Fanaanka Nuur Daalacay Oo Ka Hadlay Shakhsiyadii Marx uumad Faadumo
Qaasim Hilawle Iyo Safarka Uu ku Yimid Somaliland
“Shabigayga Reer S/Land Waa Ummad Run Ahaantii Ilaa Xad Gob Ah Oo
Hadaad Irbad Dun Ugaliso Aan Waligaa Ku Ilaawayn”
Hargeysa, (TNN) – Fanaanka Caanka ah ee reer Somaliland Nuur
Daalacay a yaa ka hadlay Aqoontii uu u lahaa Fanaanadii Weynayd ee
Faadumo Qaasim Hilawle oo maalin tii shala ku g eeriyootay dalka
Ingiriiska, ayaa ku tilmaamay inay ka mid ahayd Tiir dhaxaadka Fanka
Soom aalida, isla markaana ay ahayd Gabadh ay fanaaniinta
Soomaliyeed, gaar ahaana Dumarku a y ku dayan jireen inay noqdaan
sideeda oo kale.
Fanaan Nuur Daalacay ayaa waxa uu Tacsi u diray guud ahaan
Fanaaniinta Soomaaliyeed iyo Qoyskii ay ka baxday Marxuumad Faadumo
Qaasim Hilawle.
Sidoo kale Fanaankan oo ku sugan Wakhtigan Xaadirka ah Magaalada
Hargeysa ayaa ku tilm aamay Shacabka Somaliland kuwo Gob ah, waxaanu
si weyn ugu amaanay sida qiimaha bada n ee ay ugu soo dhaweeyeen
dalka.
Nuur Daalacay ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu
xalay Khadka Telef oonka ku siiyey Wargeyska Haatuf, kaas oo kaga
hadlay Shakhsiyadii Marxuumad Faadumo Qaasim Hilawle iyo Socdaalka
uu ku yimid dalka wixii uu kala kulay, ayaa ugu horayn mar uu ka
hadlay Geerida Naxdinta leh ee ku timid Fanaanadaasi ayaa waxa uu
yidhi “Naftkasta oo idinnka mid ahi way dhadhamin doonta mawdka.
Alle ha u naxariistee Marxuumad Faadumo Qaasim Hilawle waxa iigu
danbaysay maalmihii aan ka soo dhoofayey Ingiriiska, wakhtigaas oo
aanu ku kulanay Studio Karaama, oo wakhtigaasi wuxuu noqonayaa ilaa
bil iyo badh ka hor. Alle ha u naxariistee Faadumo Qaasim waxaan
odhan karaa waxay ahayd Tiir ka mid ah Tiirarkii waaweynaa ee Fanka
Somaliyeed oo runtii ay baal Dahab ah kaga jirtay, waxaanan odhan
karaa waxay ahayd Gabadh ay fanaaniinta Somaliyeed, gaar ahaan
dumarku ay ku dayan jireen mar walba inay sideeda oo kale u heesaan.
Waxa kale oo ay Fanaaniinta dheerayd oo ay ku heesi jirtay Heesaha
Banaadiriga ah oo ay caan ku ahayd, isla markaana waxay ka soo
jeeday Qoys Fanka aad Magac ugu leh.
Faamiliga Faadumo Qaasim aad ayaanu isku naqaanay oo aanu iskugu
xidhnayn, waxaanan ka tacsiyeynayaa geeridii naxdinta leh ee ku
timid Hooyadood Marxuumad Faadumo Qaasim Hilawle oo runtii ummadda
Somaliyeed oo dhan ka baxday oo aan qosykaas oo kaliya ka bixin
markaa dhamaan ummada Soomaalida iyo qoyskeedaba waxaan u dirayaa
Tacsi, Marxuumad dana waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu Naxariistii
Jano ka waraabiyo. Gaar aahaan waxaan tacsi u dirayaa Maxamed
Karaama oo aanu nahay saaxiib aad iskugu dhaw iyo dhamaan car
uurteeda iyo odaygeedaba tacsi ayaan u dirayaa”.
“Alle ha naxariistee Faadumo Qaasim waxa aanu is baranay oo iskugu
kaaya horaysay wakh ti hada laga jooga Taariikh dheer oo ay noogu
timid dalka Jamhuriyadda Djibouti oo nagu soo booqatay Idaacadda
Djibouti, aniga oo wakhtigaas halkaas wax ka duubaya ayaanu halkaas
isku baranaya iyada oo uu la socday Fanaanka wayn ee Axmed Naaji.
