War-bixin Xiiso Leh: Duuliyeyaashii Shisheeye Iyo Kuwii Somaaliye ed
Ee Qaybta Libaax Ka Qaatay Duqayntii Dhinaca Cirka Ee Loo Gaystay
Somaliland.
Taariikhdu waxbay hagtaa, dadkuna wuu haybiyaa……Dhacdo kasta oo
dunida ka dhacdaa raad ayey ka tagtaa, siiba dhacdooyinka murgada
leh ee ay ka mid yihiin Xasuuqa iyo dil wadareedka lagu
bartilmaamaysto Isir iyo Qoomiyad gaara oo aan waxba galabsan. sida
caadiga ah wax kasta oo la qariyaa ma qarsoomaan, wakhti kasta ha
qaadatee wax badan ayaa la ogaadaa marka muddo ka soo wareegto. Waxa
jira Hadal Murtiyeed uu yidhi abwaan Abdi-Gahayr oo iminka lagu
maahmaaho, kaas oo ah*Cuqubo halkii lagu galay ayey Caw Ku hurudaa*
Dulucda Murtidu xambaarsantahay ayaa ah Danbi kasta halkii lagu
galay ayaa laga Ogyey, cid kasta oo gashayna waa la ogyey ama waa la
ogaan-doonaa. Waxa aan xasuutaa muddo iminka ku dhaw Afar sano ayaa
xaflad soo dhaweyn ah lagu qabtay Xarunta Golaha Wakiilada
Somaliland, Xafladaa ayaa lagu maamuusay oo lagu soo dhaweeye
Duuliye Soomaaliyeed oo diiday in duqeeyo Hargeysa iyo Hareeraheeda
oo markaas ay wadhnaayeen Shacab diifaysan oo ka sii qaxaayey
dagaalkii ka socda Magaalada. Duuliyaha ayaa hubkii uu dayaarada ku
siday ku daadiyey Badda, Dayaaradiina fadhiisiyey Jabuuti.
Duuliyahaa Soo dhaweynta iyo Xafladaha ay taariikhdu ku xustay, waxa
ka dhaw oo iyana ay taariikhdu maanta xusaysaa Duuliyeyaashii
Soomaaliyeed iyo kuwii Shisheeye ee sida Axmaqnimada ah ugu garaacay
Bambooyinka iyo hubka culus Maatadii iyo Caruurtii qaxaysay, kuwaas
oo Magacyadoodii iyo meelaha ay dhalasho ahaan ka soo jeedeen aan ku
bayaamindoono Qoraalkan badhtankiisa iyo Gabogabadiisa-ba.
Sooyaalka Taariikheed ee ka waramaaya colaadii bahalnimada ahayd iyo
Xasuuqii Isirnimo ee Kacaankii Dhiig yacabka ahaa uu ka gaystay
Gayiga somaliland maaha mid hal qormo lagu soo koobi-karaayo.
Haddaba waxa aan qormadan ku soo qaadanaynaa maanta Kaalintii
Ciidankii Cirka ee Somalia iyo Calooshood u Shaqaystayaashii
Shisheeyaha ahaa ay ka qaateen Duqayntii cirka ee lagu Burburiye
Somaliland.
Sanadkii-1983…Dowlada Imaaraadku *UAE* waxay Somalia deeq ahaan u
siisay 14 Dayuuradood oo noocoodo kala ahaa:10 dayaaradood oo ahaa
Hunters iyo 4 dayaaradood oo ahaa nooca loo yaqaano Islander.
Ciidankii cirka ee Somalia wuxuu u baahday khubaro aqoon u leh
dayaaradaha dagaalka ee Hunters-ka, kuwaas oo la doonaayey in ay
tababar siiyaan saraakiil Soomaliya. Ganacsade La yidhaado Jama
Guuleed Abdi (Jama Buluug) oo Xigto hoose yihiin Ahmed Saleebaan
Dafle, si gaarana ugu xidhnaa Siyaad Bare iyo inta ka ag dhow ayaa
hawshii keenida khubarada Hunters-ka loo xilsaaray. Mr. Jama-Buluug
oo Xaruntiisu Nairobi ahayd waxa uu qandaraas Naas-nuujin ah ku
helay dabayaaqadii 1982 Keenista Shiidaalka Dayaaradaha yar-yar ee
noocoodu yahay*Seimarcceti super petrol nooca Avion-cento ottoni*
Waxa kale oo Qandaraas lagu siiyey Jama-Buluug in South Africa iyo
Zimbawi ka soo kireeyo 4 Duuliyeyaal iyo 4 Farsamoyaqaan oo ku
shaqeeya qaab calooshood-u-shaqaystenimo ah, ku darso oo waliba waxa
South Africa wakhtigaa Gacnta ku hayey Xukunkii Cunsuriga ahaa ee la
odhan jiray Aparthied. Jama-Buluug oo qaab musuq ah ugu milmay
Taliskii Ciidankii Cirka ayaa xafiis ka furtay saldhigii dayaaradaha
ee Balidoogle oo u dhawaa Baydhabo, halkaas waxa laga abaabulay
tababarkii ugu horeeyey ee Caddaankii South Africa laga keenay ay u
fureen Saraakiishii kala ahaa:
Gaashaanle Sare: Duuliye Ali Ibrahim Ahmed…..Banaadiri.
