Farxad Bay U Tahay Qofkii Jecel Dadkiisa Iyo Dalkiisaba

Runtii waan farxad ooyaa mar kasta oo aan arko dadkayga oo garabka
isku wada haya sugayana in ay madaxweynahoodii soo dhaweeyaan ama ay
meel isugu yima adaan iyaga oo ay ku tusayso jacaylka iyo qadarinta
weyn ee ay isu hayaan waana ta loo baahan yahay maanta markaad eegto
duruufaha qalafsan ee dad badan ku nool yihiin. Waa mid u baahan in
la sii xoojiyo oo la is dhagaysto si loo saxo waxa qaldan dadkuna u
gaadho horumar la taaban karo.
Markaad aragto Haldoorkii Somaliland rag iyo dumarba madaxdiisii iyo
dadkii kale si da ay isu qadarinayaan, u kala dambeeyaan isu
ixtiraamayaan mid yar iyo mid wey nba ee midna mid riixayn waa wax
lagu faano ilaahayna loogu mahad naqo, si ilaah ay ugu siyaadiyo
nimcada quluubtoodana u hagaajiyo oo ka dhig kuwa eega qiimah a
walaalkii iyo walaashii leeyahay inta ay nool yihiin maanta. Waa
hubaal oo berito haddii uu dhinto oohinta aad qabrigiisa ka dul
oydaa ama aad ka hadasho oo aad tidhaahdo qof fiican ayuu ahaa wax
macno ah samayn mayso.
Dad badan ayaa jira oo aan ogahay oo media-da ka shaqeeya oo dadaal
aad u bad an galinaya sida ay dadkooda wax wanaagsan uga sheegi
lahaayeen ama ugu shee gi lahaayeen nasiib darose waxaa badan inta
aan waqti u hayn ee aan hubinayn ma qaalka aan soo qoray in uu xun
yahay iyo in kale. In aan qof walaalkay ah sharaftiis ii meel kaga
dhacay iyo in kale. Waxaan kula talin lahaa walaaladay dadaalkiina
badi ya oo u naxa caafimaadka iyo qalbiga qofka akhriya wargeyskiina
ama mareegtiina waayo warka xun ee aad badsataa qalbiga ayuu wax
yeelaa ilaahayna wuu idinla xi saabtamayaa ee ogaada.
Inta qofku nool yahay ayuu baan wada farxi kartaan waxna wada cuni
kartaan oo wax isu sheegi kartaan haddiise uu dhinto waxba lama
wadaagi kartid wixii qofkaas u wanaag lahaana wuu la dhintay. Markaa
aynu qiimayno madaxda iyo culimada ma anta inoo nool iyo kuwa
beritoba.
Ilaahay ha inoo siyaadiyo iimankaa iyo nimcada uu ina siiyay (Aamiin).
Wabilaahi Towfiiq
Walaalkiin Caydiid Axmed Jaamac (Indha Warranle) _ Melbourne
Australia
|