FASHILKA SHAXDII UDUB
IYO FADEEXADAHA QAAWIYEY KOMISHANKA

Arrin kastaaba dhibtiisa iyo
dheeftiisa leh.May fogayn qaraxyadii siyaasadeed ee ayaamo ka hor
shirkii UDUB iftiimiyay qalooca lagu soo abaabulay xulista
ergooyinka iyo duudsiga lagu garba duubay xubno miisaan culis ku
lahaa xisbiga dhexdiisa,qaybna dibada aan laga soo xarayn,qayb
gudaha isku dayday damacooda musharax inay ku dhawaaqaan lagu
yuuriyay kuraastii ay ku fadhiyeen,hadal-na loo diiday inay
dibnahooda soo dhaafo.
Muddo dheer ayaa la saadaalinayay inay UDUB qabsato shirkoodii guud
ee ay ku soo xulan lahaayeen gudoomiyaha,ku-xigeenka,dib-u-habaynta
xeerka.Dalka oo dhan,mucaarid,muxaafid iyo dhexdhexaad-ba waa la
dareemay inay jiraan silsilado qarsoon oo xagalaysan,yaa se ka
darawal ahaa habkaa qarsoodiga ku soo guray qaysaraanta lala dhex
galay xubnahii xisbiga!Yaa se dhigay shaxdaa shir-qoolada xisbiga
dhexdiisa ku kala qoqobtay xerooyinka loo kala saaray xaqlay iyo
xaq-laawayaal.Akhristow adigaan kuu dhaafay jawaabta.
Habkii iyo hanaankii loo qabtay shirkaa UDUB waxay muujisay
himilooyinka Mudane Riyaale iyo Mudane Ahmed Yusuf uga dan
lahaayeen,waxaanay shaaca ka qaadeen shaxdii loogu talo galay inay
ku guulaystaan labada xubnood ee UDUB uga qayb geli doona tartanka
doorashada madaxtooyada Somaliland.Siraha iyo sansaankii lagu suurta
geliyay shaxdaa madaw ayaa dhalisay inay waaxi ka dilaacdo xisbiga.
Hab-dhaqankaa guracan ee aan laan-yarina xagan ayaa xisbiga UDUB ku
dhiiraday inay kooxda degtay shaxda madaw u gudubto qaybteedii
labaad oo ay ugu talo galeen doorashada madaxtooyada ee haatan fooda
innagu soo haysa.Waxa se ka qaldamay godkii ay faraska degeen.
Shaxdaa madaw ee UDUB degay hore ayaan maqaal uga qoray,kuna
magacaabay"Mudane Madaxweyne Riyaale Ma waxaad rabtaan inaad sidii
shirkii UDUB doorashada u maamushaan". Waxaa laga yaabaa inay
akhristayaal badani fahmin waxaan maqaalkaa uga gol lahaa balse waxa
ii muuqday qaraxyadan maanta ka soo qulqulaya xisbiga UDUB kuwaasoo
ka dhashay qaybtii labaad ee shaxda madaw.Waana taa gantaalihii lagu
ganay komishanka haatan qaawisay.Wasiiro iyo ku-xigeeno dhawr ahina
waa kuwaa aflagaadooyinka iyo eedaymaha xajiimaysan la dhacaaya
xisbiyada mucaaridka ah.Aragtidaas oo ay ku hadoodilayaan shaxda
madaw ee ay guul daraysteen ka midho dhalideeda. Bal u fiirsada
wasiiradan socdaalada ololaysan ku gaalaa bixinaya deegaanada kala
duwan ee dalka ayadoo komishanku dhawr jeer iclaamiyeen uguna digeen
xisbiyada inaanay weli gaadhin ololahii doorashooyinka. Waa xeeshii
UDUB iyo shaxda madaw ee uu cayaarahu ka yahay madaxweyne ku
xigeenku Mudane Ahmed Yusuf.
Komishanka doorashayoonka
Qarxyadii ugu horeeyay iyo dabinadii dheesha shaxda madaw ayaa durba
dildilaacay hawshii ugu cuslayd ee ay gacanta ku hayeen Komishanka
qaranku.Dhinbiilo dhamac ah ayaa la kala dhex dhigay si ay hawshu u
dhutiso.Waxaa la cumaamaday diiwaangelinta,waxaana loo guntay sidii
weji kale oo ah kii ay UDUB ku xaradhay shaxda madaw in shacabka
loogu soo gudbiyo,lagu dayo,laguna meel mariyo sidii iyo habkii
qalqaloocay ee guddida qabanqaabada xisbiga UDUB u qorshaysay
qabashada shirkooda.
