Faadumo
Siciid oo Maxkamadda u gudbisay Dacwad ka dhan ah Badhasaabka Saaxil
eedayn culusna u jeedisay Maareeyaha Dekadda iyo jawaabta uu ka
bixiyay Ramaax…..
Hargeysa (TNN)-Faadumo Siciid oo
Maxkamadda u gudbisay Dacwad ka dhan ah Badhasaabka Saaxil eedayn
culusna u jeedisay Maareeyaha Dekadda iyo jawaabta uu ka bixiyay
Ramaax…..
Guddoomiyaha Guddigii Jaamacadda Culuunta Badda ee Berbera oo
Badhasaabka Saaxil xilkaas ka fa ra-maroojiyey, Marwo Faadumo Siciid
Ibraahin, ayaa shaaca ka qaadday inay Maxkamadda u gudbi say Dacwad
ka dhan ah Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).Waxaanay
eedayn culus u jeedisay Maareeyaha Dekadda Berbera.
Faadumo Siciid oo maanta shir Jaraa’id ku qabatay Xafiiskeeda
magaalada Hargeysa, waxay Maare eyaha Dekadda Berbera Axmed Yuusuf
Dirir ku eedaysay inuu Meherado Ganacsi oo uu isagu gaar u leeyahay
ka dhex furtay dhismaha Jaamacadda Berbera. Waxaanay tilmaantay inuu
Jaamacaddaas albaabbada u laabay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Md.
Ramaax. Waxa kale oo ay Faadumo Siciid shirkeedaa Jaraa’id kaga
warrantay Jaamacaddaas sidii lagu aasaasay iyo qaabkii ay halkan ku
soo gaadhsiiyeen.
Faadumo Siciid oo faahfaahin ka bixinaysa sidii ay ku timi in la
hirgeliyo Jaamacadda Culuunta Badda ee magaalada Berbera, waxay
tidhi; “Waxa aad iyo aad u nasiib-darro ah marka qofka Muwaaddinka
ahi is-yidhaahdo gobolkii uu u dhashay wax u tar ama wax u kordhi,
ka dib dadkii Masuuliyiinta ah ee dawladdu gobolka u igmatay ay u
arkaan wax ay iyagu faro-maroojisan karaan iyaga oo wax alla wax
sharci ah oo ay u adeegsadeen jirin.”
“Jaamacadda Berbera hindiseheeda annaga oo dhawr qof ah ayaannu
hindisnay, ka dibna waxaannu u tagnay dawladdii hore ee UDUB oo
aannu nidhi waxaannu hindisnay inaannu Jaamacad Culuunta B adda lagu
barto Berbera ka furno, idinkuna dawlad ahaan dhul iyo wixii kale ee
aad nagu caawin kar taanba nagu caawisaan, markaa waxay yidhaahdeen
annagu Dhul ma hayno ee Wasaaradda Kalluu maysiga u taga iyagaa dhul
hayee, waanannu u tagnay oo Illaahay mahaddii dhulkii waannnu ku
guulaysannay oo waa nala siiyey, ka dib waxaannu bilawnay inaannu
Dhaqaale ururin ku samayno, dha qaale ku filan inaannu dalka
gudihiisa ka helno way nagu adkaatay, dabadeedna aniga oo jeeb kayga
isticmaalaya ayaan tigidh goostay oo aan tagay Ingiriiska, Holand,
Denmark, Norway iyo me elo badan oo kale.” Sidaa ayey tidhi Faadumo
Siciid.
Marwo Faadumo Siciid waxay sheegtay inay ku guulaysatay dhaqaale si
fiican ay ugu dhiseen dhis maha Jaamacadda Badda ee Berbera, isla
markaana ay keentay qalab aan hore dalka loo keenin oo ardayda ka
caawiya waxbarashadooda. “Waxa taariikhdaa dib iigu celiyey in la
ogaado inaanay Jaamacaddu ahayn mid dawladi shaqo ku leedahay ee la
ogaado inay tahay mid xaaladda caynkaas ah ee aan ka sheekeeyey ku
timi oo aanay dawladdu qalin ku lahayn.” Ayey tidhi Faadumo.
Waxay Faadumo Siciid Ibraahim oo hadalkeeda sii wadataa intaa ku
dartay oo ay tidhi; “Ka dib waxa annu u baahannay inaannu Guddi
maamusha Jaamacadda u samayno, dad is xilqaama oo hawsheeda wada
ayaannu u samaynay, Arday badan baa ka qalin jabisay, kuwo badan
ayaa wax barashadoodu socotay, maalin ayuunbay dhalinyaradii
Jaamacadda wax ka baranaysay nala soo hadleen oo ay yidhaahdeen
Annaga oo Fasalladii ku jirna oo wax dhiganayna ayaa Askar naloo
keenay ee maxay ku dhacday, Badhasaabka ayaannu la hadalnay oo aannu
nidhi Inaadeer Jaamacaddu waa goob wax barasho ee Askarta ka qaad.
Abaalkayagi waxa uu noqday in annaga oo aan ogeyn uu Badhasaabku
yidhaahdo Guddigii horena waan ka qaaday Guddi cusubna waan u
magacaabay Jaamacadda.”
“Taasoo dacwaddeedu socoto ayuu haddana Badhasaabku keenay inuu
meeshii xidho oo Ardaydii Imtixaamaadka geli lahaa uu Imtixaanki
halkaa kaga baaqday, kuwii Waxbarashada sii watayna ay halkaa kaga
joogsatay. Immika sannad ayaa dib u dhac ku yimi illaa afartii May
oo uu Badhasaabku Jaamacadda xidhay illaa maanta oo September lagu
jiro Jaamacaddu way xidhan tahay.” Sidaa ayey tidhi Faadumo Siciid.
