Dulucda iyo Natiijada Kulan aan Noociisa Hore loo Arag oo Kulmiyey Badi Hoggaamiyayaashii iyo Mujaahidiinta SNM

 


Hargeysa (TNN)- Kulan ballaadhan oo ay isugu yimaadeen shalay in ka badan 50 xubnood oo isugu jira hoggaamiyayaashii millatari, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo xubno ka mid ah mujaahidiinta  ururk ii SNM oo uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee xukuumadda Madaxweyne Siilaan yo, ayaa lagu qabtay shalay huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey noociisa ee ay ku kulmaan siyaasiyiin, aqoonyahano iyo  muja ahidiin kala aaminsan afkaaro siyaasadeed oo kala duwan, balse isu keenay abtirsiinta magaca  SNM, isla markaana oo ay soo qabanqaabiyeen hoggaanka sare ee xisbiga talada haya ee KULMIYE , waxa dulucda ujeeddadiisu ahayd wadajir looga hawleli lahaa ururinta iyo midaynta taariikhda halgankii dib-u-xorreynta Somaliland ee ururka SNM gadhwadeenka ka ahaa oo aan weli loo  sama yn raad-taariikh rasmi ah oo la isku wada raacdan yahay.

Xubnaha ka qaybgalay kulankaas oo u badnaa rag aan qaarkood muddo dheer indhahoodu is  qab an ama meel wada fadhiisan, ayaa si mug leh uga dooday qabyada iyo baylahda baahsan eek u  ga daaman taariikhdii halganka iyo daryeelka mujaahidiinta iyo agoomaha dayacan, waxaana  geboga badiisii laga soo saaray go’aamo fulintooda looga fadhiyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Doodo iyo falanqayn dheer oo ka qaybgalayaashu ku abbaareen aaraahdooda ku aroorinayeen  n uxurka ujeedada shirka loo qabtay waxay biyo-dhaceedii la isku raacay go’aamo dhawr qodob ka kooban oo kor loogu qaadayo magaca iyo milgihii taariikhda SNM, kuwaas oo ay ka mid yihiin; in  m eel keliya ururiyo, lana qoro taariikhda halgankii hubaysnaa ee ururkii SNM ku dhaliyey xorriyadda Somaliland, in la xoojiyo tamarta iyo tayada waxqabad ee hay’adda Jimciyadda Mujaahidiinta  Soo yaal, isla markaana laga dhigo hay’ad madaxbannaan oo u taagan horumarinta iyo danta cid kasta oo ku abtirsata ururkii SNM, in la sameeyo xarun gaar ah oo lagu ururiyo taariikhdii halganka iyo in qorshe daryeel loo dejiyo agoonta iyo naafada mujaahidiinta SNM.

Waxa kale oo kulankaas la isula qaatay abuurista guddi isku soo dubarida qorshayaasha lagu  gud ogalayo hirgelinta qodobada lagu heshiiyey.

Kulankan oo sida ka muuqatay ahaa mid qabanqaabadiisu muddo soo socotay, marka loo eego  we jiyada dadka isugu yimi, ayaa xubnaha ka qaybgalay waxa ka mid ah Guddoomiyaha xisbiga  KULMI YE Muuse Biixi Cabdi, Muj. Maxamed Kaahin Axmed, Muj. Ibraahim Dhegoweyne, prof. Cabdisalaan Yaasiin, Muj. Xasan Guure Jaamac, Muj. Muuse Giirre, Muj. Maxamed Ismaaciil (Digtoorka), Muj. Boobe Yuusuf Ducaale, Muj. Xuseen Cabdillaahi Liibaan iyo ku dhawaad 50 xubnood oo ka koobnaa madax iyo mujaahidiin ku abtirsada ururkii SNM, kuwaas oo dhammaantood iska dabamaray qabyada iyo dib-u-dhaca wayn ee ku habsaday maatida mujaahidiintii shahiiday, kuwa naafada ah ee laxaadkooda ku waayey halgalkankii dib-u-xorreynta Somaliland .

Ugu horreyn waxa kulankaas ka hadlay Prof. Cabdisalaan Yaasiin, waxaannu sheegay in inkasta oo halgankii ururkii SNM guulaystay oo uu noqday mid midho-dhalay, haddana laga gaabiyey kor u  qa adista magaciisii iyo taariikhdii uu lahaa.

“Waxa loo baahan yahay in dadkii halgankan soo galay wixii nool iyo agoonta daryeel, isla  markaa na la sameeyo meelihii waaweynaa ee halganka ay ka gaysteen waxyaabo lala ilaawaan ah.

Waxaynu u baahanahay intaynu gacmaha is wada qabsano wax alle wixii aynu ku noolayn karayno taariikhdii halgankii aynu soo galnay, wax allaale wixii aynu ku baabiin karayno iska horimaadkii  in aga dhexdeena inaga yimi in aynu samayno,” ayuu yidhi Prof. Cabdisalaan Yaasiin.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isagu sheegay in taariikhda SNM tahay mid ka dhaxaysa guud ahaan shacabka Somaliland, balse aanay lahayn cid gaar ah iyo gobol gaar ahi toona.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxaan ugu horreyn la hadlayaa Dhanxiir iyo  Guug ule, marka la soo hadal qaado SNM, waxaa la yidhaahdaa qaranimadaa la dhantaalayaa oo cid  gaa ra loola jeedaa, markaad tidhaahdaan kii SNM mujaahid, muxuu noqonayaa kii ka soo horjeeday ee Awdal iyo Sanaag joogay, waxa lagu heshiiyey inay labaduba noqdaan SNM, wixii halkaa  dhexdee na ahaan waa la ilooway, sidaa awgeed taariikhdeena iyo dhaawaceena waa isku mid.

