Dugsiga Sunshine oo maanta Udabaal Degay San ad guuradiisii Tobnaad ee ka soo wareegtay wakhtigii la furay:-
 


argeysa(Longlivesomaliland News) Xaflad aad iyo aad u ballaadhan oo lagu maamuusayey xuska sannad-guuradii 10aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay dugsiga gaarka loo leeyahay ee sunshine first school Magaalada Hargaysa ayaa lagu qabtay hudheelka Summer Time ee caasimada Hargeisa.
Munaasibadan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay, waxa ka soo qayb galay xildhibaano ka tirsan goloha wakiilada jsl, Gudoomiyaha waxbarashada gobolka Hargeisa, Aqoonyahano culima-u-diin, Waalidiin, iyo Ardayda dugsiga wax ka barata Dugsigaasi.

Mulkiilaha ahna Maamulaha guud ee Dugsiga Sunshine Marwo, Amran Xuseen Xassan oo ugu horayn munaasibadaa ka hadashay, ayaa sharaxaad dheer ka bixisay taariikhda iyo marxaladihii uu soo maray dugsigu iyo xaalada uu imika marayo iyadoo dhinaca kalana ammaan weyn u soo jeedisay macalimiinta  isk uulka iyo waalidiinta ardayda oo ay ku tilmaantay qaar si joogto ah uga war haya waxbarashada ubadkooda.

Marwo Amran waxa kale oo ay mahadnaq gaar ah u soo jeedisay sadex  mac alin oo ay tidhi wax ay ila bilaabeen wakhtigii aan dugsiga furay oo ahayd  1999 ilaa hadana ila shaqeeya.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay xildhibaan siciid cilmi rooble oo ka mid ah  wa alidiinta ardayda dhigata dugsiga ayaa ugu horayn hanbalyo u diray  maam ulka, macalimiinta iyo ardayda dugsiga sunshine waxaanu xusay in  wax bara shada iskuulka gaarka ah ka tayo wanaagsan yahay dugsiyada dawliga ah.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Marwo faatumo siciid oo ka mid ahayd  waali diinta ardayda dugsigaasi iyada oo hanbalyo u soo jeedisay dhamaan  macal imiinta, ardayda iyo maamulka dugsiga iyada oo sheegtay in dugsiga  sunsh ine yahay dugsiga kaliya ee tayadiisa waxbarashadiisu ay tahay mid aad u saraysa.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Pro. Xasan Aw Daahir iyo gudoomiyaha  Gob olka hargeisa Mudane xasan oo ugu danbayntii shahaadu halkaasi ku  gudoo nsiiyey sadexda macalin ee dugsiga la bilaabay maalintii la furay kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin macaliin mudo dheer la soo shaqeeyey dugsigaasi ilaa hada ka shaqeeya dugsigaas kuwaas oo kala ah.

Cabdi jamaac dhinbill
Yuusuf Cumar Xuseen
Basra Cabdi Xuseen.
 


Longlivesomaliland News
Hargeysa Office