Dufcadii Labaad Ee Ka
Qalin-jabisay Kuliyada Caafimaadka Jaa m acada Hargeysa Oo Caawa
Shahaadooyin La Gudoonsiiyey iyo Wacdarihii Khudbada Madasha Laga
Jeediyey.

Hargeysa , Jimce July 23, 2010 (TNN):-Dufcadii labaad ee ka
qalin-jabisay Kuliyada Caafimaadka ee Jaa macada Hargeysa ayaa
Caawa xaflad loogu sameeyey Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Dufcadan oo ka koobnayd 17-Dhakhtar ayaa waxay kuliyada Caafimaadka
baranayeen todoba Sanado od, kuwaas oo shan ka mid ahi ay
yihiin haween. Waxaana ka muuqatay dhakhaatiita cusub wajiyado
oda farxad iyo dhoola-cadeyn xad-dhaafa, waxaana madasha lagu
gudoonsiiyey hadyado si qurux bad an Kaadoo lagu soo xidhay.
Munaasibadii qalin-jabinta loo sameeyey waxa ka soo qeybgalay,
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Bulxan, Guddoomiyaha
Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Hargeysa, Dr. Diiriye Ismaaciil [Irig],
Macalimiinta Jaamacada Hargeysa, Wasiirkii hore Arrimaha Dibada
Somaliland Edna Aadan Ismaa ciil, Dr. Axmed Xuseen Ciise, Eng.
Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiir kuxigeenka Maaliyada Axmed Nuur, Gud
doomiye Kuxigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mirre [Waqaf],
Xoghayaha arrimaha Gudaha iyo xid hiidhka Gobolada ee Xisbiga
UCID Maxamed Ibraahim Aadan [Qabo], Guddoomiyaha Ururka
dhakhaatiir ta Dr Axmed Maxamed Gaas, dhakhaatiir badan oo uu ugu
horeeyo Dr.Saleebaan Cabdi Guuleed, Qoray aal, aqoonyahan,
culimaa’udiin, macalimiin ka socotay kings College, iyo dad ajenibi
ah iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Hargeysa Dr. Diiriye
Ismaaciil [Irig], oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u hambalyey u
jeediyey todoba iyo tobanka dhakhtar ee bartay caafimaadka, w axaanu
yidhi “Marka hore waxaan hambalyo u dirayaa dhakhaatiirtan Cusub oo
halgan dheer u soo ga lay aqoonta ay maanta haystaan, maanta
halkan aynu joogno waxaynu kaga soo qeybgalnay dufcadii labaad ee ka
qalin-jabisa kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Hargeysa oo tiradoodu
dhan tahay 17-dhakhtar.”
“Markii aanu Kuliyadan [Caafimaadka] fureynay annaga iyo
dhakhaatiirta maanta macalimiinta ka ah ayaa go’aansanay inaanu
hormood ka noqono aqoonta caafimaadka, maadama aanu sii gaboobayno,
Maanta ardeydani may baran cilmiga caafimaadka oo kaliyaata, balse
waa cilmi baadhayaal caafimaad”ayuu yidhi Dr. Irig.
“Waxaan halkan uga mahad-celinayaa hay’ada WHO, oo waxkasta oo aanu
u baahano wax nagala qab atay, waxaan ka xumahay intii aan
kuliyada Caafimaadka aan joogay inaan maalina arag hay’ada UNI
CEF”ayuu yidhi Dr. Irig.
Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo isna
halkaasi ka hadlay ayaa wax a uu hambalyo iyo bogaadin u direy
17-dhakhtar iyo dhamaan waalidkii dhalay, waxaanu yidhi “Waxaan
hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhalinyaradan qalin-jabisay,
walaalayaal waxaan leeyahay dad badan ayaa u baxsaday dibadaha,
waxaan markhaati ka ahay in maanta in badan oo dibada ku nooli ay la
jec el yihiin ubadkooda inay dalkooda wax ku bartaan”.
