Faallo:Sababta Jabuuti
Uga Soo Horjeedo Madaxbanaanida Somaliland
Sida laga warqabo
waxaa Gumeysigii Reer Yurub u kala qaybiyey Somalida shan (5)
qaybood oo kala ahaa: Somaliland iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya
Ingiriisku ayaa saami ahaan u helay qabsadayna sannadkii 1884
kadibna Gobolkaas gacanta u geshay Kenya markii ay xorowday
sannadkii 1963, Koonfurta Somalia waxaa qayb u helay Talyaaniga oo
qabsaday sannadkii 1889, Jabuuti waxaa qabsaday Faransiiska
sannadkii 1885 iyo Gobolka Somaliyeed Itoobiya oo ay Itoobiya
gacanta ku dhigtay sannadkii 1889 kadibna uu Ingiriisku uga daray
Dhulka Hawd sannadkii 1954. Halgamadii gobonimadoonka Somaliyeed ee
bilowday badhtaamihii dagaalkii labaad ee Adduunka (1943-1945) waxay
dhammaantood ka midaysnaayeen Aragtida Somaliweyn oo ahayd in la
xoreeyo shanta Somaliyeed(5), la mideeyo, lana wada hoos keeno hal
calan iyo hal dawlad.
Somaliland waxay ahayd dalkii ugu horreeyey ee Somaliyeed oo
gobonimada qaata Juun 26dii, 1960, ummadda Somalilandna waxay
noqotay dadkii ugu horreeyey ee kaga dhabeeya hirgelinta Aragtida
Somaliweyn markii ay 1dii July, 1960 oo ay xorowday Koonfurta
Somalia la midowday lana baxeen Jamhuuriyadda Somalia taas oo
yididiilo weyn ku abuurtay dhammaan Somalida rajoweynna gelisay in
dawladda cusub ee Is-raaca ay horseed u noqondoonto xoraynta iyo
keenidda 3dii gobol ee kale si figradda Somaliweyn u dhabowdo loona
abuuro Jamhuuriyad weyn oo Somaliyeed oo ka dhalata Geeska Afrika.
Nasiibdarro, dalka Jabuuti oo xoroobay 27kii Juun, 1977 ayaa diiday
inuu ku soo biiro Jamhuuriyadii Somalia sidaasna waxaa ku bilowday
burburkii ugu horreeyay ee ku dhaca hammigii loo qabay Aragtida
Somaliweyn. Mr. Xasan Guuleed Abtidoon oo noqday madaxweynihii ugu
horreeyay ee Jabuuti waxaa diidmadiisa u sabab ahaa laba arrimood.
Ta hore waxay ahayd isaga oo arkay sidii Koonfurta Somalia markiiba
u boobtay dawladii Is-raaca ahayd una duudsiday Reer Waqooyiga. Ta
labaadna waxay ahayd isaga oo rabay inuu Jabuuti ka dhiso xukun uu
Ciisuhu iska leeyahay siiba jilibkiisa Mamassan.
Burburkii labada ee ku dhaca Aragtida Somaliweyn waxa uu dhacay
markii ay kala noqodeen Somaliland iyo Somalia sannadkii 1991 soona
af-jareen 30 sano oo Is-raac ahaa (1960-1990). Sababta ugu weynayd
kala noqoshada labada dal waxay ahayd dadka Somaliland oo intay
dawladnimadoodii u rareen Somalia si ay u horseedaan Somaliweyn
dabadeedna laga duudsiyay qaybtii ay ku lahaayeen dawladda markii ay
ka gadoodeen arrintaasna loo laayay si arxandarro ah.
Xukuumadda Jabuuti aad ayay uga naxday markii Somaliland ku
dhawaaqday inay madaxbanaanideedii kala soo noqotay Somalia bishii
May 18, 1991 isla markaana shacabka Somaliland si buuxda ugu
codeeyay madaxbanaanidiisa May 31, 2001. Dalka Jabuuti oo ah dal aad
u yar (Dadka Jabuuti waxaa lagu qiyaasaa 500,000 qof halka ka
Somaliland lagu qiyaaso 3.5 million qof, dhulka Jabuutina waxa uu
dhan yahay 23,000 sqkm halka ka Somaliland yahay 137,600 sqkm) waxay
dhibaato weyni ka haysataa xagga khayraadka dabiiciga ah.
