Fadhataysiga Fanka ( Heestaa anaa lahaa,maad lahayn, anaa la haa !!!!!!!), waa hadalada aad iiga yaabiya-- halkan illa eeg

 

Abwaan: Siciid Cabdi Dheen

 


Fankii hore ee ay hormoodka ka ahaayeen Abwaanadii hore iyo fanaaniintii hore, sida Maxamed Cumar Huryo, AHN,  Basbaas iyo Axmed Saleebaan Bidde , ama heesaha iyo suugaanta ay is waydaarsan jiree n Cabdi Qays iyo Hadraawi , ayagoo xaalada dalka iyo waqtiga la joogo iska xogo gaal waraysanaya, int a badana ay heesaha u dhiibi jiray Halyaygii, Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan, AHN.


Fankaasi waxa uu lahaa sharaf aad u wayn iyo ixtiraam ka dhexeeyay Abwaanada iyo Heesaaga,may ji rin Heeso laysku qabsado iyo Abwaano iyo Fanaaniin wax ka dhaxeeyaan.Waxay bulshadaasi ahayd mid aad iyo aad u ilaaliya milgaha fanka iyo suugaantu leeyahay.

Sida aan taariikhda ku helay,  wixii ka horeeyay 60 aadkii , waxa la dhagaysan jiray Heesaha Suudaanig a,waanay yaraayeen Heesha Soomaliga ee jira ama la qaaadayba.Waxase Soomalidu hodan ka ahaayee n hal abuurka murtida , waxaana jiray Gabayo iyo Heeso lagu cayaaro marka golayaasha la isugu yimaa do, kuwaas oo sacab lagu jiibin jiray ama sacabku muusic u ahaasida, Jaandheer ,Wil wilo,Saylici, Dhaa nto , iwm.


Maanta , waxaa Fankii marayaa meel aad u liidata , waxaanad maqlaysaa Heeso la kala fadhataysanaay o , waxaa hadaba is wayiidn mudan,  ninka ku qabsanaya hees nin kale , ma habeen ayuun buu ku riyoo day  [Walaahi Heesta ku qabso ninkaa?].

Waa su'aasha aan naftayda waydiiyo,  ilaa imikana aanan wax jawaab u helin. Maxaa yeelay Hees aan ad samayn , aanad abuurin , aanad garanayn sababta loo sameeyay,cilmiga ku jira iyo ujeedada ka da nbaysana aanad garanayn,  miyaad kari kartaa in aad nin iskaga qabsato [ Waar ragu qalbi adakaa], an agaa balaayo aragnay.

 


Bi'i waa jacayloow
Boodhari in uu dilay
Been baan u haystee


Heesti uu sameeyay Hadraawi , ee midhaheedu ilaa dhamaadka ahaa sidan:


Baladwayn Allahayoow
Ka dhig Beerta raaxada
Beerlula Allahayoow
Baryo samo ku noolee

 



Waxa abuuray,  sameeyay,  Abwaanka Maxamed Ibraahim Hadraawi , dabcan Heestanai ,waa mid sab ab iyo ujeedo uu abwaanku u sameeyay. Sida aynu la wada soconana, Hadraawi waqtigaa waxa uu jaca yl u qaaday gabadh reer Baladwayn ah,  oo la yidhaa Beerlula: Nin Banaadir joogo, Balad wayn la hays too,waxaan ahay labaabee, Xasan Aadan Samatarna , ku luuqaynaayay.


Waad dareemi kartaa hadaad suugaanta wax ka taqaano dareenka ku jira Abwaanka iyo siduu Heesta ugu tilmaamayo, uguna cabiraayo.Marka , hadii nin ku qabsan lahaa Hadraawi, maalintuu Heestaa same eyay,  miyaanay noqteen wax aad loola yaabo.Dhamaan Heesaha raga kale sameeyaana waa sidaas oo kale .

Abwaaan kasta oo Hees abuuraana , waxa uu cabiraa dareenkiisa, ujeedadiisa , guubaa badiisa iyo caa shaqiisa , sidaa awgeed ma shaqaynayso nidaamka KU QABSO KU QADIMAYSIDE.

Taladu waxa weeye, dhalinyrada hada fanka u kacay , hal Hees aad nin ku qabsato ama aad ku muranto adoo og inaanad lahayn,waa sharaf dhac wayn , oo fankaaga wax u dhimaysa,waa sumcad xumo iyo aa yo xumo, aad waqti badan ka fikiri doonto ,si wayna isu ciilkaanbiyi doonto.


Abuuritaanka Heestu , kama badna 30 daqiiqo ,haduu Abwaanku qalinka u qaato.Marka, ninka Heeso do onaya inuu lahaado , qalinka qaado , oo samayso qaar aad leedahay.Hadii aanad hibo u lahayn inaad sa maysato,  isku day inaad ahaato kuwa qaada ama heesa.Hadaanad cod lahayna, isku day dhinaca qoso lka iyo maada inaad ka qayb qaadato.Intaa hadii aanad midna lahayna,maxaa ku luray iskaba dhagayso, oo maqalka ugu roonow.

 



Gabagabadii


Qoraalkani maaha mid qof gaara ku socda , fanaan gaara, Abwaan gaara, Heesaa gaara ,kaliya waxa ila quman in aan wax tusaaleeyo, jiilkan cusub ee fanka u kacay in aanay sumcada fanka qaribin, milgihiisa na ay ilaaliyaan, haday talooyin doonaana , ay ragii fanka uga horeeyay wax waydiiyaan.

 


wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Abwaan: Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London,UK