Faalo:Doorashadii
Madaxtinimo ee Dalka ka dhacday 26-june Door intee leeg ayay ka
Qaadan doontaa Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland, Maxay se ka
duwanayd Doorashiidii 2003-dii

marka la is bar-bar dhigo doorashadan dalka ka dhacday 26-kii june
ee sanadkan 2010 iyo tii dalka ka dhacday 2003-dii ...
Hargeysa (TNN)-26-kii bishii june ee sanadkan 2010, waxa dalkan
Somaliland ka dhacday codbixintii doorashada madaxtooyada oo ay
shacbi waynaha reer Somaliland ku dooranayeen madaxwaynihii iyo
madaxwayne ku xigeenkii dalkan hogaamin lahaa shanta sanno ee soo
socda,doorashadan dal ka ka dhacday 26-kii bisha june ee ina
dhaaftay oo natiijadeedii ay guddida doorashooyinka qara nka
Somaliland habeenkii xalay 01-07-2010 ku dhawaaqeen taasi oo uu ku
guulaysatay murashaxii xisbiga KULMIYE md Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo)
oo noqday madaxwaynaha hogaamin doona dalkan jamhuuriyada Somaliland
shanta sanno ee soo socda.
Doorashadan madaxwaynenimo ee ka dhacday Somaliland ma aha
doorashadii madaxtinimo ee ugu horaysay ee dalkan ka dhacda tan iyo
intii uu dalkeenan Somaliland xornimadiisa dib ula soo noq day
ee aynu somaliya inteeda kale ka go,day sanadkii 1991-kii,balse waxa
la xasuustaa sanadkii 2003-dii bishii April, in ay dalkan Somaliland
ka dhacday doorashadii madaxtinimo ee ugu horaysay taasi oo ay dadka
shacabka ahi six or ah u doorteen madaxwayne iyo madaxwayne ku
xigeen iya da oo doorashadaasi 2003-dii dalka ka dhacday uu ku
guulaystay madaxwaynihii hore ee Somal iland Daahir Rayaale
Kaahin iyo Ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.
Haddaba marka la is bar-bar dhigo doorashadan dalka ka dhacday
26-kii june ee sanadkan 2010 iyo tii dalka ka dhacday 2003-dii
waxyaabo badan ayay ku kala duwanaayeen.tusaale ahaan lab ada
doorasho tan danbe ayaa ahayd doorasho caalami ah taasi oo la odhan
karo waxay la mid ahayd doorashooyinka ka dhaca dalalka hore umaray,
Mar hadii diiwaan gelin lagu galay. Ciidanka Qaranka oo Gacanta ku
hayay sugida Nabad galayada iyo Guud ahaan Goobaha Doorashadu ka
dhacaysay halka tii hore Boolisku ka qayb qaateen, Wakhtiga ololaha
oo ka koobnaa Wakhtiyadii hore,Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo
ahaa Khabiirro, Go,aan adag leh oo aan Seddexda Xisbi midna u xaglin,
Codadka Xisbiyaddu kala heleen oo Faraqwayni udhexeeyay, kaasi oo
aan Muran Galin Karin Natiijada hordhaca ah, ee komishanku ku
Dhawaaqay.
Doorashadii hore ee Somaliland ka dhacday 2003 ayaa Muran badani ka
dhashay taasi oo sabab tuna ahayd isu dhawaanshaha Codadka
musharixiinta Tartamaysay oo aad isugu dhawaa, iyo Do
orashadaasi oo ahayd Doorashadii Madaxtinimo ee ugu Horaysay oo Si
Xor ah ay dadka shacabka ahi u doortaan qofka ay doonaan,taas ayaa
iyadna la odhan karaa Dadka shacabka ahi waxbadan kama ay
fahansanayn.
Doorashadan ayaa Noqon Doonta Mid
taariikhda Somaliland Baal dahab ah ka Gasha Taasi oo Sum acad
aad u balaadhan usoo hoysay Qaranka Somaliland, iyada oo Goob
joogayaashii Caalamiga ahaa, iyo kuwii Maxaliga ahaaba Ku
hambalyeeyeen guud ahaan umada reer Somaliland shacab iyo
dawladba,iyaga oo sheegay in doorashadani Si Xor iyo Xalaal ah u
dhacday,waxa kale oo iayaguna doorashadan si aad u wanaagsan oo ay
wadaniyadi ku dheehan tahay u hambalyeeyay Musharix iinta
Xisbiyda Qaranka, Culimaa,udiinka, Salaadiinta, Cuqaasha, iyo guud
ahaan Shacabka Reer So maliland kuwaasi oo dhamaantood si
wanaagsan oo qiime leh u hambalyeeyay sidii Wanaagsanayd ee ay
Doorashadu u dhacday iyo Sida Musharixiinta Xisbiyada Laga
Guulaystay u Aqbaleen Natiij adii ka soo Baxday Komishanka
Doorashooyinka Qaranka.
