Eritrea oo ku Eedaysay Maraykanka inuu Wado Qorshe Lagu Burburinayo Midnimada Soomaaliya

 

Xukuumadda Eritrea, ayaa ku eedaysay dawladda Maraykanka masuuliyadda dhibaatooyinka colaadeed ee ka aloosan dalka Soomaaliya, kuna hawlan tahay qorshe lagu wiiqayo midnimada Soomaaliweyn, isla markaana u kala qaybinayo gobollo kala afkaaro duwan sidii waddamada Balkaniska laysku yidhaa ee Ruushka ka hoos baxay.


Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea, isagoo dawladda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ugu baaqay inay ku noqdaan midnimadii Soomaaliweyn, si loo helo cudud midaysan oo Soomaaliya yeelato.


Wasiirku waxa uu intaa ku daray in dawladda Maraykanku hormood ka tahay tallaabooyin lagu burburinayo qarankii Soomaaliyeed, dabadana ka riixayo kala googoynta Soomaaliya, isla markaana taageeraya qaddiyadda Somaliland oo ahayd maxmiyad dalka Ingiriiska ka qaadatay xorriyadeeda 1960kii, balse si degdeg ah ula midowday Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray, haddana markale madaxbannaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991kii, maamulka Puntland iyo degaanno kale oo ay ka taliyaan qabqablayaal dagaal.


“Dhibaatada ugu weyn ee aasaaska u ah mushkiladda Soomaaliya waa dawlad la’aanta 17ka sannadood ka jirtay. Murugadu waxay tahay in xal la gaadho, lagana fikiri karo ilaa inta ay jireen ficillada aan ku tiirsashada lahayn ee Maraykanku ku kala qoqobayo Soomaaliya oo uu sida gobolka Balkaniska ee bariga Yurub ugu kala qayb-qaybinayo dadka Soomaalida qabiilooyin iyo isirro kala duduwan, xalkuna waxa uu jiraa soo celinta midnimadii Soomaaliya oo dadku wada dhammaayeen, haddii ay yihiin Somaliland, Puntland, Jubbaland ama Banadirland, ayna ku sii fogaanayaan siyaasadda cadowgoodu u maleegayo ee uu ku kala qoqobayo,” ayuu wasiirku warsaxaafadeedkiisa ku yidhi.


Waxa kale oo hadalka ka soo yeedhay dawladda Eritrea lagu sheegay in budhcad-badeedda ka dillaacday xeebaha Soomaaliya ay sal u tahay siyaasadda Maraykanku kula dhaqmayo gobolka ee ku wajahan kala-qayb-qaybinta ku dhisan danaha gaarka ah.


Ma aha markii ugu horreysay ee maamulka Asmara ku dhawaaqo sida uu u ayidsan yahay midnimo Soomaaliweyn oo markale dhexmarta Somaliland iyo Soomaaliyada koonfureed, iyadoo xukuumadda Eritrea lagu tuhunsan yahay in ay tababarro iyo saanad millateri u fidiso kooxaha islaamiyiinta mayalka adag ee ka dagaallama Soomaaliya, waxaanay siyaasaddeedu si weyn uga dhex muuqataa colaadaha dhiigga badan ku daatay ee dalkaas ka aloosan, sidoo kalena Maraykanka iyo dawladaha reer galbeedka ayaa ku calaamadiyey Eritrea meel hoy iyo gabbaad u noqotay kooxaha argagixisada Geeska Afrika ee xidhiidhka tooska ah la leh shabakadda Al-qaacida.




 

 



Jamhuuriya Online