Duuliye 93 Dal u soo Maray Aqoonsi-raadinta Dalka Kosovo oo Maanta soo Gaadhay Hargeysa

 


 

Hargeysa (TNN)- Nin u dhaqdhaqaaqa ictiraaf-raadinta dalka Kosovo, Mr. James Berisha, ayaa maa nta booqasho ku yimid dalka Somaliland. Mr. Berisha oo ah nin duuliye ah oo wata diyaarad gaar ah oo nooceedu yahay Cessna, ayaa 1 dii duhurnimo ka soo dagay madaarka caalamiga ah ee Egal Inte rnational Airport. Diyaaradda illaa hadda soo martay 94 dal, ayaa ay ku qoran tahay farriin caalam ka ka codsanaysa in la aqoonsado madaxbannaanida dalkaasi oo illaa hadda ay ay ictiraafeen 75 dal  balse wali aan helin xubnimadii Qaramadda Midoobay ay kaga mid noqon lahaayeen.

Mr. Berisha ayaa madaarka caalamiga ah ay ku soo dhaweeyeen xubno ka socda Wasaaradda Arrim aha Dibadda Somaliland iyo Dalladda Dhalinyaradda Somaliland ee SONYO. Diyaaraddan ayaa waxa kaga suntanaa labadda Dhinaca laba farriimood oo kala ah “Fadlan hala aqoonsado Madaxbannaani da Somaliland” iyo, “Fadlan ha la aqoonsado Madaxbannaanida Kosovo” oo ku qoran afka Ingiriisiga. Waxaana ka soo dagay Mr. Yuusuf oo ah mawaadin reer Somaliland ah oo ku dhaqan dalka Jabuuti oo ku hilaaban calanka dalka Kosovo, iyo Mr. Berisha oo huwan calanka Somaliland.

Mr. James Berisha oo ka soo kicitimaya dalka Djibouti, ayaa ay booqashadiisa Somaliland ay tahay dalkii 94 naad ee ku soo maro olalahiisa ictiraaf-raadiska ah ee loogu magac-daray “Duulimaadka loo gu jiro Kosovo” kaas oo ku olalaynayo sidii dalkiisu uu kursi ugu yeelan lahaa Qaramadda Midoobay. Safarkan uu ku yimid Mr. Berisha Somaliland ayaa ay ku dhaliyeen mawaadiniin reer Somaliland ah oo ku dhaqan dalka Djibouti, isagoo taana ka aqbalay sheegayna inuu yahay dal ay isku kiis yihiin.

Kosovo ayaa la aqoonsaday sannadkii 2008 dii ka dib markii ay ka go’day dalka Serbia, taasoo ka da nbaysay xasuuq ba’an oo loo geystay shacabka ku dhaqan gobolkaasi, oo intaa ka dibna halgan u g alay sidii uga go’i lahaayeen dalkaasi. Safarkan ayaa waxa maalgalintiisa ka qayb-qaatay guud ahaa n dadweynaha ku dhaqan dalka Kosovo oo qaadhaan iska ururiyey sidii uu safarkani uu noqon lahaa mid soo hooya cod ay ka helaan bulshadda Caalamka kaas oo ku aadan inay kursi ku yeeshaan Qara madda Midoobay, taasoo uu hortaagan yahay dalka Ruushka oo si weyn uga soo horjeeda gooni-isu-taagga Kosovo, halka dalka Shiinahu uu ka gaabsaday.

75 dal ee ictiraafsan Kosovo ayaa waxa ku jira 22 dal oo Midawga Yurub ah, Australia, Canada, Jap an, New Zealand, iyo todoba dal oo ku yaala Koonfurta iyo Badhtamaha Ameerika iyo 12 dal oo Afrik aan ah.

Mr. Berisha oo 37 jir ah ayaa ah nin duuliye ah, waxaanu safarkiisan ictiraaf-raadiska iyo waliba kur siga uu dalkiisu ka doonayo inuu ka helo Jimciyadda Qaramadda Midoobay ka doonayo ayaa si rasmi ah u bilaabay safarkiisa bishii March sannadkii 2009 kii. Mr. Berisha ayaa dal kasta oo soo mara mad axdiisa ka codsada in aanay kala bakhaylin inay shirka Kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoob ay u codeeyaan inay kursi rasmi ah Kosovo ku yeelato UN ta, oo looga hiiliyo dalka Ruushka oo isagu si ba’an u diidin in la ictiraafo.

Safarkan uu ku jiro ee uu dunida ku galaa-bixinayo dunida ayaa si joogta ah ay wax uga qortaa saxa afadda dalka Kosovo, aadna ula socdaan guud ahaan dadweynaha reer Kosovo oo u jeelan inay hel aan kursigii ay yeelan lahaayeen Qaramadda Midoobay.

 

Source:Waaheen