Duruuusta Ramadaanka Salaada taraawiixda
Fadliga salaada taraawiixda

 


Sidaan ogsoonahay bisha ramadaan waxaa ka mid ah shicaa'irteeda tukashada salaada taraawiixda, waana salaad sunno ah oo la tukado salaadda cisha gadaasheed, waxaana loo tukadaa labo-labo rakco, nabigana (NNKH) wuxuu xadisi saxiix ah ku sheegay: 'Qofkii tukada ramadaan asagoo rumeysan oo xisaabsanaya Alaah aktiisa (ajirkeeda) waa loo dambidhaafaa (dambiyada yar yar, kuwa kabaairta waa in la toobadkeenaa).' (Bukhari & Muslim) a waxaunno ah salaadaan in lagu tukado jamaaco sida soo aroortay in uu nabiga (NNKH) tujiyey saxaabida dhoor habeen kadibna iska daayey cabsi uu ka cabsaday in lagu waajibyeelo ummadiisa. Markii la gaarey khilaafadii Cumar, wuxuu arkay dadka oo koox koox u kala tukanaya taraawiix, wuxuuna bilaawey in uu dib soo nooleeyo sunnada tukashada salaada TARAAWIIXDA mulimiintana iskugu keenay hal imam inay kudabo tukadaan.


Maxaa lagu aqriyaa salaadaan?

Maku soo aroorin salaadaan quraan gaar oo la akhriyo. Salafka wey ku dheereen jireen quraan akhriska, ilaa ey qaar kamid gaarsiin jireen wax u dhow salaada subax, laakin sida fiican waa in lagu tukadaa salaadan inta ay awoodaan dadka latukanaya Imaamka.
Waxaa haboon in bisha ramadaan hal mar ugu yaraan lagu dhameeyo quraanka kariimka.

Meeqo rakaco ayey ka koobantahay salaada taraawiixda?
1-Culumada way isku khilaafeen inta rakco ay ka koobantahay salaadaan.
Culumada qaar waxey leeyihiin waa(11-rakco) 8-rakco iyo - racko oo witri waxeyna u soo daliishadeen xadiiska ay caaisha (RDH) oo ahaa:- ''Nabiga (SCW) Kama uusan siyaadin jirin 11-rakco ha ahaato ramadaan ama yaysan ahaan''.


2-Culumada qaarkoodna waxey qabaab in ey tahay 20-rakco iyo 3-racko oo witri ah,waxeyna u soo daliishadeen ficilkii Saaabada –Radiya Alaahu canhum- Xilligii khilaafadii Amiirul mu'miniina Cumar iyo khilaafadii Cuthmaan.

3-Culiumada badankoodna waxey isku dayeen in ay isku keenaan labadaan rayi oo waxey dhaheen waxaa SUNNO ah in la tukado 11-racko, qofkii ka siyaadiyana wax dhib ah kuma jiraan oo waa ay banaantahay in latukado inkabadan 11-rakco.


Sikastaba ha ahaatee waxaa muhiim ah inuu qofka muslimka ah e sooman uu ku dadaalo sidii uu utukan lahaa Salaada Taraawiixda inta uu awoodo, lakiin hadduu awoodo inuu la dhamaysto salaada imaamka taas ay fadli badantahay, sidii uu kuyiri Nabigeena (SCW) xadiis saxiix ah:''qofkii la tukada imaamka ilaa uu ka salaamo noqsado waxaa loo qoraa qiyaamka habenka oo dhan''.


Alaah ayaan ka baryayna inuu naga dhigo kuwii laga aqbalo soonkooda iyo qiyaamkooda, alaahna uu naga dhigo kuwa laga xoreeya naarta bishaan barakaysan ee ramadaan.
Wasala Allaahu calaa nabiyinaa muxamad waca aalihi wasaxbihi wasalam.wasalamu alaikum warahmatu Allaahi wabarakaatuh.
 

 



wa bilaahi towfiiq
Adam Ege