Fanaanada weyn ee Khadra Daahir Cigge oo Gabay Baroordiiq ah u tirisay Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd,Guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Jabuuti
 

 



Fanaanada Caanka ah ee Khadra Daahir Cige oo ka mid ah fanaaniinta aadka loo jecel-yahay codke eda tolmoon ee ay ku luuqeyso heesaha ay qaado ayaa waxay markii ugu horeysay taariikhda tiri say Gabay baroor-diiqa oo la yidhaahdo “Garab Igu Banaanaa" oo ay u tirisay Alle ha u naxariiste Guddoomiyihii hore ee Bangiga dhexe ee Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd oo ay ahaaye en Walaalo isku dheer, oo ku geeriyooday dalka Kenya taariikhu markey ahayd 11/1/2013 oo hab eenimo ah.kadib markii uu madaxa-dhiig kaga furmay afar cisho ka hor.

Khadra Daahir Cige oo ay marxuum Jaamac Maxamuud Xayd ahaayeen walaalo isku dheer ayaa w axay gabaykan baroordiiqda u tirisay 12/1/2013 oo ahayd markii marxuumka lagu aasay dalka Ja buuti.

Waxaanu Gabaygu u dhignaa sidan:

 

 



Kolay geeri lama huraayo
Godkuna waa ina sugayaa
Goobta maanta ay timid
Ayaa noqotey kala guure
Garab ayaa banaanaado
Geesiba baxaye

*****

Tacsi baan gudbinayaa
Dhamaan gudaha Soomaali
Rabbi ku gargaayo
Janada eebe ku garaye
Naxariista guud iyo ta gaar
Eebe ku gogolye

*****

Gabadhaad jeclaydiyo
Gurboodkii ay ku heysay
Gacaladii walaasha
Khadraan Samirkan gaadhsiine
Anigana xasuus aan go’ayn
Baa iguud sudhane

*****

Asaxaabtii gebigood
Qalbigu waa gubanayaaye
Gocoshada Xasuustana
Waxaan hadal ku soo gooyey
Gidigeen ILAAHAY janada
Ha ina wadageeyo”.

*****

 

 



Gabaygan baroordiiqda ee ay fanaanada Khadra Daahir Cige u tirisay Guddoomiyihii hore ee Baan ka dhexe ee Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd ee dhawaan geeriyooday ayaa noqonaya gabaygii ugu horeeyey ee ay tiriso muddadii dheerayd ee ay ku dhex jirtey badweynta Fanka Soo maalida.