Hadana waxaanu mar kale kulanay wakhtigii la soo Qaxay ee ay Somalia
burburtay oo ay isla Djibouti noogu timid, iyada iyo Axmed Naaji
waxa ay markaas qaadeed oo ay duubayeen heestii la odhan jiray ‘Dal
xiis kaagamaan imaane dalkaygoow yaan kugu doorsanayaa, miyey
dunidaba ku taalaa dalk aygoow. Wakhtigaas way naga noqotay
Marxuumadd Faadumo Qaasim, aniguna markaas w aan dhoofay markaas
ayaanu isku aragnay dalka Holand oo aan wakhtigaas degay, wakhtiy
adii ugu danbaysay oo aanu aad isku dhexgalnay Faamiligeeda waxaanu
ku kulanay oo aanu iskugu nimid dalka Ingiriiska, markaa run
ahaantii waxay ahayd geeri naxdin leh Ilaahayna dhamaanteen ha inaga
wada siiyo Samir iyo Iimaan”.
Dhinaca kale Nuur Daalacay mar wax laga waydiiyey taariikh
Faneedkiisa, waxa uu yidhi “Fan kayga waxaan ka bilaabay dalka
Jamhuuriyadda Djibouti, markaa 1987-kii waxa aan ku biiray kooxdii
la odhan jiray Gacan-macaan, waxaan Jili jiray Riwaayadaha, waxaanan
ahaa Actar Riwaayadaha Matala oo inta badan hogaaminay Riwaayadaha
kuna Matala Xidig. Kooxda G acan-Macaan waxa wakhtigaas joogay
Abwaano aad u wanw anaagsan oo Tayo leh, isla ma rkaana sidaas ayaan
koox dhisan Fanka uga bilaabay oo nasiibkaas ayaan yeeshay aniga oo
aad u da’yar, markaa tiro Riwaayado ah dhigay ayaan dibadda u
dhoofay oo wadanka Hola nd ayaa dagay wakhtigaas, markaa waxaan
qurbaha kala kulmay Nolol cusub iyo Jawi cusub oo Iskuul baan galay
Iskuulkii markaan ka baxayna Shaqo ayaan markiiba bilaabay, inkasta
oo aanu mar koox wada samaynay niman aanu saaxiib ahayn, hadana
kooxdaasi may noqon mid hirgasha sababo badan awgeed, markaas waxaan
is idhi malaha nolosha iyo fanku isma dhex socon karaane inyar ka
naso fanka. Inkasta oo Fanku ahaa Hobigayga oo igu abuurnaa hadana
markaan muddo sidaas kaga maqnaa ayaan dib u soo tumay heesahaygii
hore inkata oo aan dhamaantood soo wada tumin, markaas taasina waxay
keentay inaan Fankii si toos ah hadana ugu soo noqdo, ka dibna
waxaan u soo wareejiyey Dalka Ingiriiska oo aan hada ku suganahay”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya waxa uu
Somaliland kala kulmay markii dhawaan socdaalka ku yimid, waxa uu
yidhi “Waxaan si niyad sami ah ugu Mahad naqayaa u mmadda Somaliland
oo si wayn ii soo dhaweeyey markii aan imid iyo wakhtigan oo aan
jooga, run ahaantiina farxad aan kala go’ lahayn iyo niyad sami igu
soo dhaweeyey. Ummaddayda Somaliland waa shacbi run ahaantii ilaa
xad aad u gob ah oo hadaad Irbad dun u galiso aan waligaa ku
ilaawayn, Heesta Somaliland waxay ku timid amaan iyo sharaf iyo
dadaal ay la yimaadeen oo ay dadka kale dheeryihiin, isla markaana
bisayl ay tuseen caalamka, markaas taas ayuun bay ku timid heestu oo
aan ka sheekeeyey, markaa waxaan odhan karaa nigu waxbaba umaan
qabane iyagaa Kasbaday intaas yar iyo ka badanba”.
Nuur Daalacay oo ka jawaabay inta jeer uu Somaliland yimid iyo sida
uu u arko xaaladda guu d dalka Jamhuriyadda Somaliland, waxa uu
yidhi “Somaliland inkasta oo aan mar walba iman jiray ilaa
caruurnimadaydii hadana waxa iigu danbaysay 1983-kii xagaa Bax aan
imaado, isla markaana aan mar imid sanadkii 2004-tii wax badan ayaan
dareemay oo ku soo kordhay dal ka. markaa inkasta oo marka aanu
Qurbaha joogno aanu xaaladda dalka la socono hadana waxaan la kulmay
markii aan arkay run ahaantii xaalad aad ii raali galisay oo waxaan
arkay dalkii oo dhismay oo nin waliba hawshiisa wata oo shaqooyin
jiraan oo la wada ganacsanayo oo dawladdii shaqaynayso”
Source:Haatuf
|