Bal hada caqligaa u dhug
yeesha,serverku ma soo dayn karo wax aan cidi ku shubin,waa
mashiin,hawsha aad gelisid ayuun buu kuu dhib yaraynayaa,muddo yarna
kuugu dhamaynayaa.Waxa kale oo la yaab leh,tiradan qaldan ee ay
komishanku soo daayeen miyaanay hubin intaanay ummada u soo
gudbin.Ilmaha yar ee dugsiga hoose ku jira ayaa hubiya dibna u eega
waxa uu qoro inay sax tahay iyo in kale,markaa masuulka serverka ku
shubay macluumaadkii diiwaangelinta ma waxuu hubin kari waayay bal
inuu gobolada dhamaan ku daray 15kii casho ee loo kordhiyay tiradii
gobol kasta ka soo baxday,waa qodobka ugu fudud ee uu ka fakiri
lahaa.Waxa kale oo aan cidnaba ka qarsoonayn muddadii ay lahaayeen
serverka ayaa fadhiya inay ahayd ku talo gal lagu fulinaayo xadhka
xidhka shaxda madaw ee UDUB.Waa meel ka dhac shacabka Somaliland loo
gaystay,lagana dhigay ummad dhigo xidhan oo garashadooda iyo
aqoontooduba hoosayso.
Waxa se haatan haboon inay Komishanku dib isu saxaan,dhexda guntiga
ku giijaan,hadh iyo habeen hawsha gadhwadaan,allaah (SWT) iyo
ummaduba way arkaan dhibta jirta ee si daacad ah xilka haw
gutaan,dalkana ha ka badbaadiyaan hoggan ay ku sii foorarto.
Xisbiyada Qaranka
Xisbiyada qaranku habsocodkooda siyaasadeed ee ku wajahan doorashada
waxa haboon inay wejiyada maanta muuqda wax ka bedelaan,danta guudna
xoogga saaraan,gaar ahaan xisbul xaakimku waa habdhaqankiisa
toosiyaa mar hadii shaxdii madoobeed fashilantay,xisbiga Kulmiye
isaguna sidoo kale waa inuu dalka u daneeyaa,kana waantoobaa
goloftanka,erayada hanjabaada xambaarsan,iyo mindi mindi ka
hor-geeda,
xisbiga Ucid isaguna joojiyo dayaaradan uu isugu geeyay dhamaan
madaxdii xisbiga ee dhex wareegaysa xaafadaha europe tiiyoo maanta
dalku marayo xaalad adag.
Maanta dalku waxuu u sii janjeedhaa siyaasad xargigan ee waa inay
dhamaan xisbiyadu dib ugu laabtaan danta guud ee dadka iyo dalkaba.
Golayaasha baarlamanka
Waxa la yaab leh inay had iyo
jeer soo noqnoqdaan dhibaatooyin isku mid ah oo distoorka
saameeya.Miyaanay golayaashu ahayn kuwii lagu sugaayay inay si
joogta ah u furfuraan qodobada dhibaatada soo noqnoqata
xambaarsan,dhamaystiraana hadba dejinta sharciyada distooriga
ah,gaar ahaan markay dalka soo marto xaalado hor leh oo aan
distoorka si hufan u bayaaminayn.Waxa hubaal ah dhibaha haatan ku
habsaday habsocodka doorashada inaanay ahayn mid innagu
cusub,waxaana looga fadhiyay golayaasha sharci dejinta inay hore
qodobada muranka aloosay u sii furfuraan.Waa hawl ka hoos baxday.
Waxan se u soo jeedinayaa inay culayska saaraan wax-ka-qabadka
qodobada muranada dhalin kara,kuwa ay haatan ka taaganyihiin iyo
qaar kaloo iyaguna u baahan in dib u eegis lagu sameeyo,xilka culus
ee ummadu kalsoonida ku siisay golaha sharci dejinta waa inay
miisaankooda yeeshaan,dalkana ka badbaadiyaan xadhkaha muruga keeni
kara ee ka dhasha loolanka siyaasadeed ee xisbiyada qaranka.
Waxan ku soo afjarayaa mar hadii ummada ay u cadaatay fashilka
shaxdii UDUB iyo fadeexadaha qaawiyay Komishanka ee loogu talo galay
habsocodka doorashadu inay u hirgasho habkii shirkii UDUB ee lagu
qabtay Mansoor hotel inay madaxda xisbigu uga wareegaan weji
waddaniyad ku salaysan,si xisbiyada mucaaridka ah iyo shacabkuba
xaraarada u dejiyo,loona daba qabateeyo danta guud ee dalkan
Somaliland.
Somaliland Guul.
Hussein Badmah
|