Duulimaadkii Daallo Air-line ee saaka oo baadka galisay dhismaha
Terminalka Madaarka Hargeysa
Ilaa Hada Masuuliyiinta Wasaarada Duulista somaliland iyo Diyaaradu
Daalo Airline Toona Wax War ah Kama soo Saarin..
Hargeisa(TNN):-Duulimaadkii saaka ee diyaaradda Daallo Air-line ayaa
jiidhay Dhismaha Termin alka Madaarka Hargeysa kadib markii Baadka
diyaaradu gaadhay Dhismaha madaarka.
Wax khasaare ahi soo muu gaadhin sida ay Goob joogayaal ku sugnaa
madaarku xaqiijiyeen, y eeshee ilaa hada baadka diyaaradda ayaa
ku jira Dhismaha, waxaanay Maamulka Madaarka iyo Shirkaddu iska
kaashanayaan sidii looga saari lahaa.
Ilo wareed goob joog ah ayaa sheegaya in Trafica Madaarka ee hagayay
Diyaaradu ku dhawee yay diyaaradda dhismaha Terminalka markii ay
diyaaradu Parking-ka istaagaysay taasina ayay sababtay inuu baalka
xigay dhinaca Dhismuhu gaadho gidaarka.
Ilaa hada wasaaradda Duulistu wax jawaab ah kamay soo saarin Shilkan
oo ah sida lagu soo waramayo mid aad u fudud.
Source: Waaheen
|