FAHAMKA ZAKATUL FIDRIGA

 



 

Alle (SWT) ayaa mahad iska leh ina soo gadhsiiyey akhirka bishii barakaysand ee Ramadan  ina ynu mahadino oo amaanona waajib inoogu leh..

Akhriste waxan wax ka odhan doona, Eebe intii uu iga garansiiyo zakatul fidri ,anigoo inoo soo naqliyay kalamka ehulu cilmiga,waxaan u dhigi doona qaab su aalo iyo jawaabo ah.Ilaahayna  w axay waydiisanaa inuu inagu gallado naxariistiisa iyo danbi-dhaafkiisa.



S. Waa maxay xikmada ku duugan zakatul fidriga?

J.Waa zako laga bixinayo qofka jidhkiisa, iyadoo Alle(SWT)looga mahadnaqayo baaqi yeelitanka uu jidhkiisa bariyeelay sannadkii dhamaaday, sidaa daraaded buu Alle(SWT) ugu waajibiyey qof yar ,mid weyn,qof soonka lagu leeyahay iyo qof kalaba.

S.XUKUNKEEDU WAA MAXAY?

J.Xukunkeedu waa wajib faral ah,waxaana u daalil ah xadiiska Cabdulahi bin Cumar ee bukhari soo wariyey..Rasulkii( SCW)wuxu nagu faral yeelay zakatul fidri…..alxadiis.

S.YEYEY KU WAAJIBTAY ZAKATUL FIDRIGU?

J.Qof kastoo muslim ah,oo haysta wax dheerad ka ah qudkiisa ama quudka cida uu masuulka ka yahay, maalin iyo habeen; loomana shardiyo qaninimo ama xoolo zako goys ah.



S.ZAKATUL FIDRIGU GOORMA AYEY WAAJIBAYSAA,WAKHTIGEEDU GOORMA AYUU KA BILAABMAYAA?

J. Sida loo badiyo, markay qorraxdu dhacdo, habeenka iidu soo galayso (maxaa yeelay zakada waxa lagu magacaabay zakatul fidri….zakadii la bixinayey Ramadan marka laga afuro, niyo Ramadan laguma waabarisanayo maalinta iida.

Waxa ka ratibmayaa ama ka dhalanaya masooliyin fiqi ah siday culumadu sheegaa:

1. qofku haduu muslimo habeenka iida soo gashay ……zako laguma laha;

2. gabadha la guursado markay qoraxadu dhacdo….ninka guursaday zako laguma laha;

3.ilmo dhashay qoraxadu markay dhacday….zako laguma laha;

4.adoon la iibsaday qoraxadu markay dhacday…..zako laguma laha cida iibsatay wakhtigaasi.

Waxa banaan in la bixiyo zakada, maalin, labo ama saddex cisho ka hor Iida; waxa u daliil ah xadiiiska Bukhari soo saray ee Nafic ibnu Cumar wariyey in laba cisho ka hor uu ibnu cumar bixin jirey zakatul fidriga.

· Waxa ugu fadli badan siday tibaaxan ehelu cilmigu waagu marku baryo ilaa inta udhaxaysa salada iida,

· Wakhtigeeda ugu danbeeyana waa salaada iida….daliil xadis ibnu cabas.



¬ Haddii cudurdaar meesha yimado, sida qof uu wakiishay oo dayacay, marka uu ogaado ayuu bixinayaa..

¬ Wakhtiga oo si lama filaan ah u soo gala,sida duhurkii oo oy ku dhawdahay in la ogaado ina maalinta tahay maalin iid ah.

¬ In la waayo dad mutastay (fuqaradii iyo masaakiinti),sida safar badda ah ayuu saran yahay.

¬ Hadii uu ilaabay,marka uu xasuusto ayuu bixinayaa.

S. MAXAA LAGU BIXINAYAA(Nooca Raashinka).

J. Waxa lagu bixinayaa shay kastoo rashinka dadka markaa inta badan isticmaalaan (qutul qalib).

S. INTEE AYAA LA BIXINAYA(QADARKEE).

J. Sida laysu wafaqsan yahay xadiiskan ku cad:SAAC,oo u dhigma afar mud(labada sacab oo laysu geeyey oo buuxa,qof dhexdeexad ah)

· Miisanka culumadu qaar laba iyo badh, qaarna saddex ayey leeyhiin.

S. ZAKATUL FIDRI,NAQDI AMA LACAG MA LAGU BIXIN KARAYAA?

J. Culumada badankoodu maya ayeey leeyihiin,ilayo daruuro mooyane.

S. ZAKATUL FIDRI,AYAA LA SIINAYAA?

J. Masakiinta iyo fuqarada.

· Yaa faqiir ah:qofkii aan waxbaba haysan

· Yaa miiskiin ah: qofkii wax haysta lakiin aanay ku filnayn xajadiisa.

S. MA BANNAAN TAHAY KOOX ZAKADOOD IN QOF QUDHA LA SIIYO.

J. HAA.

S. QOF MIISKINI QOF MIISKAN ZAKADA MA SIIN KARA?

J. HAA.

S. HALKEE AYAA LAGU BIXINAYAA?

A. Asalku waa inaanu u rarin beled kale,oo uu ku bixiyo meesha uu joogo.

Q. MA BANAAN TAHAY IN QOFKU QOF WAKIISHO?

A.HAA

Q. WA BANNAAN TAHAY IN LABA NOOC (JINSI) OO RAASHIN AH OO KALE DUWAN LAGU BIXIYO?

A.MAYA , MA BANNAANA.

Q.MA BIXIN KARA IYADII OO LA ARKAYO AMA QARSOODI MA U BIXIN KARAA?

A.LABADUBA WAY BAANAN YIHIIN.

Wabilaahi tawfiiq.

 

 

 

 

By: A.Rahman Ali A. Jiciir