Fadhiga xukuumada+ Ficil la'aanta mucaaradka+ Fikir la'aanta shicibka = Farxada cadawga somaliland


Waxa aan aad iyo aad uu salaamayaa dhamaan shicibka Somaliland meel kasta oo ay  jooga an gudo iyo dibadba. Waxa kale oo aan aad uu salaamayaa shabakadaha dhirigaliya fikirka dadweynaha hadh iyo habeen a uu hawlan horumarka dalkooda hooyo.bacda salaa

waxa aan qalinka uu qaatay in aan kalmado ka idhaahdo sadexa arimood oo isku sidkan oo aan kala maarmi Karin

1-Fadhiga xukuumada :-

Runtii sida cad xukuumadeena maanta jirta waxa ay keentay hormar badan iyo dib uu dhacyo badan .waxa ay ku guulasatay arimo badan oo ay waxa ka qabatay sida

dhisida ciidamada kala duwan ee dalkeena waxbarshad oo ay ku samaysay horumar walaw hadan aaanay gaadhin halkiii ugu saraysay laakin marka looo eego sandadii ina dhaafay la odhan kar o guul ayay ka geentay xaga waxbarshada laakiin waxa is waydiin leh waxyaalaha ay qabatay iyo waxyaalaha ay ku fashilantay percentage ahaan iyamaa badan taas waxa aa u dhaafayaa dadwaynaha somaliland

runti xukuumada maanta haysa talada dalka waxa ay gaabisay waxyaalo badan oo asaasi ah in ay wax ka qabato sida

dhaqaalaah, cadaalada, . iyo musuqmaasuqa baahay .

dhaqaalaah dalka :

sida aanu la wadasocono dalkeenu waa leeyahay ilihii dhaqaalaha laga soo saari lahaa sida

warshadaha beeraha macdanta iyo khayraadka bada . intaas iyo in kale oo badan oo aan halkan ku soo koobi Karin waa ay ku fashilantay wax ka qabashadeeda xukuumada maanta talada haysa .

dekada berbera oo ah isha dhaqaale ee maanata dalku eegto waxa ay ku dhawdahay in ay xidhanto .waxa ka soo daga oo kaliya waa baabuurta iyo tujaarta waa wayn oo iyagu awooda cashuurta faraha badan lkin dhamaan ganacsatada dhexe iyo dhamaan wax alle iyo waxkasta oo bagaash waxa ay ka soo dagaan dakada boosaaso.

Sababta keentay in ganacsato rer Somaliland ahi ka yacaan dakada berbera waa cashurtii oo ku noqotay double sidaas daradeed naftu waxa ay ku qasabtay in ay raadsadaan dakad ka cashuur jaban taasna ay sababtay dawladeena maanta talada haysa.

Runti waxa maanta dalka ka jiraa waa ganacsigii khaaska ahaa ee ay lahayeen shicibku .wax warshada ah oo manta dawladu dhistay ma jirto.

Warshada sibidhka berbera oo hadii ay dhisi lahayd ay ka hawlgali lahayeen ku dhawaad one million waxana ka badali lahayd shaqo la.aanta maanta dhaqaajisay curdinkii dalka ayaa ah mid goraygu ka hadaafay.dhamaan illihii dhaqaaale ee dalka ayaa ah kuwo aan haysan cid uu kacda o ka faa;idaysta taasna waxa sabab uu ah dawladeena maanta jirta.

Cadaalada :

Maanta cadaalada dalkeena waxa ay maraysaa marxalad la odhan karo waa ay hoosaysaa. hadii iminka ay is qabsadaan labo qof ma tagayaan dawlada iyo hayadaah qaabilsan cadaalada waayo uma haystaan in ay kala saarayso oo waxa ay ka doorbidayaan geedka iyo qabiilka marka aad daka waydiiso sababta ay maxakamada uu tagi wayeen waxa lagugu jawaabayaa nin gardaran iyo nin aan doonayn cadalad ayaa taga maxkamada iyo hayadaha ku shaqada leh hawshaas in ay dadwaynahu amini wayeen maxkamadiihii waxa sabab uu ah dawladeena maanta talada haysa

Musuqmaasuqa:

Sida cad dalkeenu waa dal aan lahayn dhaqaale ku filan oo kaaba aad ayuu u liitaa heerkiisa dhaqaale hadaan waxa ragaadiyay laamaha dawlada musuqmaasuq iyo wax is dabamarin baahday dekada berbera waxa yar ee ka soo baxa waxa loo maareeyaa si ka baxsan sidii loo qorsheeyay runtii isaga oo dhaqaalluhu yar yahay ayaa hadana hadii inta yar ee ka soo baxda loo maarayn lahaa sideeda waxa uu noqon lahaa dal isku filaansho gaadhay sida aynu maanta dumuqraadiyada aynu isku filnaasho uga gaadhnay.

