Marwo Fadumo Siciid Ibrahim oo si weyn loogu soo dhawe eyay caasimada Dalka Maraykanka ee Washingtom- DC



Marwo Faadumo Siciid ,ayaa mudada ay joogto dalka Mareykanka,waxaa ay la kulmi doontaa  m asuuliyiin ka tirsan Dawlada Maraykanka iyo Jaaliyadaha Somaliland ......

Washington-DC (TNN) :-La-taliyaha Arrimaha Dibedda Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Marwo,   Faadumo Siciid Ibrahim,oo muddooyinkii danbe socdaal ku maraysay qaar ka mid ah wadamada Yurub , oo maanta soo gaadhay dalka Mareykanka , si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka D allas ee ku yaalla caasimadda Dalka Maraykanka ee Washington-DC, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee gobollada Virgina, Maryland iyo Washington DC, Nuura Axmed Weris iyo qaar ka mida hoggaanka jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan gobolka Vi rginia.

Marwo Faadumo Siciid, ayaa mudada ay joogto dalka Mareykanka waxaa ay la kulmi doontaa Ja aliyadaha Somaliland ee ku dhaqan gobollada kala duwan ee dalka Maraykanka. waxaana si gaa r ah waxay dadweynaha Somaliland kala qaybgeli doontaa Xuska 18 May.

Marwo Faadumo Siciid, ayaa la filayaa inay kulamo la qaadato masuuliyiin ka tirsan dawladda Ma reykanka iyada oo kala hadli doonta qaddiyadda Somaliland, sidoo kalena waxaa la filayaa inay kulamo la qaadato hoggaanka jaaliyadaha Somaliland ee gobollada kala duwan ee Maraykanka iyo weliba masuuliyiinta Xisbiga Waddani ee Maraykanka.


 


Timacade News Desk
Washington-DC,USA