“Erayada Qalbigayga Taabtay Ee Ay Canab Xasan Cawke Igu Tidhi Waxaa
Ka Mid Ahaa Walaalkay Wuu Dhintay, Balse, Idinkoo Dhan Ayaa Walaalo
Ii Ah…”Cabdirisaaq Xaaji Catoosh

Tog-wajaale (TNN) :-Wariye ka tirsan laanta Afka
Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa Sh alay booqday Qabriga doraad
lagu aasay Allaah ha u naxariistee Marxuum Axmed Xasan Caw ke.
Wariye Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo Magaalada Nairobi ee Caasimadda
Kenya uga yimid inuu Tacsida idaacadda soo gaadhsiiyo Canab Xasan
Cawke oo ay walaalo ahaayeen Wariye Axmed Xasan Cawke, waxa qoraal
kooban oo uu Shalay ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Shabakad da
xidhiidhka bulshada ee Facebook ku sheegay oo uu yidhi, “Ilaahoow
adiga ayaa na abuuray, Adiga ayaanan kuu noqon doonaa. Waxaan joogaa
Qabriga Walaalkeen Marxuum Axmed Xas an Cawke oo Shalay (Doraad) lagu
xabaalay Magaaladda Wajaale. Inkastoo aanan haleelin aa ska Marxuumka
haddana Maanta (Shalay) ayaan booqday Qabriga iyo ehelka uu ka baxay
Wa laalkeen. Dhammaan reer Xasan Sheekh Suufi ilaahay ha idin
booga-dhayo”
Catoosh oo sii wata ayaa sheegay, “Sidoo kale tacsidii waxaa ka qayb
qaatay dhammaan asxa abta BBC oo telefoonka ugu soo tacsiyadeeyey
Walaasheen Canab Xasan Cawke.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii
raaciyey, “Erayada Qalbigayga taabtay ee ay Canab igu tidhi waxaa ka
mid ahaa, Walaalkay wuu dhintay, balse idinkoo dhan ayaa Walaalo ii
ah.”
Cabdirisaaq Xaaji Catoosh waxa uu sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay
in imaanshihiisa Wajaale ku timid talo ay wada gaadheen Asxaabta
BBC-du, “Waxaan u mahad celinayaa asxaabtayda BBC ee ku talisay
inaan tacsida imaado.” ayuu yidhi Catoosh.
|