2 -Ficil la'aanta mucaaradka:-

Maanta mucaaradka dalkeenu waxa aad moodaa in uu qalad fahmay kalmada mucaarad sida muuqata mucaaradka dalkeenu waxa kaliya ee uu ka shaqeeyaa waa sidii ay u dhici lahayd doorosho oo ay iyagu talada dalka ula wareegi lahayeen .

Runtiina waxa aad moodaa in aanay jirin wax wada shaqayn ah oo ka dhaxeeya iyaga iyo xukuumada.mucaaradku ma in ay ka faa;idaystaan waxyaalaha ay dawladu ka gaabsatay kuna fashilantay wax ka qabashadeeda

Siyaasadna ka dhigtaan dhaliilaha dawlada. dawladana ku dhalilaan waxqabad la.aan runtiii mucaaradkeenu waxa uu ku farxayaa hagrdaamada xukuumada .hadii aad uu fiirsato sadexda xisibi qaran ee dalkeena waxa aad araksyaa in ay ku kala duwan yahiiin faraq yar oo kaliya .siyaasad ahaan iyo muqaal ahaan waa ay iskaga eegyahiin walaw ay ku kala duwan yahin maagaca oo kliya taasna waxa sababtay isku eekaan shaha siyaasada xisbiyada

Mucaaridku waa in ay uu soo bandhigaan umada siyasadooda mustqabal ee ay doonayaan inay umada ku hogaamiyaan oo run ku dheehantahay oo aan ahayn hadal gole kagakac ah balankaasi oo dan u ah umada reer Somaliland islamarkaana ay bari kagala xisaabtamaan madaxwaynaha talada dalka ku guulaysta



3 -Fikir la'aanta shicibka

Sida xaqiiqda ah shicibka reer Somaliland waxa lagu tilmaamaa in uu yahay shicib heegan ugu jira danaha dalkooda waxa lagu tilmaamaa shicib is maqla ,wax wada qabsada , kala danbayn leh waxaas oo dhana waa wax jira waana dhab intaas iyo in kabadana waa mutaystay taasi waa danta guud ee qaranka waana waajibkooda .

Runtii maanta shicibkeenu waxa uu uu qabsamay sadex qaybood oo kala ah

1 Qayb ku milantay fagaaraha siyaasada kuna dhex baabaday sadexda xisbi qaran

2 qayb kala fahmi wayaday siyaasada sadexad xisbi qaran kuna jirta habaw siyaasadeed oo ay sadexdii xisbi qaran uu noqdeen isku mid

3 qayb wax walba fahansan oo kala garanaaya ka danta dalku jirto laakin ku raacay qabiil iyo qabyaalad waana qaybta ugu badan marka aad la sheekaysato qaybtan sadexaad waxa ay ku dhahayaan walaahi xisbi hebel ayaa ku haboon talada dalka .laakin kugu jawaabaaya anagu waxa aanu tageersanahaya xisbi hebel waayo dantayada shaqsiyadeed ayaa nooga dhex muuqatay. ugu dhex muuqan masyo danta dalka iyo dadka , waxa lagugu jawaabayaaa aniga isaga oo uu ku jiro xisbi hebel inadeerkay ,adeerkay iyo mid aanu isku jufo nahaya maxaan ka doonayaa mid kale

Runti horumarka dalku waxa uu ku jiraa gacanta shicibka iyaga ayay gacantooda ku jirtaa dib uu dhaca dalka codkooda ayuu ku jiraa hadii ay codkooda uu adeegsadaan ka ay uu maleeyaan in uu wax tar uu leeyahay kaas ha uu codeeyaan meelna ku gayn mayaan mid aad ku raacday qabiil iyo qabyaalada akhirana waa lagaaga xisaabtamayaaa halka uu ku baxay codkaagu danbi aadan qaadi Karin is dhib yar ha iskugu soo jiidina ogow shicibkaygaw adiga ayuu kugu xidhan yahay in aad dalka dib u dhac ku yimaado iyo in uu la jaanqaado wadamada asaagii ah

Shicibka rer Somaliland ha ka fikiraan ka uu haya dantooda hana ka dheeradaan ka aan marnaba u hayan nasteexo laakin ay ku jirto dantiisa qofkasta oo maanta codayn karaa ha is waydiiyo inta uu kaligii is xisaabiyo ka ay danta dalka ku jirto shicibka reer Somaliland waxa aan u soo jeedinayaa in ay codkooda ku ciil baxaan malinta ay timaado



Farxada cadawaga Somaliland



Runti marka ay is birsadaan sadexdaa arimood ee ciwaanku xanbaarsan yahay waxa soo baxasya farxada cadawga Somaliland cadwga Somaliland oo aha cadaw markasta ku hawaln carqalda Somaliland una diyaar ah hagardaamada dalkeena .

Laakin hadii sadexdaa arimood ee aanu kor ku soo xusnay ay mi waliba sidiisa uu heegan galo waxa dhacaysa in cadawkastaaa halkiisa ku baabo







 

Eng Ismail l.Hussein Ali
University academy of engineering science
Faculty power engineering
Email inaxabeeb@hotmail.com
Tell 00249127054890