Khayraadkiisa ugu weyn ee ay leedahay waa Dekedda Jabuuti oo keliya
oo haddii ay suuq weydo uu jiritaanka dalka iyo nolosha dadkuba
geliyaan halis. Sababta ay xukuumadda Jabuuti uga naxday
madaxbanaanida Somaliland waxa weeye iyada oo cabsi weyn ka qabta in
la furo oo ay caadi u shaqayso Dekedda Berbera oo ku taalla marin ka
istaraatiijisan kana muhiimsan ka Jabuuti dabadeedna Dekedda Jabuuti
laga guuro, dhaqaaalaha Jabuuti burburo khatarna uu galo jiritaanka
Dalka Jabuuti. Sidaas darteed, waxay maamulkii ugu horreeyay ee
Jabuuti oo uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Guuleed Abtidoon muddo 22
sano ah (1977-1999) iyo ka maanta jira oo uu madaxweynaha ka yahay
Ismaaciil Cumar Geelle muddo 10 sano ah (1999-2009) ay awoodda
saareen sidii ay u xidhnaan lahayd Dekedda Berbera. Madaxweyne Xasan
Guuleed Abtidoon waxa Dekedda Berbera ka xidhay Siyaad Barre,
maantana madaxweynaha Jabuuti waxaa uu muddo shan sano ah
(2003-2009) ku shaqaysanayaa oo ka xidhay Dekedda Jabuuti Daahir
Riyaale Kaahin. Waa taas sababta ay xukuumadda Jabuuti uga soo
horjeedo madaxbanaanida Somaliland waxay rabtaa inta Somaliland lagu
cesho Somalia sidaas Dekedda Berbera uga xidhnaanto. Maanta cadowga
kowaad ee ay leedahay madaxbanaanida Somaliland waa dawladda Jabuuti.
Mr. Xasan Guuleed Abtidoon waxa uu ahaa nin Reer Waqooyiga aad u
neceb waaana arrintaas sababtii uu uga soo horjeeday Halgankii SNM.
Taliskii Siyaad Barre waa kii ku soo celiyay dadkii Reer waqooyiga
ahaa ee ka cararayay xasuuqii Taliskaas sannadihii 1988 iyo 1989
sababtuna waxay ahayd yaanay xoroobin Somaliland oo Dekedda Berbera
lagugu furin, maantana cadaawadaas ayuu halkii ka sii wadaa Ismaciil
Cumar Geelle oo awoodiisa oo dhan isugu geeyay la dagaallanka
aqoonsiga iyo madaxbanaanida Somaliland isaga oo adeegsada Daahir
Riyaale si Somaliland loogu cesho Somalia si aan Dekedda Berbera
loogu furin oo ah halbowlaha nolosha dadka iyo dalka Somaliland.
Xornimadii ay Somaliland Dawladda Ingiriiska ka qaadatay waxaa laga
joogaa 49 sano Dekedda Berberana waxay ummadeeda ka xidhnayd ugu
yaraan 30 sano oo marna Siyaad Barre ayaa xidhay maantana Daahir
Riyaale ayaa xidhay oo waxaa la isticmaalaa Dekedda Jabuuti si loo
dhiso dhaqaalaha Jabuuti loona curyaamiyo nolosha iyo dhaqaalaha
Somaliland.
Ismaciil Adan Cosmaan (Ismaaciil Yare) iyo Yusuf Budle oo labaduba
aad iyo aad xog-ogaal ugu ah siyaasadda qaran-dumisnimo ee daahir
Riyaale waxay dhawaan shaaca ka qaadeen in madaxweynaha waqtigiisu
dhammaaday ee Daahir Riyaale Kaahin uu yahay khaa`in wadan iyaga oo
soo bandhigay cadaymo muujinaya qaran-dumisnimadiisa. Arrintaasuna
waxay caddaynaysaa in Daahir Riyaale aanu markii hore daacad u ahayn
qadiyadda iyo madaxbanaanida Somaliland haddana uu maamulo
madaxweynaha Jabuuti, Ismaciil Cumar Geeelle iyo madaxda Somalia
kuwaas oo ku wadahawlan sidii Somaliland loogu celin lahaa Somalia.
