Faysal Cali Waraabe Muxuu Ka Yidhi Hadalka Ka Soo Yeedhay Wasiirka Warfaafinta Ee Jabuuti?

 


"Anigu waxaan qabaa in aanay Jabuuti wax nasteexo ah u hayn Somaliland, waxaanan Jabuuti u sheegayaa, Waxa cad in Jabuuti gacan wayn ku lahayd doorashadeenii oo ay Xisbi caawinaysay, wasiirkooda Warfaafintuna..."



Hargeysa (TNN)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa s heegay in dawladda Jabuuti gacan weyn ku lahayd doorashadii ka dhacday Somaliland, isla  mark aana ay gacan dhaqaale siinaysay mid ka mid ah axsaabta qaranka, si ay danaheeda u fushato.


Guddoomiyaha UCID oo daba socday hadal uu ku naqdiyay wasiirka Warfaafinta Jabuuti Mr. Cali Cabdi Faarax oo waraysi uu todobaadkan siiyay Wargeyska Ogaal ku sheegay, in aanu Faysal Cali Waraabe fahamsanayn arrinta xadhiga Badda hoosteeda mara ee loo xidhay shirkadda  Somcab le, lagana soo jiidayo Jabuuti, waxa uu sheegay in hadalka uu wasiirku ka muujiyay arrintaas ay muujinayso siday dawladda Ismaaciil Cumar Geelleh isu hortaagtay in xadhiga Fiber Optic la soo d higo Badda Somaliland ee Berbera. "Horta, waa Illaahay mahadii in qolo uu ku tuhunsanaa Cable-kii iman lahaa Berbera ee degmooyinka la inooga soo jiidi lahaa ee u Illaahay inoo keenay inay Ja buuti horjoogsatay oo uu si cad u sheegay wasiirkii Isgaadhsiinta ee Jabuuti Cali Cabdi. Haddaba, anigu waxaan qabaa in aanay Jabuuti wax nasteexo ah u hayn Somaliland ilaa laga soo bilaabo xi lligii halgankii. Jabuuti ilaa 1991-kii shirkii ugu horeeyey ee la odhan jiray Jabuuti one ilaa markii u dambeeyay ilaa markii shirarka lagu yeeshay, waxay Jabuuti is lahayd dawlad samayso Soomaal iya ah oo ay dusha inaga saarto. Jabuuti shirkii ka dhacay magaalada la yidhaahdo Carta, markii ay Somaliland ka soo qayb gali wayday waxay isku dayday inay shaqsiyaad u yasto qabiil la yidh aahdo Dir-waqooyi , iyadoo xataa magaceenii ka saartay beelaha Soomaaliyeed, arrintana waxa u sabab ah Cali Cabdi (wasiirka Warfaafinta Jabuuti).


Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, ‘mayd maxaa u dambeeyay, kaa la sii sido', shirarkii ugu da mbeeyay ee ka dhacay dalka Jabuuti ee aqoonyahanka waxaanu markhaati ka haysanaa in ninka la yidhaahdo Shuure ee Akadamiyada Garoowe haysta inuu keenay nashqad, ka dibna uu dhulkii sa ku sheegay. Waxa kale oo ay sheegeen in laga hadlayo Somaliland iyo maamul-gobolleedka Ma jeerteeniya sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen, wuxuu yidhi Jabuuti oo heshiisiinaysa Somalil and iyo Majeerteeniya.

Haddii aan u soo noqdo arrimaha Cable-ka, waxa weeye Jabuuti waxa si weyn u cad inay doorash adeeni gacan weyn ku lahayd oo asxaabta ay xisbi caawinaysay, ka dibna ay ahayd inay Cable-ka Muqdisho ka suuragali waayay ee inaga la inoo keenay nasiibkeena ee aan waxba inagu fadhi yiin ay inaga horjoogsato. Markaa Jabuuti waxay ilaashanaysaa suuqeeda, markaa maanta Sign al-ka Somaliland iyo Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu maraa Jabuuti, waxayna ogyihiin haddii aynu ka soo jiidano in aynu Jabuuti ka maarmayno, Itoobiya aynu siin doono, Itoobiya markaynu siino ay Itoobiyana ka sii qaadan doonto dalka imika abuurmaya ee cusubi oo dalal badan aynu siinay no Cable-ka.

Sidaa uu sheegay (Cali Cabdi Faarax) ee uu leeyahay Jabuuti waa ‘Hub' (xarun), ayay Berberina waa inay haab noqon kartaa. Jabuuti waxa mara toddoba Cable, Mombasa waxa mara afar, anigu uma arko wax lagu xidho 25 sanno Cable laga soo jiidayo wadan kale inaga oo ah wadan Bad leh. Markaa waxa macno-darro ah inuu Cali Cabdi aniga igu yidhaahdo aniga oo uga aqoon badan dan ta Somaliland, malaha aniga iyo wuxuu isku kaayo khaldayaa Cabdiraxmaan Boore, taasi waxay n a tusaysaa inay Jabuuti gacanta inagula jirto mar haddii aniga oo dalkayga ka hadlaya uu ii jawa abay Wasiirka Warfaafinta Jabuuti," ayuu yidhi guddoomiyaha UCID oo la soo xidhiidhay Wargey ska Ogaal.


Guddoomiyuhu waxa uu dawladda Jabuuti ugu baaqay inay faraha kala baxdo arrimaha Somalilan d oo uu xusay in aanay nasteex u wadin.


Waxa uu sheegay in shirkad Berbera la hirgelin lahayd xadhiga Isgaadhsiinta Badda hoosmara oo Xukuumaddu u diiday inay ruqsad siiso, ay shaqo ka heli lahaayeen ilaa toban kun oo muwaadiniin ah, isla markaana uu qalabkeedu iman lahaa dhamaadkii bishii October ee sannadkii aynu ka soo gudubnay. "Haddaba, waxaan Jabuuti u sheegayaa in aanay suurtagalayn in Cable laga keenay dalkooda Somaliland aanu u noqonayn kooto, waxaan leeyahay haddii uu jecelyahay inuu Cable-koodu dalka yimaado hala tartamo Cable-lada kale. Markaa arrinta uu idiin sheegay ma fahamsa na la yaabi maayo isagu wasiirnimadiisa ayuu ilaashanayaa, dalkiisa ayuu wax u doonayaa, anig una dalkayga ayaan wax u doonayaa, markaa waxa weeye inuu Cali Cabdi iyo kuwo kaleba ay ka baxaan arrimaha Somaliland.


Cable-kaasi 28-kii October ayuu dalka iman lahaa, waxaana shaqo ka heli lahaa 10 kun oo qof, So mcable-na shan bilood ayay haysataa."


Wargeyska Oogaal