Dugsigii
loogu magacdaray Abwaan Hadraawi oo la
dhagaxdhigay

Munaasibad lagu dhagaxdhigayay
dugsi cusub oo ay fanaanada Maryan Mursal ka hirhgalinayso xaafada
daami ee magaalada Hargaysa, waxaa na ka soo qayb galay masuuliyiin
kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dhaqanka iyo
Dalxiiska,Wasiir ku xigeenka Caafimaa dka,Maayar ku xige
enka caasimadda Hargeysa, qurba joog badan,ayaa maanta ka dhacday
Xafadaas.
Xafladan loo sameeyay dugsiga cusub oo loogu magac daray Abwaanka
weyn ee Max’d Ibraahim Warsame Hadraawi waxa hadalo ka jeedisay M
aryan Mursal oo sheegtay ujeedada ay u dhisaysaa inay tahay sidii ay
u Gacan qaban lahayd dadka maatada ah ee aan haysan waxbarashada una
taakulayn lahayd si mustaqbalka waxbarashadooda loo dhiso.
fanaanadan ayaa maamulka Somaliland uga mahadnaqday sida wanaags
anayd ee ay u soo dhaweeyeen iyo sida ay ugu fududeeyeen bixinta
dhulka laga dhisayo iskuulka. " waxqabadka maamulka Somaliland
samee yeen cidima dafiri Karto, in Somaldui ku dayataana muhiim
tahay"Ayay Tidhi.
Fanaanada Maryan Mursal waxa ay sheegtay talaabada xigta ee ay dal
ka ku aragtay ee wax ka qabashada u baahani inay tahay xal u helida
dhibaatada haysata fanaaniinta reer Somaliland waxaanay ku baaqday
in la is garab istaago fanaaniinta oo waxqabad dhab ah loo muujiyo
iyad oo balan qaaday inay hormood u noqon doonto
Maayar xigeenka caasimada hargeysa, Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska
Somaliland, Wasiirku xigeenka Caafimaadka iyo Masuuliyiintii kala
duwanayd ee ka hadashay xafladaa dhagax dhiga iskuulka loogu magac
dartay Abwaan Hadraawi, ayaa si weyn ugu mahad celiyay fanaanada
waxaanay ku hambalyeeyeen talaabadan ay muujisay.
TogdheerNews
|