Markaa marka la leeyahay taariikhda Somaliland ha la qoro ayaan loo qaadan in cid gaara wax loo wado, ta kale yaan meel lagaga dhicin ummaddii dalkan u soo halgantay ee soo xorraysay ee u  ba aba’day ee u dhimatay, markaa ta Dhanxiir dhigi doono ee Wegerka uu ku soo qaadan doono, ay aan taas kagaga sii hortagayaa, arrintaasi waa arrin qaran, taariikhda la qorayaan waa taariikh qaran, laakiin labada walaalaha ah ayaaba hawsha kala badsada, haddii la yidhaahdo cidbii  halgan ka culayskiisu ku dhacay yaan laga boodin.”

Muuse Biixi waxa uu tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in la ururiyo oo la qoro taariikhdii  SNM , isla markaana waqtigani yahay kii ugu habboonaa.

Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa sheegay qorashaha ugu haboon ee lagu midayn karo, dibna loogu  s oo celin karo kaaraamadii SNM tahay in taariikhda SNM meel lagu ururiyo, loona sameeyo carwo taariikheed. Waxa kale oo uu soo jeediyey in agoomihii ay ka tageen mujaahidiintu la daryeelo, kal a shakigii soo kala dhex galayna meesha laga saaro waxaannu yidhi “Ururkii SNM ee Sooyaal wuu hagaasay ee aynu dib ugu noqono.

Anigu ma qabo aynu hoos tagno Wasaaradda Gaashandhiga, waayo waa dawlad ciidan oo ka  sha qaynaysa sahan, siday qallin iyo koobiitar u haleeshaa way iska yar tahay.

Haddii aynu doonayno in aynu dhaqaaqno oo aynu halkan ka kacno, waa in aynu Sooyaal boodhka ka tunaa, inaguna waynu is tuhunee aynu is shaki saarno oo mujaahidiintu waxay u qaateen nimanka waxbartay ee qallin ku shaqaystaa inay Sooyaal ku adeegtaan, dabeedna ka qabsadabay is yidhaahdeen oo waynu eednay, waynu kala go’nay, anigu waxaan qabaa in laysku soo noqdo oo dad dadka oo dhan metala oo inanka yar ee agoonka matala, islaanta agoonta ah matala, mujaa hidkii qoriga ridi jiray matala, waxaanan soo jeedinayaa Soyaal dib ha loogu noqdo.”

Oday Maxamed Cabdi Ismaaciil (Diktoorka) oo isna kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in  Madaxw eynaha dalka ee waqtigani oo ahaa Guddoomiyihii ugu muddada dheera ee SNM, sidaa daraadeedna haddii uu ururinta iyo midaynta SNM hirgelin waayo iminka aanay dib u suurtogalayn

“Haddii dawladan maanta ay wax si ka noqdaan, ciday ka xumanaysaa reer maaha, KULMIYE  maa ha ee waa SNM, waayo kii ugu waynaa ayaa fadhiya.

Haddii kii weynaa fadhiyo kuwo horrena soo xumaadeen, tana ay wax noqoto, Soyaasha lagu  celc elanayaana ha noqotee, na dhafa weeyaan oo dadkii waxba uma hayno,” ayuu yidhi Digtoorku.

Waxa kale oo iyaguna kulankaas ka hadlay, Xuseen Cabdillaahi Libaan, Cismaan Aw Liqe, Giirre iyo qaar kale oo dhammaantood xubnahaas hore ku taageeray doodooda.

Gebogabadii kulankaas waxa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md. Cabdillaahi  Ismaa ciil (Geeljire), waxaannu sheegay in xukuumadda u ka tirsan yahay ay dhawaan 17october Beeta Xoriyadda ka dhisi doonto dhisme ay ku qoran yihiin mujaahidiintii dalka u shihiiday oo dhammi, isla markaana timaamay inay xukuumaddu diyaar u tahay wax la qabashada mujaahidiinta.

“Maanta in laga qaybqaato oo la qoro taariikhda SNM oo aan waxba lagala hadhin waa muhiim, wa xaanna muhiima in la fahmo inaanu halganku ahayn dagaalkii oo kaliya, laakiin waddanka aynu  dh allinay jiritaankiisa, nabadiisa oo aynu kumanaan sanno oo soo socda nabadgelyada aynu ku  noo laan lahayn dhisno,

Annagu xukuumad ahaan wixii aanu arrintaa ka qaban lahayn ka xishoon mayno, kana baqi mayno waanu ka qabanaynaa anagoo nidaamka xukuumiga ah ee caamka ah raacayna.”

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu amray in gidaar weyn laga dhiso Beerta  Xori yada oo mujaahidiintii shihiiday oo dhammi ku qoran tahay, taas oo aanu ugu tallo galnay inuu  xa dhiga ka jaro 17 october ee soo socota, waxa kale oo aan idiin sheegayaa in ay xukuumadani  diy aar u tahay wax alle wixii mujaahid loo qabanaayo,” ayuu yidhi Wasiirku.

Md. Geeljire, waxa uu taageeray in aan Jimciyadda Mujaahidiinta ee Sooyaal la hoogayn  Wasaar adda Gaashaandhiga, waxaannu soo jeediyey in loo sameeyo xarun gaar ah.



Source: Jamhuuriya Online