FADEEXADA GAROONKA CAALAMIGA AH CIGAAL WAA MID DUL HOGANAYSA XUKUUMADA KULMIYE

 




Waxaa baryahan dambe isasa soo taraya warar aad looga naxo oo ummada Somaliland ku rid ay niyad xumo wayn meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Way badan yihiin dhaliilaha wadanka ka jira ee maanta taagani. Xisbi mucaaradyada manta jiraana inta badan kama hadlaan mana buunbuuniyaan oo kuma hadlaan wax xaqiiqada ka fog. Dadwaynaha Somaliland waxay leeyihiin maxaa helay xisbiyadii mucaaradka ahaa oo arimahan uga hadli la’yihiin, golayaashii miyaa la xi dhay iwm. Marka dhacdo run ah oo qaldani dhacdo waxaa muhiim ah in si caafimaad qabta loog a hadlo qaladka dhacana lagu saxo.Waxaan halkan ku soo qaadanayaa waxaa maanta ka taag an airportka hargaysa Cigaal Airport.

Garoonka caalamiga ah ee Cigaal Airport wuxuu xidhnaa mudo sanad ka badan oo ummada som aland loo sheegay in dib loo dhisaayo oo laga dhigayo garoon diyaaradeed oo caalami ah.Lacag ta lagu dhisaayana waxaa bixisay dawlada Kuwait xiligii wadanka uu ka talinaayey xisbigii UDUB. Waxaa lacagtaa loogu talagalay in lagu dhiso garoon caalami ah oo diyaaradaha aduunku ka so o degi karaan. Ummada Somaliland na waxay in badan u samreen oo ay sugayeen in garoon caa lami ah loogu dhamaystiro lacagtaa loogu deeqay.kaas oo dhamaan qaabili kara dhamaan adee gyada garoomada caalamiga ahi leeyihiin.

Garoonka caalamiga ah dhererkiisu waxaa lagu qiyaasaa 4km ama 4000 m. Lacagta la inoogu de eqayna waxay ahayd mid garoon noocaas ah lagu dhisi karaayey. Wadaniyiintii lacagtaa ka soo shaqeeyey maanta way nool yihiin wayna ka hadli karaan wixii lacagtaa qorshaheedu ahaa. Muwaadin kastaana wuxuu xaq u leeyahay inuu ogaado isla markaana isticmaalo waxqabadkii ka soo baxay deeqdii la bixiyey. Waxaa cadaatay in ummaddii Somaliland ay isticmaali kari waay een garoonkii diyaaradaha ee cigaal iyaga oo u samraayey muddo sanad ka badan. Waxay ku kaliftay qoysaskii u soo boholyoobay dalkooda hooyo ee jeclaa in caruurtoodu iyaga oo faraxs an garoonka cigaal airport ka soo dhoofaan ay u suurto gali wayday arintaasi. Ilmaha ku koray dal shisheeye oo maanta wadankiisii hooyo fasax ku yimid ee jaamacadii iyo schoolkii ka habsaa may waxay ku riday niyad xumo aan weligii ka hadhayn. Xassustiisii farxada lahaydna waxay is ku bedeshay cadho oohin iyo xasuus xun. Dhibaatadaa dhacday ma jirto cid ilaa hada ka raali gelisay ama taakulayn u gaysatay dadkii ku xayirmay garoonka diyaaradaha ee cigaal airport.


Waxaa arinka foolxumada leh garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ka dhacay ka hadlay was iiro dhawr ah. Mid qudha oo ka hadlay xaqiiqo raadinta dhibaatadan , ka daba tega shirkadii dhi stay, qiimayntii tayada dhismaha garoonka iyo raaligelinta iyo gurmadkii shacabkii ku hongoob ay garoonka caalamiga ah ee cigaal airport u baahnaayeen.

Waxaa kale oo arinta la gaadhsiiyey madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland wax talaabo sha rci ah oo uu ka qaaday ma jirin. Waxaan labada Goleh iyo labada xisbi mucaarad u soo jeedinay aa in degdeg looga codsado wasiirka duulista iyo hawadu inuu ummada u soo bandhigo:

1) Shirkadii garoonka dhistay tumay ahayd, halkay ka diiwaan gashan tahay, maxaa grantee ah oo ay bixisay.

2) Waa ayo shirkadii ama kooxdii samaysay qiimaynta tayada garoonka ee ansixisay in la isticmaali karo.

3) Arinta Ethiopian Airlines ku joojisay duulista garoonka waa arin farsamo, waxaa jawaabteeda laga rabay inay bixiyaan shirkadii dhistay iyo tii ka hubisay ee ansixay isticmaalka garoonka.

4) Hadii qaladku dhinaca shirkada diyaaradaha itoobiya yahay sida wasiiradu sheegeen , maxaa wasiiradeenu shirkada itoobiya uga daba tegeen.

5) Wasiirka ceebtani dul hoganayso maah in la qariyo ee waa inuu is baraxaa. Halkee qerisay?



Madaxwaynaha waxaan leeyahay waxa xil kaa saran yahay inaad dadka ka ilaaliso dhibaato iyo dayac kaga dhaca dhoofistooda iyo imaatinkooda. In dadkii ku hongoobay garoonka aad amar ku bixiso in compensation looga raadiyo shirkadii dhistay garoonka. Dadku iyagaa imadaxwayna ha doortay ee shirkadu ma dooran. Waxaa muhiim ah wasiiradu inay ogaadaan inay adeega da dka u joogaan ee anay u joogin difaaca shirkadaha iyo danaha shakhsi. Xisbiga wadani waxaa mar walba ka go’an inuu u adeego danaha iyo daryeelka ummada Somaaliland.haddii xisbiga kul miye aanu fulin karayn arinkaa waxaa maanta jooga xisbiyo u diyaara fulinta adeega bulshada ee manta jarka ka lusha.



ALAA MAHAD LEH



Mahdi Jama Roble

Gudoomiyaha Saxaafada WADANI ee UK.