanantihiin, baal dahab ah ayaad kaga jirtaan Somaliland walaalayaal, dadkiinii halgamay baal dahab ah ayaad kaga jirtaan.”
 

 


Source: Wargeyska Geeska Afrika