Farqiga u dhexeeya Guddoomiyaha Xisbiga iyo Hoggaamiyaha Xisbiga

 


Horta erayga Hoggaamiyaha Xisbigu (Party Leader) waa mid ku qariib ah qaab-dhism eedka xisbiyada Somaliland, kelmaddani waxay dadka dib u xusuusinaysaa eraygii Chie f of Staff ee 6 sanno ka hor muranka iyo doodda badan inaga dhex dhaliyey .

Dabciga iyo muhiimadda mansabyada Guddoomiyaha Xisbiga iyo Hoggaamiyaha Xisbigu leeyihiin waa qaar ay ku kala duwan yihiin waddamada ama xisbiyada Siyaasaddu.


Haddii aynu isku dayno inaynu tafsiil kooban ka bixinno labada Jago ama Boos (Title) ee Guddoomiye iyo Hoggaamiye waxaynu u qayaxaynaa sidan:


1. Guddoomiye Xisbi waa Sarkaalka guddoomiyaha u ah Xisbi-siyaasadeedka.
Doorka guddoomiyaha xisibigu (Party Chairman) waa mid ka duwan ta kan Hoggaamiy aha Xisibiga. Waajibaadka Guddoomiyuhu waa nidaaminta xubnaha xisbiga iyo abaabul ka hawlgalka xisbiga. Wuxu door ka ciyaaraa xeeladaha ku soo biiridda xisbiga iyo isku haynta xubnaha xisbiga dhexdiisa, iyo ololaha dhaqaale ururinta iyo maamulka xisbiga gudihiisa. wuxuu kaloo saamayn ku yeeshaa doorashada murashaxa xisbiga iyo marar ka qaarkood wacyigelinta iyo faafinta siyaasadda xisbiga.


2. Hoggaamiyaha Xisbigu (Party Leader) waa awoodda rasmiga ah ee ugu weyn xisbig a dhexdiisa. Waa qofka metelaya xisbiga. Hoggaamiyaha waxay tahay masuuliyaddiisu in uu maamulo xidhiidhka xisbiga iyo dadweynaha ka dhexeeya. Wuxuu leeyahay doork a hoggaamineed ee saaxadda siyaasadda ee doorashada codbixiyayaasha. waa qofka ku hadla magaca xisbiga ee xagga Saxaafadda. Haddii loo doorto golaha xeer-dejinta (wakiilada) waxa isla markaa uu noqdaa hoggaamiyaha xubnaha baarlamanka ee xisb igiisa.


Qaabka xulashada Hoggaamiyuhu waa ay ku kala geddisan yihiin xisbiyadu, intooda ba danna waxa lagu soo doortaa Shirweynaha Xisbiga. Mararka qaarkood waxa dhacda in Hoggaamiyaha xisbigu isla mar ahaantaan uu qabto jagada Guddoomiyaha xisbiga (oo uu labada Boosba isku hayo).

3. Dhanka Xisbiyada Shuuciga ah, Hoggaamiyaha waxa loogu magacaabaa ama loogu yeedhaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga (General Secretary).

wa billaahi Tawfiiq

Qalinkii:

Cali Xaruuri

Holland