Farriinta
Kelitaliye Geelle: "Riyaalow Dadka Ha Tusin In Layna Ridikaro"
Kelitaliyayaasha Afrika iyo kooxaha u adeega waxaa lagu yaqaan inay
isasiiyaan xukun iyo hanti dal kuna kacaan dembikasta iyo foolxumo
kasta oo ay xukunka ku xejistaan ilaa laga faramaroojyo awoodda
looguna ciqaabo dembiyada ay caqlixumada ku galaan. Doorashada soo
socota ee madaxweynaha Somaliland oo ku mudaysan in la qabto 26ka
June, 2010 wa xay waran tumaati ah ku tahay madaxweyne Daahir
Riyaale Kaahin oo diidan inuu kursiga ka dego iyo madaxwyene
Ismaaciil Cumar Geelle oo u arkaya in rididda Daahir Riyaale sabab u
noqondoonto rididiisa mustaqbalka dhow maadaama shacabkiisu arkayo
kaaha iyo ilayska dimoqaraadiyada iyo xornimada ee ka ifaya
Somaliland. Waxaa lagu jiraa bilowga qarnigii 21aad oo aan marnaba
la aqabalikarin in la daawado kelitalisnimo lagu boobo xukun iyo
hanti ummad lagana dhaxlo dib-u-dhac iyo cadaalad xumo. Xukunka,
hantida, iyo dalkaba umma dda ayaa leh xaqna u leh inay ku
hesho nabadgelyo iyo horumar.
Doorashada soo socota ee madaxweynaha Somaliland waxay salka ku
haysaa 3 arrimood oo kala ah:-
1. In ummadda Somaliland gacanta ku dhigto aayaheeda,
dawladnimadeeda iyo qaranimade eda halista ku jira maanta.
2. In ummadda Somaliland muujiso inay iyadu xukunka dalka leedahay
una dhiibankarto mar ba cidda danta dalka iyo dadka u
adeegaysa isla markaana burburinkarto ciddii ka hortimaada
rabitaankeeda iyo aayaheeda..
3. In qaranimada iyo dawladnimada Somaliland si cad looga
faramaroojiyo maamulada Jabu uti iyo Somalia oo ka soo
horjeeda madaxbanaanida Somaliland lana tuso in Somaliland
leed ahay shacab awood u leh ddifaaca sharafta
dawladnimada iyo qaranimada Somaliland cadowguna ka hagoogto kana
quusto waxyeellada madaxbanaanideeda.
Waxaa hubaal ah in xukuumadda Daahir Riyaale iyo Xisbiga Udub ku
fashilmeen xukunka dal ka halisna ficiladoodu ku hayaan
qaranimada iyo madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somalila nd. Waxay
baab`sheen haykalkii dawladnimada, waxay si ula kac ah u wiiqeen
aqoonsigii dalka, waxay xar iyo aboor ku noqdeen hantida ummadda,
waxayna ku xad-gudbeen xuqu uqda muwaadiniin farabadan.
Doorashada soo socota waa hubaal in Daahir Riyaale si weyn ugu
jabayo arrimahan kor ku xusan awgood. Iska-horimaadyo hubaysan oo ka
dhaca xuduu daha bariga Somaliland marnaba cudurdaar uma
noqonkarto doorashada madaxweynaha oo la baajiyo. Dalkii la
odhanjiray Jamhuuriyadda Somalia isaga oo dagaal culus kula jira
dawala dda Itoobiya ayaa la qabtay doorashadii madaxweynaha loogu
doortay Adan Cabdulle Cus man sannadkii 1964.
Maamulada Jabuuti, Somalia, iyo Somaliland, iyo kooxaha u adeegga
waxaa dhammaantood ka go`an inay fashiliyaan doorashada soo socota
ee madaxweynaha iyaga oo adeegsanaya tabo kala geddisan oo lagu
burburinayo doorashada: Sida qas, musuqmaasuq, iyo xad-gudubyo
lagula kaco goobaha iyo kaadhadhka codbixinta, hanjabaad iyo xadhig
lagula kaco xubnaha Komishanka Doorashada, hawlwadeenada ololaha
doorashada ee Axsaabta Mucaa radka iyo goobjoogayaasha goobaha
codbixinta, boob lagula kaco natiijada doorashada, sh irqoollo lagu
waxyeeleeyo musharrixiinta madaxweynaha iyo saraakiisha sare ee
Xisbiyada Mucaaradka, iyo nabadgelyada dalka oo la khalkhaliyo si
Daahir Riyaale iyo kooxdiisu u sii haystaan xukunka dalka taas oo
ujeedadeedu tahay ka hortagga aqoonsiga iyo madaxban aanida
Somaliland.
Wasiirada xukuumadda Daahir Riyaale iyo hawlwadeenada Xisbiga Udub
ee u adeegga kelit alisnimadiisa waxay durba bilaabeen ololaha
looga hortegayo laguna burburinayo doorasha da madaxweynaha
iyaga oo xidhxidhay hawlwadeeno goobo codbixin dalkana keenay lacag
farabadan oo la rabo in kaadhadhka lagu iibsado. La dagaallanka
doorasha madaxweynaha Somaliland waxaa qaybweyn ka qaadanaya
madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo u xuubsi ibtay kelitaliye
foolxun isaga oo ka leh laba ugajeedo oo kala ah: In shacabka
Jabuuti aan la tusin in isna la ridikaro iyo in Somaliland aanay
noqon dal madaxbanaan oo taabbagal ah si Dekedda Berbera Jabuuti uga
xidhnaato oo Somaliland u isticmaasho Dekedda Jabuuti si dhaqaalaha
Jabuuti loo kobciyo ka Somalilandna loo wiiqo. Farriinta kelitaliye
Geelle waxa weeye Riyaalow dadka ha tusin in layna ridikaro ee
doorashada madaxweynaha ka hortag kuna kac waxkasta oo burburinkara
adiga oo adeegsanaya wasiiradda, hawlwadeenada Udub, iyo ciidanka
daacadda kuu ah. Runtu waxay tahay Riyaale teg Geellana waa ku
daba jiraa.
Maanta shacabka Somaliland ayaa masiirka madaxbanaanida Somaliland
gacanta ugu jiraa waana u diyaar in madaxweyne Daahir Riyaale iyo
cadowgga sokeeye iyo shisheeye ee la safanba ay awoodda dalka kaga
faramaroojiyaan cod haddii doorashada la burburiyana cudud isku
badbaadiyaan.
Ibrahim Hassan Gagale
Ibrahim_hg@yahoo.com
Taariikh: May 22, 2010.
|