Dufcadii Ugu Horeysay Oo Ka Qalin-jabisay Mac-hadka Tabab arada Ee
FFOP Oo Shahaadooyin La Gudoonsiiyey
Hargeysa (TNN)-Mac-hadka
tababarada ee lagu magacaabo FFOP (Focusing first On People) ayaa
dufcadii ugu horeysay,ee ka qalin-jabisay gudoonsiiyey shahaadooyin
caalami ah,kadib markii ay muddo Sadex bilood ah baranayeen
xirfadaha Luuqadda Ingiriisiga, maamulka Ganacsiga iyo hann aanka
looga shaqeeyo xafiisyada oo si casri ah loo baray.
Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka
soo qeybgaleen maamulka iyo masuuliyiinta Mac-hadka FFOP,masuuliyiin
ka socotay Wasaarada Waxbarashada,Agaasimaha Wasaarada Shaqada iyo
arrimaha bulshada Somaliland Baashe Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin
iyo marti sharaf kale.
Mac-hadkan FFOP waxa uu bixinaya tababaro xirfadeed iyo weliba
shahaado caalami ah oo laga a qoonsan yahay 120 dal oo
dunida,waxaana asaasay mac-hadkan dhallinyaro qurbaha ka soo laab
atay,waxa lagu baranayaa tababaro la xidhiidha xirfadaha lagu
shaqaysto, waxaannu bixinayaa shahaadada mac-hadka caanka ah ee LCCI
ee xaruntiisu tahay magaalada London ee dalka Ingiri iska.
Maamulaha mac-hadka FFOP Mr. Cabdi Yuusuf oo ugu horreyn xafladaasi
ka hadlay, ayaa faahfaa hin ka bixiyey ujeedada mac-hadka ay u
aasaaseen iyo nooca waxbarashada ay bixiyaan, waxaa nnu yidhi,
“Haddii aad maanta Somaliland eegto waxa ku yaal jaamacado iyo
kulliyado badan, ann agu dhinac kale ayaanu ka marnay oo
culayskayaga waxaanu saarnay waxa jira dadka xoogga dalka ah ee
shaqeeya oo la ilaabay dhinaca waxbrashada, rukunada Somaliland waa
dadka shaqeeya haddii la ilaabana dalku jirimaayo, markaa kuwaa
sidii loo tababari lahaa ayaanu mac-hadkan u furnay.”
Agaasimaha Machadka tababarada Caalamiga ah ee FFOP Cabdi Yuusuf oo
halkaasi ka hadlay ay aa waxa uu yidhi “FFOP (Focusing First On
People)waxay ka bilaabantay Magaalada Manchester ee waddanka UK
waxaanu ku leenahay laba xarumood oo waxaanu qaadana heshiisyo
dawlada, waxaanu dadka kala shaqeynaa sadex wax oo kala ah Tababar,
Shaqo, iyo baayacmushtar iyada oo si weyn waddankaasi na looga
ixtiraamo, taasina waxay noo sahashay inaanu xarun kale ka sameysano
Magaalada Hargeysa ma fileyno inaanu habeen,todobaad, bil,
sannad,laba sanadood toban sanadood labaatan sanadood aanu
dhibaatada waddanka taala wax kaga qabano, laakin waxaanu isku
dayeynaa inuu qof waliba dhiniciisa wax uga qabto dhibaatada”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“LCCI ‘London Chamber Of
Commerce and Industry” waxa la bilaabay 19887 oo boqol sanadood way
ka weyn yihiin sanadkasta waa la cusboonaysii ya, waxaana culeyska
la saarey qofkasta oo shaqeynaya sidii ay Program-adaasi hore ugu
dham aan, program-da oo ah kuwo gaagaaban oo aan ugu talogalnay
sadex bilood-ba markaanu dhameyno aanu qaar kale u gudbayno.
Macluumaadka aanu baranayo qofka waxay toos uga yimaadaan waddanka
UK, shahaadooyinka qofka la siinayana waxay ka yimaadaan waddanka
Ingiriiska, Imtixaanku waxa uu toos uga yimaada waddanka Ingiriiska,
taas oo macnaheedu tahay inaad shahaadooyinkan u isticmaali kartid
120-waddan oo adduunyada ku yaala iyo in ka baddan oo maaliba
maalinta ka sii danbeysa way sii kordhayaan, waddamada qaar sida
Malaysia waxay go’aan sadeen cidda la qaadanayo inay sidato
shahaadooyinkan inta aanay shaqaba bilaabin oo shaqadii ay dadku
qaban lahaayeen uu ka horeeyo horumarku”
“Waxaanu bixin doona tababaro caalami ah oo loogu talogalay qofku
hawsha uu qabanayo”. Ayuu yidhi Agaasimaha FFOP Cabdi Yuusuf.
Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed oo isna
halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyey sida ay u soo
asaasantay Dugsiyada Nuuradiin iyo marxaladihii kala duduwana ee ay
soo martay, “Maanta marka la isku wada daro waxa dhigta Dugsiyada
Nuuradiin 13,742-ardey,waxa ka shaqeeya macalimiinta 311-macalin,
taasina waxay ku timid dedaal uu qof bini’aadam ahi bixin karo,
anaga waxa mabaa dii’adayada ka mid ah oo aan dhignay amarkii saxda
ahaa oo aan ku dedaalayno oo wax badan ayaa naga dhiman. Adduunyadii
ahmiyadii kowaad kamaanu dhigin aakhiradii ayaanu ka dhignay
ahmiyadii kowaad aanu siinay akhlaaqdii ardeyda, wixii ILAAHAY ku
xidhayey wacdi iyo Waano, wixii wanaagsan farideeda wixii xun ka
reebideeda.”.
Mahad Ibraahim Maxamed oo ka hadlayey Xarunta tababarada ee FFOP
waxa uu yidhi “FFOP Wa xa jooga rag qiimo badan, oo waxaan arkayaa
inay bilaabeen oo ay haystaan waddo fiican,.... idinka ayaa waddadii
gacanta haya wax baddan ayaanu idinka baran doona, wax baddan ayaanu
idinku biirin doona, wax baddan ayeynu iska kaashan doona haddii
ILAAHAY yidhaahdo.”.
“Waxaan ILAAHAY ka baryayaa dhalinyarada reer Somaliland wiilal iyo
hablaba inay wadda guule ystaan oo ay tusaale wanaagsan u noqdaan
qaarada Africa iyo adduunyada inteeda kaleba. Waxaan ILAAHAY Ka
baryayaa”. Ayuu yidhi Mahad.
Guddoomiyaha Ururka SOCSA Khadra Kaliil, Sarkaal sare oo ka socday
Wasaarada Waxbar, Aga asimaha Telefiishanka HCTV Maxamed Cabdi
Sheekh Ilig iyo masuuliyiin kale oo halkaasi ka hada shay ayaa waxay
hambalyeeyeen ardeydii ugu horeysay ee ka qalin-jabisay machadka
FFOP iyo agaasimaha machadkaasi Cabdi Yuusuf ee isagu asaasay
mac-hadkan.
Axmed Maxamed Shaqalle
Hargeysa Somaliland
|