Fadhigii Golaha Guurtida Maanta oo Seddex Qodob oo Xasaasi ah Lagu Ansixiyay
 


 

Hargaysa(Longlivesomaliland news)Fadhigii maanta ee Golaha guurtida oo uu Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan (SaLeebaan Gaal) oo ay ka soo qay galeen 58 mudane oo ka mid ah 82 mudane ee Golaha Guurtida.

Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah w axay ku meel mariyeen saddex qoddob oo kala ah

1. in ay dhex u noqdaan dhinacyada siyaasada

2. si dhexdhexaadnimada golaha Guurtidu u xaqiijisanto waa in aan xubnaha goluhu kamid noqon xisbiyada siyaasiga ee qaranka

3. in Goluhu isagoo dhinaca maslaxada guud ka eegaya, wuxuu ansixinayaa wixii xal ah ee ay kusoo heshiiyaan saddexda xisbi qaran ee lagu soo  afjara yo muranka siyaasiga ee dalka ka taagan. Haddii ay ku heshiin waayaan  Gol uhu wuxuu ku hawl-gelayaa waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

Ansixinta qoddobadan ayaa waxay ka dhalatay daraasad ay soo sameeyeen 2 mudane oo ka tirsan golaha oo loo saarayn sidii loo waajihi lahaa muranka siyaasdeed ee dalka ka taagan, waxaana ansxiyay 55 xildhibaan oo ka mid ahaa 58 mudane oo fadhiyay golaha, 2 mudane way ka aamuseen, Guddoom i yuhuna muu codaynin

Waxaana mudanayaasha golaha guurtida ahaayeen sedan:-

1. Mudane Axmed Dirir Cali
2. Cabdirxamaan Axmed Aaraye.
3. Cabdilaahi Ibraahin Xirsi
4. X. cabdirkariim xuseen yusuf
5. Maxamed Jamac Abokor
6. Muxumed Aw. Axmed X. Aaden
7. Cabdisalaan Maxamed Siciid
8. Aadan Shire Faarax
9. Cabdiqaadi Aw. Xuseen Mire
10. Axmed Muuse Obsiiye
11. Sahal Iidle Dirir
12. Cabdiqaadir Maxamed Xasan
13. Jamac Faarax Axmed
14. Nuur Riyaale Kheyre
15. Sh. Maxamuud Xirsi faarax
16. Xirsi ciise jaamac
17. Yusuf Cabdilaahi Cawaale
18. C/raxmaan Sh. Yusuf Sh. Madar
19. C/rashiid Sh. Cabdilaahi Aaden.
20. Maxamed Maxamuud Yasin
21. Saleeba Garas Seed
22. Axmed Daahir Jirde
 

 


Mustafe Future

Longlivesomaliland News
Hargeisa/Somaliland
mccfuture@longlivesomaliland.com