Waxaa aan la ilaawi Dooni Taariikhdana Gali doonta Dal yar oo aan
Wali la Aqoonsan, kuna yaala Afrikadda Barri oo Doorasho Mucjiso
lehi ka dhacday Waliba Xisbi Mucaarid ahi ku Guulaysto Mada
xtinimadda Dalka, isaga oo Madaxwaynihii Laga Guulaystayna Aqbalay,
iyada oo Xusuus gaar ah ku reebi doonta Dadka reer Somaliland
khudbadii Cajiibka ahayd ee Madaxwaynihii hore Daahir Raya ale
ka jeediyay Qasriga madaxtooyada taasi oo Sheegay in aanu Gacantiisa
ku duminayn Somalila nd, Natiijo kasta oo ka soo baxda
Komishanka Qarankana u Hogaansami doona.
Daahir Rayaale kaahin ayaa Noqon doono Maxwaynihii labaad ee Somali
ah ee doorasho Laga Guul aystay si nabad galyo ah u Wareejiyay
in kasta oo Dhawr jeer oo hore dib udhac ku yimid, balse inta la
ogyahay uu ka horeeyo oo kaliya Madaxwayihii Somalia Aadan Cadde.
Ciidanka Qaranka Somaliland ee mileteriga oo ah Awooda ama cududda
Dalka ayaa Kaalin Wax ku ool ah ka Qaatay Ilaalinta Aminiga, Sugida
Xasiloonida Gudaha Dalka iyo Goobaha Codbixinta Doo
rashooyinku ka socotay Maalintii Doorashada ee 26-june ee aynu soo
dhaafnay,taasi ayaa noqon doonta mid ay Taariikhdu Xusi doonta,
midhiheedana ay ka Rajaynayaan Dawlada Cusub ee Talad da Dalka
la Wareegi doonta dabayaaqada bishan aynu ku jirno, Waxaa si gaar ah
loo Xasuusnaan doonaa Garabkii iyo Amar Qaadashidii wanaagsanayd ee
ay u Muujiyeen Komishanka Doorashooy inka Qaranka,.
Xubnaha komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa iguna Baal Dahab ah
kaga Suntan Hirgalinta iyo Taabo Galinta Doorashadan Mucjisada ahayd
oo Muddo aad u kooban kaga Qabsoontay Dalka Somaliland, taasi oo ay
hore ugu Fashilmeen Komishankii ka horeeyay inay Hirgaliyaan
Doorashada Madaxtooyada Somaliland kuwaasi Dhabarka ka jabiyay Geedi
socodkii dimuqraadiyada Curdinka ah ee Somaliland ku Caano
maashay,Komishankan ayaa guulaysatay hirgelinteeda Somaliland-na
usoo hooyay Sumcad aad u balaadhan oo indhaha Caalamka Soo jiidasho
ku samaysay.
Gudida anshaxa Doorashooyinka Qaranka somaliland oo uu Soo
Magacaabay komishanku ayaa iya guna kaalintii ay ku lahaayeen
ilaalinta anshaxa iyo kala danbayntii Xisbiyada Tartamayay muu
ya y, kuwaasi oo digniino badan u jeediyay Warbaahinta iyo Xisbiyadu
inay ka hor dhacaan Natiijada Doorashada Somaliland, soo bandhigaana
Natiijo mala awaal ah oo iska hor keeni karta Dadka reer somaliland.
Doorashadan ayaa Dib usoo noolaysay Rajadda iyo Himiladda Qadiyada
Somaliland ee labaatan jir satay indhaha Caalamkuna ka sii
jiideen, Somaliland oo buuxisay Shuruudihii looga Baahnaa Dal
ma daxbanaan, Warbaahin Caalamka ayaa si Wayn u Qaadi dhigtay
Doorashada Somaliland, iyada oo Xisbiga Haddda la wareegayna sheegay
in xidhiidhkooda Wadamada Caalamku Dhisanyahay, Wad anka
maraykankana Xidhiidh Fiican la leeyihiin Taasi hadii la sii xoojiyo,
Caalamkana la hordhigo Wa xa ay Somaliland Qabsatay Suurto
galin karta in Somaliland beesha Caalamku Ictiraafto.
Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Reporters (TNN)
Hargeisa/somaliland
mccfuture@hotmail.com
titanic58@hotmail.com
|