Dufcadii Koowaad ee ka Qalin jabisa Jaamacadda Addis Ababa Medical
College oo Maanta Xaflad Balaadhan loogu Qabtay Hargeisa.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxman Maxamed C/laahi (Cirro),
oo halkaasi hadal ko oban ka jeediyay...............
Daawo Sawiradda
Hargeisa (TNN)-Dufcadii koowaad ee ka qalin jabisa Jaamacadda Addis
Ababa Medical College ee Magaalada Hargeisa ayaa Maanta Xaflad
balaadhan loogu qabtay Hotel Crown ee Magaalada Hargeisa.
Munaasabada Qalinjabinta Ardayda ayaa waxaa ka soo qayb galay,
Madaxwayne ku Xigeenkii hore ee somaliland C/raxman Aw Cali Faarax,
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxman Cirro, Wasiirka
Caafimaadka Xuseen Xoog,Gudoomiyaha Guud ee Jaamacadda Addis ababa
Medical Colle ge Habtemo gabisa, Safiirka Ethopia u fadhiya
Somaliland Ato taye, Maamulka Jaamacadda iyo Ard ayda Jaamacaddaasi.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxman Maxamed C/laahi (Cirro)
oo halkaasi hadal k ooban ka jeediyay ayaa Hambalyo u diray Dufcadda
koowaad ee ka qalin jabisay Jaamacadda isa ga oo ku Hambalyeeyay
Dadaalka iyo samirka ay muujiyeen intii ay jaamacadda ku jireen,
gudoom iyuhu waxa uu ku dheeraaday qiimaha ay Aqoontu leedahay,
isaga oo xusay in aan Cilmi dhamaa nin, lagana waynaanin, waxa kale
oo sheegay in Diinta islaamku ina amrayso in cilmiga la wado ilaa
inta laga dhimanayo.
C/raxman Cirro waxa uu sheegay in Baahiyaha ugu Waawayn ee
Somaliland haysta ay kow ka ta hay Caafimaadku, sidaa awgeed waxa uu
ku Waaniyay ardayda soo baxaysaa in ay daboolaan baahiyahaasi, wax
wayna ku soo kordhiyaan bulshada.
Dr.Axmed Cali Maxamed oo ka mid ahaa Ardaydii ka qalin jabisay
Jaamacadda oo ku hadlayay Mag aca Ardayda, ayaa umahadnaqay
Macalimiintii Jaamacadda ee Wax soo baray iyo kaalintii ay ku l
ahaayeen Dadaalkooda, waxa kale oo uu sheegay in Maadada ay Barteen
tahay Maado qaaliya (p ublic Health) oo loo Doonan jiray Dibadaha ,
taasi ay kaga nasiib badanyihiin Arday badan oo Masa afo u gashay.
Dr.Axmed Cali Waxa uu Balan qaaday in ay Wadaniyad Muujin doonaan,
wixii ay barteena uga Fa a'iidayn doonaan Dadkooda iyo dalkooda
hooyo, isaga oo xusay inay diyaar uyihiin inay ka shaqee yaan
Cusbitaalka Guud iyo dhamaan Gobolada Dalka, Wasaaradda
Caafimaadkana Kaalin wayn ka dabooli doonaan.
Cafno Asmara oo ka mid ahaa Macalimiinta Jaamacadda ayaa isagu waano
Dheer u jeediyay arda ydii qalinjabisay, isaga oo kula dardaraamay
inay Dadka si siman oo daacadnimo ku dheehantahay u daawayn doonaan,
in ay Cusbitaalada Somaliland ka hawl gali doonaan, cid kasta oo ka
mid ah Bulshada somaliland oo baahana garab istaagi doonaan, waxaa
iyana Dhinacooda ka balan qaaday ardaydii halkaasi ka qalin jibisay
in ay Waanada Macalinkooda ka midho dhalin doonaan.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr.Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)
ayaa isagu Hambalyeeyay Dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisay
Jaamacadda Caafimaadka ee Addis ababa Medical Colle ge, waxaana uu
sheegay in Jaamacaddani ay ka mid tahay kuwa ay Wasaaradda
Caafimaadku Aqo onsantahay, isaga oo sheegay in wakhtigii hore ay u
diideen inay aqoonsadaan balse markay Cada yn Buuxda keeneen Si toos
ah Wasaaradu u Aqoonsatay, isaga oo ka digay Jaamacadaha iyo
Dugsiyada aanay Wasaaradu Aqoonsanayn in aanay isku daalin ardayda
Reer somaliland ee wax ka baranaysa.
Wasiirku waxa uu sheegay in Jaamacaddu ay Casharada Practical-ka ah
ay Cusbitaalka dawlada ku qaataan, waxaana uu kula dardaarmay in ay
Dalka ka shaqeeyaan, isaga oo xusay in Mushkilaha daha Caafimaad ee
ugu badani ay inaga haysta ay ugu wayntahay Caafimaadka Bulshadda
(Public Health).
Wasiirku waxa uu usoo jeedayay Ardayda Qalin jabisay in Cilmi
Faa,iido badan ay Barteen isla mark aana ay uga Faa,iidayn doonaa
Bulshada Reer somaliland, kaalin muglehana ka qaadan doonaan W
asaaradda Caafimaadka iyo Guud ahaan Heerka Caafimaadka somaliland.
Waxa uu aad ugu dheeraaday in ay ardaydaasi ay Bukaanka
illaaliyaan,oo ay Hiil u noqdaan wasaa rada Caafimaadka, waxa kale
oo uu aad u hambalyeeyay Ardaydii ugu Saraysay Jaamac adda oo Gabadh
ah, taasi oo uu tilmaamay Dadaalka ay muujiyeen Habluhu doorkan guud
ahaan Waxbaras hada Dalka,isaga oo Ku amaanay inay Lafdhabar u
yihiin Bulshada , Dadaalkoodana Halkaasi ka sii wadaan.
Gudoomiyaha Guud ee Jaamacaddaha Addis ababa Medical College
Mr.Habtemo gabisa iyo Safiirka itoobiya u Fadhiya Somaliland mr.
Taye ayaa Hambalyo u diray Arday Maanta ka qalin jabisay Jaam acadda,
iyaga oo ku dheeraaday Xidhiidhka ka dhexeeya Jaamacadda iyo
xukuumadda Ethopia iyo Kaalinta ay ku soo kordhin karto Heerka
Waxbarasho ee Dalka somaliland, iyaga oo ku dheeraaday in ay Dadaal
badan u galeen sidii ay Qayb uga qaadan lahaayeen Baahiyaha
Caafimaad ee somalil and.
Dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisa jaamacaddan oo ka koobnayd
14 arday, ayaa waxaa kaal inta koowaad
ka galay:
1. Nawal
Mumin Diiriye, Hargeisa.
2. Axmed Cali Maxamed,
Gabiley
3. Axmed Shucayb,
Berbera.
Wasiirka Caafimaadka somaliland iyo Mujaahid Axmed Aw Cali Faarax
ayaa Bilad Dahab ah gudoons iiyay Ardaydii ugu Saraysay Jaamacadda
oo keentay 3.6 GPA, waxaa isaga Laba Shahaado oo kala Duwan la
gudoonsiiyay Ardaygii kaalinta labaad Galay Dr.Axmed Cali Maxamed oo
keenay 3.4 GPA kaasi oo Maalin walba ka iman jiray Jaamacadda
Gobolka Gabiley.
Mustafe C/kariin Cali
(Mustafe Future)
mccfuture@hotmail.com
Timacade News Office
Hargeisa Somaliland
|