Fariin ku socoda wasiirka cayaaraha[ dayac tirka garoonka hawlwadaag stadium waa mid u baahan in la dhamaystiro

 




Kubada cagta oo ah maanta mid si wayn looga qadariyo dalkeena somaliland dhaliyaraduna ay aad u xiiseeyaan , runtiina aan odhan karo waa qaybta ugu sumcada badan ama ugu qaalisan ee dhalinyarada maanta xiiseeyaan

Waxaan xasuustaa tartankii cayaaraha gobalada ee lagu qabtay caasimada gobolka togdheer ee BURCO siday saamayn wayn ugu yeelatay dadka qurbaha ku nool GAAR AHAAN dalka ingriiska oo aan ku daawanaaayay tartankaa asaga ah oo ahaa mid si habsamiya loo qabtay.

Waxa inta badan dadka cayaaraha kubada cagta xiiseeya ee ku nool dalka uk ay daawadaan kooxaha dalka ingriiska waxaanay kala taageeraan naadiyada dalka ka jira manchester united , arsenal iyo liverbool ayaa ah kooxaha ugu caan san ee shacabkeenu kala taageero.

Hasa yeeshee waxa markaliya na saamaysay tartankii ugu danbeeyay ee cayaaraha gobolad a somaliland ee lagu qabtay magaalada burco caasimada labaad ee s/land waana markii ugu horaysay ee aanu si toosa ugu xidhano cayaaraja gobolada waxaa xasuus mudan sidii xama asada lahayd ee shacbka uk ukala taageereeyeen gobaladii ku tartamayayay cayaarahaa kubada cagta.

Waxaana mar kaliya quluubta shacbigeena ka baxday arsenal iyo manshestar oo aanu mudo badan ka sheekaysan jirnay resturanada wax laga cuno iyo goobaha laysugu yimaado ayaa waxa lagu falanqaynayay gobolka ku guulaysan doono tartankan lagu qabtay magaalada burco

Gobolka hawd oo ahaa kii ku guulaysatay tartankii gobalada ayaa dad badan oo qurba joogi magaciisa barteen maadaama uu ahaa gobol cusub oo kusoo biiray dhawaan goboladii maa mulkii udub uu sameeyay ee uu hogaaminaayay mudane daahir riyaale kaahin oo ahaa mada xwaynihii hore ee somaliland tartankaa oo labada gobol ee isugu yimi cayaartii kama danba ysta oo kala ahaa gobolka hawda oo guushu raacday iyo gobolka maroodijeex oo uu tababare u ahaa cayartoygii hore ee gobolka waqooyi mudane diridhaba oo guuldaradu raacday iyaga iyo daayeerkii taageerada la barbar joogay oo la sheegay kaliya inuu iman jiray maalinta mar oodijeex cayaarayso[cajib]!!!!!!!

DULUCDA QORAALKA

Hadaba dulucda qoraalkaygan ayaa wuxuu yahay codsi aan u diraayo wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha waxaanan ka codsanayaa in GAROONKA hawlwadaag stadium la dayac tiro
maadama uu yahay garoonka ugu wayn ee dalkeena ku yaala walibana uu yahay mid ku yaala caasimada dalka somaliland HARGAYSA
 
Waxaan wasaarada cayaaraha iyo sportiska ku dhiirinayaa inay garoonka wayn ee hawlwada ag staadium ku tabarucaan ROOG lagu dheelo oo midabka greenka wata sida aduunwaynaha badiya laga isticaamlo akhristoow hadaad xasuusato dhamaan dhalinyaradeeni ku cayaari jirtay
garoonka wayn ee hawlwadaaag stadium waxa garoonku ahaa mid DIRIYA oo aan xataa aha yn ciid sida garoonka magaalada BURCO 

DHalinyarada kubada cayaarta ayaa garoonkan ciidiisu DIRI tahay dhib kala kulma oo haday dhacaan ama cayaartoy kalaba qaado ama jalaafaba loo dhigo ay dhibi kaa soo gaadhaa maa dama garoonku yahay mid ciiida taala ay tahay mid diriya ama adag

Sidaa daraadeed waxaan ka codsanayaa in bilicda garoonka la dhamaystiro waxa hore fikrad an usoo bandhigay mid ka mida cayaartoygii dalkeena ka cayaari jiray cayaaraha gobalada MUDANE CABDI SICIID [DHAYLO] kaas oo si habsamiya fariin ugu soo bandhigay wasiirkii hore ee cayaraaha somaliland.nasiib darose fikradaasi may noqon mid wasaarada cayaaruhu il gaara ku eegto ama hirgasha.

DHawaan ayaan la kulmay cabdi siciid dhaylo oo fikaradan hore usoo bandhigay waxaanan ka wada hadalnay sidii loo hirgalin lahaa fikradaa uu hore usoo jeediyay oo bal maamulka dawla da iyo wasaarada cayaaraha lagu wargaliyo inay DAYACTIRO garoonka wayn ee hawlwadaag stadium laguna qurxiyo roog cagaara oo bilic wanaagsan.

Sidaa daraadeed waxaan dhamaan inta xiisaysa cayaaraha kubada cagta ku boorinayaa ina y tayactirka garoonka hawlwadaag stadium taageero ka gaystaan kuna dhiiri galiyaan in wasii rka cayaaraha iyo gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta in ay garoonka dayac-tiraan lagana dhigo MID LAGU GOGLO ROOG LAGU DHEELO KUBADA CAGTA.

Taasina waxay keenaysa in garoonka hawlwadag ka mid noqdo garoomada caalamiga ah wax a kale oo ay niyada u dhisaysaa dhalinyarada kubada cagta cayaara waxa kale oo mustaqba lka ay inoo noqnaysaa meel aduunyada kale lagu soo dhaweeyo hadiiba ay inoo suurto gasho inaynu la yeelano cayaar saaxiibtinimo sida wadama jaarkeenaeyhiopia iyo jibuuti oo kale oo garoon CUNTAMAYA oo laynaga qaato aduunyada tusi karna

Hadiise uu garoonku yahay diridan adag cid aynu ku casuno daayo dhalinyaradeena ayaan kuba dheeli karin cayaar wanaagsan dhawacna ka soo gaadhi karaa taasina waxay horsee daysaa in qaar ka mida dhalinyarada dhaawac gaadho sidaaana lagaba yaabo inay ka fadhiist aan inay ka qayb qaataan cayaaraha lagu qabto dalkeena hooyo.

wabilaahi tawfiiq

 

 


Siciid Cabdi Dheen

dheen2011@hotmail.co.uk
London UK