Ergadii Golaha Guurtida Oo Shalay La Kulantay Madaxw eynaha & Garabkiisa Iyo Nuxurka Doodda La Sheegay In Siilaanyo Soo Bandhigay
 


Hargeysa (TNN):-Ergada golaha guurtida ee ku dhex jirta xal u helidda khilaafka KULMIYE, a yaa shalay kulan la yeelatay garabka ka socda Madaxweyne Siilaanyo, iyagoo Isniintii dora adna la kulmay garabka Muuse Biixi. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay, laakiin kulanka waxa la sheegay inuu goob joog ka ahaa Ma daxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, xubno wasiiro ah iyo ergada golaha guurtida, waxaa nu Madaxweyne Siilaanyo oo ay hadalka la wadaageen xubno wasiiro ahi ay golaha guurti da u bandhigeen aragtida ay ka qabaan khilaafka KULMIYE iyo dariiqa ay aaminsanyihiin in lagu xalin karo.

Wararka uu Geeska Afrika, helay waxay sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo guurtida ku wargeliyay inuu yahay murashax u ordi doona xisbiga doorashada kal dambe ee madaxtoo yada, oo uu sheegay inuu sharcigu u ogolyahay, waxaanu sheegay sida uu warku tibaaxay inuu diyaar u yahay inay Muuse Bixi iyo cidda kale ee han lihiba ay la tartamaan oo ay gola ha dhexe kala saaraan.

Qodobka guddiga fulinta ee ay doodda badani ka taagantahay, waxa la sheegay inuu Mada xweyne Silaanyo ku dooday inuu taageersanyahay go’aan uu sheegay inuu shirweynuhu ka gaadhay, kaas oo uu ku dooday in lagu ansixiyay in guddigii hore ee fulinta sideedii loo daayo, laguna daro 7 xubnood oo uu wasiirka maaliyadda Mr. Samaale, ku jiro. Garabka Mu use Biixi ayaa iyaguna Isniintii golaha guurtida u gudbiyay doodda ay ka qabaan qodobkan guddiga fulinta oo ay sheegeen inaan shirweynaha lagu ansixin soo celinta guddigii hore ee fulinta, waxaanay ku doodeen inuu guddoomiyuhu xaq u leeyahay magacaabista guddiga fulinta.

Golaha Guurtida ee ergada ah ayaa la sheegay inay madaxweynaha iyo garabkisaba hogo tusaaleeyeen xiisadda uu khilaafku marayo iyo sida loogu baahanyahay in la xaliyo.

Golaha guurtida ayaa u muuqda inay bilaabi doonaan go’aan ka gaadhista khilaafka u dhex eeya labada garab, kaas oo laga yaabo in go’aan ka gaadhistiisu ay ku adkaato, marka la eego heerka uu khilaafku gaadhay.
 



Source: Geeska