Gud.X.UCID, Oo Ugu Baaqay Saxaafada  Somaliland in ay u midoobaan cadawga Somaliland

 

Gudoomiyaha xisbiga UCID mudane Faysal Cali Waraabe ayaa maanta la hadlay saxaafda Somaliland isga oo jooga magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland, gudoomiyuhu waxa uu saxaafada Somaliland ugu baaqay in ay muujiyaan midnimo iyo wada jir isla markaasna ay dhinac uga soo wada jeedsadaan difaacida iyo hirgalinta Somaliland.

Waxa uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu ku baaqay in saxaafadu muujiso muwaadiinimo iyo horumar isaga oo ku booriyay ama u sheegay saxaafadu in ay ka hortagaan wararka xunka ah ee ay faafinayaan cadawga Somaliland kuwaasi oo uu ku sheegay qar faafinaaya xumaan iyo warar been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn,

Gudoomiyaha xisbiga UCID, waxa uu aad u weeraray madaxa laanta afka Somaliga ee BBC,waxa aanu ku tilmaamay isaga iyo qaar ka mid ah shaqaalahiisa kuwo cadaw u aha Somaliland isla markaasna ay ku jiraan ururo ku lid ah gooni isu taaga Somaliland, sidaas awgeed waxa uu gudoomiyahu uu saxaafda Somaliland uu ku booriyay in ay u midoobaan cadawga dalkooda iyo dadkoodal, oo meel looga soo wada jeedsado, kulankaasi uu maanta gudoomiye Faysal Cali Waraabe u qabtay saxaafada Somaliland isaga oo dhamaystiran waxa aan idiinku soo gudbin doonaan wararkeena danbe.

Dhanka kalena xafladii loo qaban lahaa C/raxmaan Aw Cali Iyo Ibrahim Dhagaweyne ayaa todobaadka danbe dib loogu riixay taasi oo xafladaasi lagu waday in ay maanta qabsoonto dib loo dhigay,dad ku dhow dhowC/raxamaan Aw Cali iyo Ibrahim Dhagaweyne oo maanta Hargaysa ugu waramay shabakada qarannews ayaa u xaqiijiyay in labadaas masuul ay ku guda jiraan sidii ay daboolka uga qaadi lahaayeen ku dhawaaqida ku biirista xisbiga UCID, taadi oo la saadaalinaayo Arbacda fooda inagu soo haysa in ay dhacdo xaflada ay qaban doonaan xisbiga UCID.

 

 



Source Qarannews