Gaashaanle:Duulie Mohamed Warsame Mooto….Dhulbahante.
Gaashaanle: Duuliye Maxamuud Mad Khaliif…..Raxanweyn.
Sida ku cad warqad ka soo baxday taliskii Ciidankii Cirka, waxa
Sherkedii Jama-Buluug loo hormariyey Mushaharkii
Calooshood-u-shaqaysteyaasha oo dhamaa 600,000 US Dollor. lacagtaas
waxa lagu shubay Account-kii Sherkeda Jama-Buluug oo la odhan jiray
Dhoodi-Meer LTD COMPANY oo ku taalay London. Dhoodi-Meer waa magacii
Faraskii Sayid Mohamed Cabdille Hassan. Isticmaalka Magaca
Dhoodimeer waxa uu ka turjumayaa Qabyaaladii qaawanayd iyo isla
weynidii dalka jirtay sebenkaas.
Accountkii Dhoodi-Meer ee lacagta lagu shubi jiray waa kan hoos ku
qaran…
Dhoodi-Meer LTD COMPANY
Account Number 140/1/02494515
National Westminster Bank
1-4 BERKELEY SQUARE HOUSE
BERKELEY SQUARE
LONDON W1X 6AX
UNITED kINGDOM
Taliskii Siyaad Bare bilowgii hore ee dagaalka, wuxuu Caalamka ka
qariyey isla markaana si qayxan u dafiray in uu dagaal kula jiro
Jabhadii SNM. Wuxuu isku deyey in uu ka hortago wax kasta oo beentaa
qaawan ka shifaaya. Gaashaanle Sare Duuliye Faarax Siciid
(Majeerteen) oo ahaa taliyihii ciidanka cirka ee Hargeysa iyo
Gaashaanle sare Mohamed Adan Dirir (Mareexaan) oo isna ahaa
Taliyihii Ciidanka cirka ee Berbera ayaa ku dalbaday Duuliyayaashii
dayaaradaha Mig 17 iyo Mig 19 in ay duqeeyaan oo si culus u
Bamgareeyaan dad iyo wixii ay arkaan, si ay u horjoogsadaan
Qaxoontiga ku sii qulqulaaya dhinca Xadka Ethiopia. Ujeedada Siyaad
Bare waxay ahayd in uu Dunida ka qariyo xaqiiqda jiritaanka ee
dagaalka.
Gaashaanle Sare Farah Siciid (Majeerteen) Taliyihii ciidanka cirka
ee Hargeysa oo isagu ahaa ninkii gacanta ku hayey hawlgelinta
Dayaaradaha ayaa markii hawshii ku balaadhatay u habarwacday
taliyeyaashii saldhigyada ciidanka cirka ugu waa-weynaa ee ku yaalay
Ballidoogle iyo Baydhabo.
Gaashaanle Sare Duuliye khaliif Ciise Yuusuf (Majeerteen) taliyihii
ciidanka Cirka ee Ballidoogle oo hogaaminaaya Raxan dayaaradaha
noocoodu yahay Mig 17 & Mig 19 iyo Gaashaanle sare Duuliye Ali
Ibrahim Ahmed (Banaadiri) taliyihii ciidanka cirka ee Baydhabo oo
isna horkacaaya raxan dayaaradaha loo yaqaan Hunters ayaa si deg-deg
ah uga soo deg Garoonka Hargeysa, kuna biiray hawlgalkii duqaynta
ahaa ee hore u socday.