“Waxaan filayaa in dhakhaatiirtan Cusub ay yeelan doonaan
naxariistii looga baahna dhakhtarka, kuna shaqeyn doonaan waddaniyad,”
Dr. Xuseen Bulxan
Dr. Bulxan waxa uu u mahad-naqay macalin ajenibi ah oo ka socday
Kuliyada Caafimaadka ee Kings Coll ege, dhamaan Dhakhaatiirtii
ku tacabtay ardeyda ee Caawa Madasha ka soo xaadirtay, iyo marti
shara fta.
Madaxa Kuliyada Sharciga ee Jaamacada Hargeysa Mubaarig Ibraahim Aar
oo isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Alle dabadeed waxaan u
mahad-celinayaa madaxa kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Hargeysa
Dr. Diiriye [irig] iyo Macalimiinta kuliyadaas, walaal marka aynu ka
hadlayno Caafimaad, uu ka duwan yahay culuunta kale, waa cilmiga ay
dhigtaan ardeyda ugu maskaxda badan, waa cilmiga ay qof ka ku
xidhan tahay noloshiisa iyo Geeridiisa, maanta dadka Caafimaadkeena
ku jira ma haystaan liisankii Caafimaadka hadana waxay Sameynayaan
qaliino, Sharci ahaan arrintaas waa lagu dacweyn karaa.”
“Walaalayaal Caafimaadku maaha inaad maqas qaadato, mana galo
Tijaabo, anshaxa uu leeyahay Caafi m aadku waxa ugu muhiimsan,
in aad dhageysato qofka luuqad kasta oo u kugula hadlayo, una fidiso
n axaris”ayuu yidhi Prof Mubaarig Aar.
Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo ku hadlaysay magaca aqoon-yahanka
Somaliland ahna kana shaqeysa arri mha xuquuqda bini’aadamka
oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Dad badan ayaa u
maleynayey in aan Jaamacad laga furi Karin Somaliland, waxaan aad
ugu faraxsanay inay arrintaasi beenowday, Cu sbitaalkayga Edna
Maternity Hospital, maanta waxa jooga laba dhakhtar oo ka kala yimi
Camuud Univ ersity iyo Hargeysa University Somaliland waa dal
go’aansaday inay ku noolaadaan barwaaqo, guul iyo dimuqraadiyad,
Somaliland waa dal leh aqoonyahano, Isla mar ahaantana ka fogaaday
inay ku noolaad aan qas iyo cadaalad darro,”.
Edna Aadan waxay Si weyn ugu mahad-naqaday dalkana ku soo dhaweysay
dhakhaatiirka Ka Socotay Kings Collage, iyo 17-dhakhtar ee bartay
culuumta Caafimaadka, oo shan ka mid ahi ay yihiin haween.
Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Dr. Axmed Maxamed Gaas
oo isna halkaasi ka hadlay a yaa waxa uu yidhi “Waxaan u
mahad-celinayaa hay’ada WHO iyo Kings Collage iyo ardeydii wada
dheer u soo martay guushan ay caawa haystaan, dar-daaranka aan
ardayda [Dhakhaatiirta Cusub] maanta u jeedinayaa waa hawshii maanta
ayey idiin bilaabantay, waxaan idin leeyahay bukaanka la saaxiiba,
oo wax ku barta waxna ka barta”.
Dr Gaas waxa uu u mahad-celiyey dhamaan dhakhaatiirta ka soo
qeybagalay Munaasibada, 17-kii dhak htar ee ka qalin-jabiyey
kuliyada Caafimaadka iyo dhamaan dadkii ka soo qeybgalay Xaflada.
Guddoomiyaha Dhakhaatiirta Somaliland waxa uu u soo jeediyey
Xukuummada Somaliland inay wax ba dan ka qabato Caafimaadka,
gaar ahaan meelaha aan sharci-gareysnayn ee dadka lagu daweeyo.
Dufcadii ugu horeysay ee baratay Culuunta Caafimaadka ee ka
qalin-jabisay Jaamacada Hargeysa ayaa waxay tiradoodu dhameyd
7-dhakhtar.
Source: Hadhwanaagnews
|