Waxaa kale oo shirqoolkan qaran-dumisnimo caddaynayaa in shantii (5)
sano ee uu xukunka hayay Daahir Riyaale uu la dagaallamayay
aqoonsiga Somaliland siiba marka uu u baxo booqashooyinka dibedda oo
uu diido ama been ka sheego ujeedooyinkooda maadaama uu maleego
dhagaar khiyaamo qaran. Ujeedada keliya ee Ismaciil Cumar Geelle ugu
ololeeyo dawlad ka dhalata dalka Somalia maaha jacayl uu u hayo
Somalia oo uu diidanyahay inuu la midoobo ee waa rajo uu ka qabo in
Somaliland lagu cesho Somalia oo aan la aqoonsan si ay uga
xidhnaanto Dekedda Berbera. Shirqoolka ay heshiiska ku yihiin Daahir
Riyaale, Geelle iyo madaxda Somalia si Somaliland u burburto waxaa
ka mid ah: Horjoogsiga doorashada madaxweynaha Somaliland, laalidda
dastuurka dalka, burburinta dhaqaalaha dalka (Iyada oo Dekedda
Berbera la xidhayo wixii kalena la boobayo si aanu dalku u
hanaqaadin) iyo khalkhalgelinta nabadgelyada si ugu dambaynta dalka
looga abuuro dagaalo sokeeye oo Somaliland kala mid dhiga Somalia si
loo waayo aqoonsi dantuna markaas ku qasabto inay Somalia ku noqoto.
Daahir Riyaale iyo Ismaciil Cumar Geelle ma fahamsana in
shakhasiyaad aanay awood u lahayn inay ka takhalusaan madaxbanaanida
Somaliland oo uu ilaashanayo shacabkeeda leh. Somaliland xaq aan la
duudsiyikarin ayay u leedahay madaxbanaani, dawladnimo iyo aqoonsiga
Beesha Caalamka. Dalalka Afrika waxay dawladnimadoodu iyo
aqoonsigoodu ku salaysanyihiin xuduudihii uu u sameeyay Gumaysigii
Reer Yurub ee maaaha wax ay u samaysay Qaramada Midoobay.
Somaliland, Jabuuti iyo Somalia xuduudahooda waxaa sameeyay Reer
Yurub. Sida loo aqoonsanyahay Jabuuti iyo Somalia ayaa Somalilandna
loo aqoonsanayaa. Somaliland iyo Jabuuti waa u simanyihiin Somalia.
Aqoonsiga Somaliland waxa keliya oo uu ku xidhanyahay xukun daacad u
ah qadiyadda iyo madaxbanaanida Somaliland.