Faadumo Siciid Ibraahim waxay Maareeyaha Dekadda Berbera ku eedaysay
inuu Meherado Ganacsi ka dhex furtay Dhismaha Jaamacaddaas oo xidhan,
Faadumo oo arrintaas iyo qodobbo kale ka hadl aysaa waxay tidhi;
“Waxa ugu cajaayibsanayd oo ugu xumayd Maareeyaha Dekadda Berbera oo
Laba Dukaan oo Ganacsi ka dhex furtay oo uu isagu gaar u leeyahay,
Jaamacaddii oo xidhanna intuu Cawjado la galay uu jabsaday oo immika
hantidii dhex taallay Jaamacadda ay ku dhex daadsan tahay magaalada
Berbera, oo aannu qalabkii qaar ka mid ah ku soo aragnay magaalada
iyaga oo magicii Jaamacaddu ku qoran yahay oo qaarkood Xafiisyo
dawladeed ay wakhtigan dhex yaallaan, Jiingaddiina laga dulqaatay
dhismayaasha qaarkood oo aannaan garanaynin sababta looga qaatay.
Waxa intaa dheer in aflagaaddo iyo waxyaabo aannaan geyiyin oo
nalagu sheegay, markaa taasi waxay nagu kalliftay inaannu Dacwad ka
furanno Maxkamadda Gobolka Saaxil ee magaalada Berbe ra.”
Mar ay Faadumo Siciid ka hadlaysay qaabka dacwaddaa Maxkamaddu uga
qabatay waxay tidhi; “Dacwaddaa lafteeda haddana carqalad kale ayaa
nalaga geliyey oo qolada Maxkamadda Gobolku way diidday markii hore
inay naga qabato dacwaddaas, haddana aakhirkii way naga qabteen
dorraad. Annaga oo aan ku kalsoonayn meeshaas, haddana waxaannu
Illaahay ka rejeynaynaa in arrintayada si sharci ah oo Dastoorka
waafaqsan oo caddaalad ah nala mariyo, haddii aannu halkaa ka aayo
weynana aannu socon doonno illaa Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda
Somaliland.”
Guddoomiyaha Guddiga Xilka laga wareejiyey ee Jaamacadda Berbera oo
ka hadlaysay ujeeddada ay dacwaddaas uga gudbiyeen Badhasaabka
Gobolka, waxay tidhi; “Ujeeddadayadu waxa weeye inaannu ogaanno
iyada oo Dastoorka Somaliland iyo Shuruucda dalka u taal la
adeegsanayo la ogaado halka uu Awoodda intaa le’eg ka keenay
Maareeyaha Dekadda oo loo dirtay Dekaddaas iyo hawleheeda inuu
Cawjad ula tago oo uu meherado gaar ah ka furto dhismaha Jaamacadda.
Iyo halka uu ka keenay Guddoomiyaha Gobolku awoodda uu ku xayiray,
isla markaana kula wareegay Jaamacad aan dhibaato ka taagnayn oo
aanay dawladdu lahayn. Dawladda Somaliland-na waxaannu ka
codsanaynaa inay arrintaa si caddaalad ah u eegto.”
Faadumo Siciid, waxay sheegtay Xayiraadda Jaamacaddaas inaanay shaqo
ku lahayn Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, hase ahaatee,
ay ka dambeeyaan Badhasaabka Gobolka Saaxil, Wasiirka Wasaaradda
Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Ururka horumarinta Gobolka
Saaxil oo ay xustay inay isu bahaysteen sidii ay Jaamacaddaas ugala
wareegi lahaayeen
Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo
shebekadda Berberanews wax ka weydiisay waxa uu ka ogyahay dacwad
Guddidii hore ee kulliyadda culuumbta badda Berbera u gudbiyeen
maxkmadda Gobolka Saaxil iyo waxa uu ka yeelayo, ayaa isagoo si
kooban uga jawaabay sheegay inuu arrinkaas maqlay, haddii maxkamadda
looga yeedhana uu tegi doono, “Waan maqlay inuu arrinkaasi jiro,
laakiin weli wax cad maan arag, dee haddii maxkamadda layga yeedhana
waan tegayaa oo wixii lay qabo waan ka jawaabi doonaa.”
Badhasaab Ramaax waxa uu difaacay go’aankii ay xilka kaga qaadeen
Guddidii hore ee jaamacadda, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu
yidhi, “Go’aanka aanu kula wargeenay jaamacaddu waa mid aanu dariiq
sax ah u marnay, meeshuna [kuliyadda] waxay ahayd goob albaabada loo
laabay oo aan wax shaqo ahi ka socon, immikana waxaannu wadnaa
dib-u-dhiskii oo ay iska kaashanayaan Maam ulka gobolka, Dawladad
Hoose iyo Dekedda Berbera, waxaanna ku baxaay lacag dhan $40,000,
Insha allaah si dhakhso ahna waa loo furi rdoonaa.”
Dhanka kale, Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yusuf Dirir oo
Shabakada wararka ee Berberanews.com ay isku dayday inay wax ka
weydiinno waxa uu kaga jawaabayo eedaha culus ee Faadummo Siciid ugu
jeedisay inuu ku takri-falay dhismihii jaamacadda Berbera, ayaanay
noo suurtagelin, ka dib markii aanu laba jeer garaacnay
telefoonkiisa gacanta oo uu naga qaban waayay, annagoo xattaa
farriin telefoonka ugu dirnay.
Ahmed Mohamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland
|