Ciidankii hore ee dagaalka waday oo ku sugnaa welwel iyo walbahaar
ayaa markay arkeen ama ka war heleen Gurmadka Dayaaradaha ah
niyadoodii si la yaab leh kor ugu kacday, waxaanay aamineen in
iminka ay Jabhada SNM Cagta maridoonaan. waxa la abaabulay duulaan
Cir iyo dhul ah oo lagu qaado goobihii dadka shacabka ahi u qaxeen
iyo meelihii ay ku tuhmaayeen dagaalyahanada SNM, waxa markiiba
sahan loo diray dayaaradaha la yidhaahdo CESNA oo ay wadeen
duulliyeyaasha kala ahaa:
1-Duuliye Ahmed Mohamed MaHamoud (Mareexaan)
2-Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani)
3-Faarax Xaaji Salaad (Majeerteen)
4-Yuusuf Juseeb (Majeerteen)
5-Xasan Yare…..(Ogaadeen)
Sahankii ka dib waxa la qaaday weerarkii lagu doonaayey in lagu soo
afjaro halgankii SNM., Duqayntii cirka iyo dhulkaba waxa ay si
xidhiidha oo aan kal-g’olahayn habeen iyo maalinba u socotay muddo
dhowr bilood ah. Gaashaanle Sare Duuliye Yuusuf Maxamed Maxamoud
*Yuusuf yare (Majeerteen) oo waday Mig 17 waxa uu duqeeyey goob
kasta oo uu ku arkay Bidhaan Dad iyo mid Duunya-ba, Xataa Xoolaha
nool ee Miyaga daaqaaya muu dhaafi jirin. ninkaas oo
Gacan-ku-dhiigle Moorgan ku abaal mariyey lacag faro badan iyo
Gaadhi *Landcruiser* ah waxa loo aqoonsaday in uu yahay Sarkaalkii
Kaalinta kowaad ka qaatay Burburkii dhinaca cirka ee loo gaystay
Somaliland iyo Shacabkeedii.
Gaashaanle dhexe Duuliye Maxamud Xaaji Warsame *Mooto* (Dhulbahante)
ayaa isna qaatay kaalinta labaad ee duqayntii dhinaca Cirka.
Kaalinta seddexaad waxa qaatay Gaashaanle Sare Duuliye Mursal Muufo
(Hawiye..Abgaal). Mursal waxa uu ku duuli jiray Mig 19.
Guud ahaan Xasuuqii Ciidankii Cirka ee Somalia ay ka fuliyeen Gayiga
Somaliland waxa ka qayb qaatay Saraakiishan hoos ku qoran…..
1-G/sare Khaliif Ciise Yuusuf (Majeerteen) Taliyihii Ciidankii Cirka
ee Balidoogle.
2-G/sare Faarax Siciid(Majeerteen) Taliyihii Ciidankii Cirka ee
Hargeysa.
3-G/sare Maxamed Adan Dirir (Mareexaan)Taliyihii Ciidankii Cirka ee
Berbera.
4-G/sare Yuusuf Maxamud Maxamed (Majeerteen)….Duuliye Mig 17.
5-G/sare Mursal Xaaji Axmed *Muufo*( Abgaal)……..Duuliye Mig 19.
6-G/sare Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)…………Duuliye Mig 19,
Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo soo
dhacday….Cilad-farsamo
7-G/sare Xuseen Aadan Ibrahim (Samaroon)…………Duuliye Mig 19,
Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaaya oo SNM soo riday
8-G/sare Ahmed Gurxan Hoori (Ogadeen)………….Duuliye Mig 19,
Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo SNM soo riday
9-G/sare Maxamed Axmed Xaayow(Abgaal)…………….Duuliye Mig 19,
ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo soo
dhacday…..Cilad-farsamo
10-G/sare Xirsi Maxamed Faarax (Mareexaan)………….Duuliye Mig 19
11-G/dhexe Cadulaahi Xaaji (Ogaadeen) Taliye-ku-xigeenkii Salidhiga
Baydhabo.
12-G/dhexe Maxamud Xaaji Warsame (Dhulbahante)……Duuliye Hunter.
13-G/dhexe Moxamed Khaliif Isaaq (Raxanweyn)…………Duuliye Hunter,
ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo SNM soo riday.
Jabkii baahsanaa ee ciidankii cirka ka qabsaday dagaalkii ay la
galeen Jabhadii SNM, ka sokow waxa Fadeexad iyo ceeb weyni dusha ka
fuushay Ciidankii Cirka oo la ogaaday in magac mooyee aanay Aqoon
durugsan iyo khibrad toona u lahayn dayaaradaha dagaalka, waxa la
ogaaday xataa in ay ku fashileen oo awoodi kari waayeen in ay
horjoogsadaan oo dib u celiyaan Shacbkii aan hubaysnayn ee Xadka
Itoobiya u qaxaayey.
