Ethiopia oo digniin kulul u jeedisay dawlad goboleedka Puntland
 

     


Xukuumadda Addis-ababa ayaa uga digtay maamul goboleedka PuntLand inay colaad ka samayso gobolka Sool, waxaana fariintan ay itoobiyaanku u soo dhiibeen weftigii Isimada & wasiirada isugu jiray ee dhowaan gaadhay Addis ka dibna hadda PuntLand ku soo noqday.


Wasiirka maaliyadda Maxamed cali Yuusuf & wasiirka amuuraha Gudaha Cabdixamiid Garaad jaamac ayaa warbaahinta saaka ugu sheegay magaalada garoowe in itoobiya waxyaabahii ay kala hadashay ay ugu weynayd arinta gobolka sool ayna qaateen talada ah in Puntland colaad cusub aanay abuurin isla markaana aanay Pl isku banaynin jabhad dagaal oo Cusub.

Wasiiradu waxa ay sheegeen in Itoobiya dhinaceeda kula talisay in Pl & SL ay yihiin labada goobood ee Soomaaliya ka nabad qaba inkastoo xiisado hoose ka jiraan isla markaana loo baahan yahay in aanay labadoodu dagaal foodda isku gelin gobolkaasi Sool.

Sida la ogyahay Qaybtii u dambaysay ee sanadkii hore 2007 aya Somaliland dagaal kula wareegtay gacan ku haynta inta badan gobolkaasi Sool oo ay ku jirto magaalada xarunta ah ee laascaanood.

 

 

 

 


Allhawd.com