Somaliland iyo Somalia maaha dalalkii ugu horreeyay adduunka ee kala
noqda. Dalkii la odhanjiray Midowga Soofiyati (Soviet Union) oo ka
koobnaa 15 dal wuxuu burburay 1989 markii ay heshiinwaayeen waxaana
ka baxay oo madaxbanaanidoodii la soo noqday adduunkuna aqoonsaday
dalalka kala ah: Georgia, Ukraine, Armenia, Uzbekistan, Lithuania,
Estonia, Latvia iwm. Dalkii isna la odhanjiray Xiidhiidhka
Yugoslavia oo ka koobnaa 8 dal waxa uu u kala baxay: Serbia,
Caroatia, Bosnia-Herzegovina, Macedonia, Slovenia iwm oo
dhammaantood la aqoonsanyahay. Midnimada ka dhaxaysa laba dal ama
dhawr dal oo is-raaca maaha muqaddas oo haddii ay heshiinwaayaan way
kala noqdaan ee waxaa muqaddas ah midnimada gobollada dal isku
xuduud, dad iyo taarikh ah sida Somaliland, Tanzania, Jabuuti,
Uganda, Somalia iwm. Somaliweyn waxay la mid tahay maanta carabweyn
oo aan jirin lamina oga waqtiga ay hirgeliyaaan. Dadbaa ku dooda
Somaliladu ma kala go`ikarto sababta oo ah waa isku af, dhaqan, diin
iyo midab. Carabtu intaba Somalida way la wadaagtaa waana 18 dal
maanta waayo sideena ayay heshiin waayeen cid isku qasbikartana ma
jirto. Midnimadu way wanaagsantahay Diinta Islaamkuna way ammaantay
marka la fahamsanyahay la qiimaynayo laguna dhaqmayo laakiin Diinta
Islaamku ma oggola midnimo lagu daadiyo dhiig layskuna baabi`iyo
xukun-jacayl awgeed sidii Somalia ku samaysay Somaliland sannadihii
u dhaxeeyay 1982-1990. Afrika waxaa halakeeyay xukun milatari ama
qabiil oo dawlad kasta oo Fadaraal ah burburiya markaas marnaba
suurtogal maaha inay ka hirgasho dawlad fadaraal ah cidnana laguma
khiyaamaynkaro Federal Afrikan ah oo aan si jiridoonin..
Madaxweynaha xilkiisu dhammaday ee Daahir Riyaale Kaahin uma muuqdo
daacadna kama ah inuu doorasho xalaal ah dalka ka qabto oo ama wuu
horjoogsan oo waxa uu u hanqaltaagidoonaa muddo kordhin dambe ama
inta uu qabto doorasho ayuu ku boobi hantida iyo ciidamada qaranka
waayo waa nin kelitalisnimadiisu ku salaysantahay qaran-dumisnimo uu
caqliguusu siiyay inuu dalka iyo dadka ku celinkaro Somalia si uu u
fusho mu`aamaraadka Ismaciil Cumar Geelle iyo Somalia. Kooxda maanta
ka talisa Somaliland oo ka kooban Daahir Riyaale, xubno wasiiro iyo
xubno golayaal qaran waxay u kala baxaan laba qaybood oo kala ah:
Qayb ka soo horjeedda madaxbanaanida Somaliland iyo qayb la qaybsata
debiyada ka dhaca dalka oo og in aanay mustaqbalka ku noolaankarayn
Somaliland rabana inay ku noolaadaan Somalia. Dalku maanta xaalad
aadag ayuu ku jiraa markaas waa in loo diyaargaroobaan nabad iyo
dagaal labadaba si dadka iyo dalka looga badbaadiyo kooxda haysata
ee qaran-dumiska ah. Awalba shacabka ayaa nabadda ilaalinayay si
aqoonsi loo helo. Maanta aqoonsigii god yaa lagu riday waxaana ka
soo saarikara oo qudha dawlad cusub oo daacad u ah danta dadka iyo
dalka, Dekedda Berberana u bedesha deked caalami ah oo dhaqaalaha
iyo nolosha ummadda kor u qaada suurtogalna ka dhigta in mustaqbalka
Jabuuti dantu ku qasabto inay ku soo biirto Somaliland.
Waxaan faaladan ku soo gunaanadayaa 10ka beyd ee ugu dambeeya
gabagayga aan dhawaan tiriyay oo lagu magacaabo: Gadood iyo Guul,
waana kuwan:
Lixdankii
go`aan lagu degdegay, dawladnimo guurtay
Geedigu hayaan Koonfur degay, garabsi uu doonay
Soddon guuradi kala tagtoo, kala go`doo maagtay
Kala guurka iyagaa kasboo, gabay wanaagiiye
**********
Duudsigii Waqooyiga gilgilay, guushi laga boobay
Dawladnimadi subax laga gayaxay, geeski lagu riixay
Gumaadkii xigee ee arlada, dhiiggu galacleeyay
Bendaradi garbaha loo dhigee, ee madfacu goostay
*********
Dharaar bay midnimo gawraceen, gocosho reebeene
Gobonimo ha loogina markale, laab-la-kaca guursha
|
Ibrahim
Hassan Gagale
Ibrahim_hg@yahoo.com |
|