Wajigii labaad ee Duqaynta dhinca Cirka oo ahaa Kaalintii
Shisheeyaha Calooshood u Shaqaystayaasha ayaa furmay, kadib markii
Duuliyeyaashii Soomaalidu ku fashilmeen dagaalkii. Jama-Buluug oo
Hawshaa u xilsaaraa ayaa si deg-deg ah uga keenay
Calooshood-u-shaqaystayaal ka koobnaa (Duuliyeyaal, Farsamo-yaqaano
iyo hal dhakhtar) oo dalka lagu soo galiyey qaab dalxiisteyaal. waxa
la dajiyey Guri dabaq ah oo ku yaal Degmada Hodan Xaafada Taleex
(Tel. 81878) oo uu lahaa Cabdulaahi Cumar Ismaaciil*Casaro* (
Majeerteen). Waxa kale oo jirtay Haweeyne Ragga
Calooshood-u-shaqaystayaasha ah la socotay oo la odhan jiray Aggie
Robanson oo Duuliye ka ahayd Dayaarada Jama-Buluug lahaa oo nooceedu
ahaa CESNA laba Mator-lay ah oo TAXI ahaan ugu kala gooshi jirtay
Mugdisho iyo Nairobi, kuna duuli jirtay Baaq Afgasho…*flight code:
five young alpha young* Dayaaradaasi waxa ay qaabilsananayd daabulka
Khamriga iyo Hilibka Doofaarka. Calooshood u Shaqaystayaashii laga
soo kiraystay South Africa iyo Zimbawi waxa ka mid ahaa lixdan
danbiile ee hoos ku qoran.
1- J.R. Blythe Wood……Pilot.
2- M. Shegnuller………..Pilot.
3- D.R Jakson………….. Chie Engineer.
4- K.Jonnes…………….. Engines.
5- C.D Balfour……………Armaments.
6- J.D. Hurrel…………….Airframes.
Waxa Saraakiishii Ciidanka Cirku qaarkood cadeeyeen in tirada
Calooshood u shaqaystayaashu intaa ka badnayd oo la isku
bedbedelijiray. Calooshood u shaqaystayaashu marka ay hawda ku
jiraan ee wax duqaynayaan waxay Isticmaali jireen Code Names ahaa
Jama iyo Diini. Jama waxa loola jeedaa Jama-Buluug, Diini waa Jifada
Qabiil-ahaan u ka soo jeeday Dhagar-qabe Siyaad Bare.
Inkasta oo Calooshood u shaqaystayaashii Shisheeye ay dad shacab ah
Gumaadeen Hanti badan burburiyeen haddan aakhirkii lafahoodii ayey u
baqeen oo wey soo carareen. Duuliye Blythe Wood inta uu xakamaha u
jaray dayaaradii uu watay ayuu isna Baarashuud ama Dallad kaga
booday, Dayaaradiin-na waxay ay ku dhacday meel la yidhaahdo
Dallandoolle oo katirsan Degmada Buur-xakabo. Jama iyo Diini mar la
weydiiyey in ay ku noqonayaan dagaalkii, waxa ay ku jawaabeen hadal
la macno ah Murtida tidhaahda. *Adiguba Caqlaad leedahee Carar Maxaa
Dhaama* …….. Dhamaad.
Macloomaadka ay Xambaarsantahay War-bixintani Qayb waxaan ka soo
xigtay Buugga la yidhaahdo Sababihii Burburkii Somalia oo uu qoray
Qoraaga Magaciisu yahay Cabdiqaadir Oromo, Qaybta kalen waxa ku
deeqay Shakhsiyaada-ka hoos ku qoran.
1-Duuliye Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani)
2-Idiris Shide oo ahaa gacan yarihii Jama-buluug ee hayey xafiiskii
Ballidoogle.
3- Xisaabiyihii Sherkedii Dhoodi-Meer ee Nairobi Fadhiyey
1980-tamaadkii.
4-Xoghayihii Taliyihii Ciidanka Cirka: Sare/Guuto…Cabdi Cismaan
Maxamed (Cabdi-Caluq)
Waxa soo diyaariyey wakhti badana ku bixiyey: Osman Abdillahi
Sool…..Freelance Journalist.
sooldhuub@hotmail.com
|