Gud. UCID iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Soo Afjaray Socdaal Ay Ku Marayeen Deegaano Ka Tirsan Gobolka

 

Wafti ballaadhan oo uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta soo gabagabeeyay socdaal uu ku marayay Degmooyinka Woqooyi, Bari, Galbeed iyo Hawdka Hargeysa, guddoomiyaha oo ay socdaalkiisaa ku wehelinayeen Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire Waqaf, Afhayeenka ahan Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Xasan Xuseen Codyare iyo u qaybsanaha arrimaha America Keyse Cali Geeddi iyo Xoghayaha labaad ee arrimaha dibadda Marwo Khadiija Baandare, ayaa waxay kormeer ku soo mareen 95 iskugu jira degmo iyo tuulo kuwaasi oo ka baxsan hargeysa ee ay ka socoto hawlaha diiwaan-gelintu iyadoo waftiga Degmo kasta si diirran loogu soo dhawaynayey tuulo iyo degmaba, ceelmo qoyanna loo ruxayey .

Socdaalkoodaas oo la xidhiidha u kuur gelidda habsami u socodka goobaha ay ka socoto diiwaangelintu, kormeerkoogaasi oo ahaa kormeer wacyigelineed iyo baraarujin dadweyne ayaa waxaanu wax ka waydiinay Afhayeenka Xisbiga Xasan Xuseen oo ka mid ahaa waftiga oo aanu wax ka goobaha ay soo mareen iyo waxay kala soo kulmeen ayaa wuxuu noo sheegay in xisbiga UCID uu siyaasad ahaan hoosta ka xariiqay in Gobol kasta oo diiwaangelintu ka bilaabantaba in la booqdo hawlgalka Komishanka iyo hay’adaha kale ee loogu talo galay ay ka fulinayaan goobaha diiwaangelintu ka dhacayso hadba Gobolka ay khusayso, isagoo uga dan leh habsami u qabsoomidda barnaamijka ahmiyadda diiwaangelineed ee codbixiyaha iyo helidda sugnaanta kaadhka muwaadinnimada oo marka ay diiwaan gelintuy guulaystaan dalka iyo dadkaba guul wax ku ool ah u noqonaysa, marka laga eego nabadgelyada, shaqada, shaqaalaha, isku socodka, waxbarashad, caafimaadka iyo soo dadejinta xidhiidhka caalamka, albaabkana u furaysa ictiraaf aan ka helno guud ahaan bulshada caalamka oo dalkani go’doon ka ahaa muddo 18 sanadood ah ayaa xisbiga UCID ku wacyigelinayay Gobol kasta oo ay maraan si mug lehna uga qayb qaataan diiwaangelinta muddada ay ka socoto ee lixda cisho ah ee ay ka socoto Degmada ay ka socoto, isla markaana ay heli doonaan ka faa’idaysiga tiimamka ku hadhaya degmooyinka kuna negaanayaa muddada 15ka cisho ah ee loogu talo galay inay ka faa’idaystaan dadka aan nasiibka u helin mudadii hore ee lixda cisho ahayd.

Waxa kale oo ay ku wacyi gelinayeen dadweynaha ay dhex socdeen in barnaamijkan diiwaangelintu fure u yahay natiijooyinka doorashooyinka inagu soo socda kuwo u dhaca xaq, xor, xalaal ah oo inaga reebay muran iyo khilaafaad inaga xumayn kara natiijooyinka inoo soo baxa, waxa kale oo kormeerka xisbigu talo ka bixinayey dhinaanshaha iyo dhaliilaha u muuqda wixii xumaan ku yimaadda xagga farsamada qalabka, isku rarka goobaha oo uu talo ka siinayey hay’adaha ku shaqada leh degmooyin fog fog oo dhinaca kililka shanaad u guuray oo ciir ciiriyey goobaha ku teedsan xadka iyaga oo dadka degmooyinkaa u dhashay ay ku mashquulsanaayeen keenistooda, celintooda, soorayadooda, cidhiidhina geliyey goobihii koobnaa ee ku talogalku ahaa, balse ay kalliftay in la soo raro goobaha laga guuray ee gudaha oo loo raro xagaa iyo xadka. Kormeerka waftiga xisbiga UCID ee uu hogaaminayey Guddomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe wuxuu amaan u jeediyey guud ahaan shacbiga degaanada iyo degmooyinada madaxdooda rag iyo dumarba hawl wadeenada ah ee naftooda hurayaasha ah ee u dhabar adaygay dhibaatooyinka badan ee wakhtigu keenay inay suuragaliyaan habsami u socodka diiwaan-gelinta Illaahay baana ka abaal marinaya waajibaadka qaran ee dalkooda iyo dadkooda ay u qabteen. Waxaanu ku boorinayaa inay guushaashi xajistaan Maalmaha hadhsan.

Ugu dambayntiina isagoo wax ka tilmaamay degmooyinka ay soo mareen ayaa waxa uu yidhi “Daarasalaam ilaa Gabilay inta u dhaxaysa, Wajaale ilaa Baligubadle inta u dhaxaysa, Salaxley Balimataan, Labisagaale ilaa Dacarbudhuq inta u dhaxaysa, intaasi oo aanu bariga xuduudka aan haynay anaga oo Hargeysa ka soo galnay jihada bari.”
 

 



Faysal Cabdilaahi.
Hormoodnews