Fadeexada Ka Taagan Madaxweyne Siilaanyo Oo Qoraalkii Uu Uhuru Kenyatta Ku Bogaadiyay Ka Soo Minguuriyay Hambalyo Uu Madaxweyne Maraykan Ahi Diray 1969

 


 

Hargeysa (TNN) :-
In fikir, hadal ama hal-abuur uu qof leeyahay qof kale isaga oo aan qofkii lahaa fasax ka haysan ama ugu yaraan xusin uu iska qaataa waa arrin aad xasaasi uga ah dunida maanta, marka laga tago ceebta ay u soo jiiddo qofka waxaa marar badan dhacda in ay ka dhashaan dacwado maxkamadeed.

Si kastaba ha ahaato ee marar dhif ah ayaa ay dhacdaa in hoggaamiye dal oo doonayey in uu farriin gudbiyaa uu minguuriyo khudbad iyo hadal hoggaamiye kale lahaa, waxa aana ka dhashay sawir muujinaya in gacanyareyaasha hoggaamiye ee khudbadda ama qoraalka diyaariyey aanay lahayn awood hal-abuur iyo anshax dhowraya xuquuqda dadka kale.

Dadka ay hore ugu dhacday waxaa ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Joe Biden oo mar uu isaga oo xildhibaan ah khudbad ka jeedinayey shirkii guud ee xisbiga hadalladiisii laga dhex helay kuwo badan oo uu si qarsoodi ah uga soo minguuriyey Neil Kinnock oo ah siyaasi ruugcaddaa ah oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Sannadkan aynu ku jirno ayaa ay tuugaysiga hadalka iyo hal-abuurka ee siyaasiyiintu mar kale dunida aad ugu soo noqotay, kadib markii madaxweynaha dalka Ghana Akufo-Addo la arkay isaga oo khudbaddiisii caleemasaarka ka soo minguuristay, khudbad uu munaasabaddaas oo kale ka jeediyey madaxweynihii hore ee Maraykanka George W. Bush isaga oo aan sheegayn in uu hadalkaas soo amaahday. Arrintan oo fadeexad weyni ka dhalatay, aadna loogu dhaliilay madaxweynaha ayaa keentay in agaasimaha madaxtooyada dalka Ghana Eugene Arhin uu soo saaro qoraal rasmi ah oo uu raalligelin kaga bixinayo ceebta dhacday.

Somaliland iyo arrimahan

Dadka reer Somaliland ee arrimahaas sida gaarka ah u xiiseeya ayaa iyaguna tan iyo shalay aad u hadal ha yey dhambaal hambalyo ah oo uu madaxweynaha xilka ka sii degeya ee Somaliland mudane Axmed Siilaan yo u diray madaxweynaha xilka u dhaaranayey ee dalka Kenya oo shalay loo dhaariyay talada dalkaas.

Madaxweyne Siilaanyo oo dhambaalkiisu uu Saddex tuduc oo muhiim ah ka koobnaa ayaa la arkay in laba ka mid ah oo weliba ah kuwa nuxurka sidaa ay yihiin isla ereyadii uu isticmaalay madaxweynihii Maraykan ka Richard Nixon oo 16 June 1969 sidan oo kale dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynihii ku guulayst ay doorashada Faransiiska ee xilligaas Geroges Pompidou.

“Fadlan, iga guddoon hambalyo diirran oo ku aaddan guushaada, iyo raynrayntayda guusha aad gaadhay ee aad isu diyaarinayso in aad la wareegto masuuliyadda iyo caqabadaha xafiiskaaga mudan”

ereyadaas oo afka ingiriisiga ah, una qornaa sidan [Please accept my warm congratulations on your victory and my best wishes for your success as you prepare to take up the responsibilities and challenges of your high office] Ayaa uu madaxweyne Nixon ku bilaabay dhambaalka uu u diray madaxweynaha Faransiiska Geroges Pompidou.

Sidaa si la mid ah ayaa uu madaxweyne Siilaanyo isna qoraalkiisa ku bilaabay isla ereyadan oo halka dambe lagaga sii daray ereyga afka ingiriisiga ah ee ‘For a second term’ oo macnihiisu yahay, kalkii labaad oo looga jeedo in uu madaxweyne Uhuru Kennyatta xilka qabanayo muddo xileedkiisii labaad.

Tuduca labaad ee dhambaalka madaxweyne Siilaanyo waa uu ka ereyo duwanyahay kii Madaxweyne Ric har Nixon, waxa se xiise leh in mar kale madaxweynuhu dhambaalkiisan ku sar go’an kii madaxweyne Nix on uu qaatay tuducii saddexaad, oo macne ahaan ahaa, ‘Waa aan rajaynayaa in aan in aan kula shaqay no, ma’aha in aynu sii wanaajinno xidhiidhka dhow ee dalalkeena, balse in sida oo kale  aynu isku xidhno dadaalkeena nabadda’ ereyadaas oo u qornaa sidan, “I look forward to working with you not only to develop closer relations between our countries but also to concert our efforts in the cause of peace” ayaa uu gebi ahaanba qaatay dhambaalka madaxweyne Siilaanyo, waxa se uu beddelay inta dambe oo hal ka uu madaxweyne Nixon madaxweynaha Faransiiska uga qoray “Iyo Walaalnimada dadka oo dhan” waxa uu Mudane Siilaanyo ku beddelay “Iyo barwaaqada gobalkeenna” 

Gunaanad

Internet ka ayaa ka mid ah waxyaabaha sida aadka ah u fududeeya in la xado xaqa lahaanshiyaha fikirka iyo qoraalka dadka, maadaama oo ay dad badani caado ka dhigtaan in marka ay qoraal samaynayaan aanay is ku kallifin in ay maskaxdooda miiriyaan, taas beddelkeedana ay internet ka miciinsadaan, waxa aana laga ya abaa waa isla qaabka uu ku yimid qaladkan hadda ee ay gacanyareyaasha madaxweyene Siilaanyo ku soo minguuriyeen dhambaalka madaxweyne Nixon.

Si kasta oo ay tahayna waxa ay arrintaasi ceeb ku tahay aqoonta iyo tayada xafiisyada qaranka, waxa aan ay ina baraysaa sida ay qasab u tahay in aqoon iyo tayo lagu xusho dadka loo dhiibayo masuuliyadaha qara nka, gaar ahaan meelaha muraayadda u ah qaranka sida madaxtooyada oo ay tahay in culays gaar ah la sii saaro.


 

 

 

 


Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika