Xaflad balaadhan oo Loo Sameeyay Dufcadii ugu Horaysay ee ka Qalin Jabisa Kuliyada Culuumta bada ee Magaalada Berbera

 

Dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisay kuliyada culuumta bada ee Magaalada Berbera ayaa maanta xaflad balaadhan oo lagu maamusayo loogu qabtay xarunta kuliyada ee magaalada Berbera halkaas oo masuuliyiin kala duwan iyo marti sharaf tira badani ka qayb galeen.

Dufcada kowaad ee dhamaysatay aqoonta badaha iyo mihnada kaluumaysiga ayaa tiradoodu dhamayd 66-arday oo sida la sheegay tan iyo markii la aasasay kuliyada 2005-tii wax ku baranayay, masuuliyiintii kala duwanaa ee ka qayb galay xaflada balaadhan ee loo sameeyay qalinjabinta dufcadii u horaysay ee dhamaysatay kuliyada culuumta badda, waxaa ka mid ahaa Wasiirada waxbarashada, Kaluumaysiga, Gudoomiyaha xibiga mucaaridka ee UCID, hormoodka laba jaamacadood ee Hargaysa iyo Camuud.

Wasiirada waxbarashada Md. Xassan X. Maxamuud (Xassan Gadhweyne) iyo wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka dabiiciga ah Md. Cali Qoor Seef oo halkaa ka hadlay ayaa si wayn uga waramay qiimaha waxbarashadu leedahay, gaar ahaan culuumta bada oo aqoonteedu bulshada ku yar tahay, waxaanay aad ugu mahad naqeen masuuliyiinta iyo barayaasha kuliyada, waxaanay ardaydii ka qalin jabisay kula dardaarmeen inay sii korodhsadaan isla markaana ka faa’iidayaan.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo u hambalyeey , dhiirigaliyay ardaydii ka qalinjabisay halkaas isagoo hadalo kooban ka yidhi qaraxyadii ismiidaminta ah ee dhawaan ka dhacay caasimada hargaysa sidoo kale xusay inaan xukuumada hadda talada haysa aan laga aqbalayn shanta sano ee soo socda inay mandatkii ay u balanqaaday berbera kaliya aanu ku koobnaan kuliyadan badda iyo warshadii laydhka.


Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Maayarka Magaalda Berbera oo si wayn ugu mahadnaqay una hambalyeey maamulka kuliyada badda iyo ciddii kala qayb qaadatay horumarakan uu gaadhay gobolka saaxil tilmaamayna in ay tahay mid horumar gaadhsiin karta dhalinyarada gobolka saaxil ee qaban jirtay gobolda kale.

Marwo Faadumo Siciid oo ah Gudoomiyaha kuliyada bada oo halkaa ka hadashay ayaa ka warantay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay kuliyada baddu, waxayna aad mahad naq ugu jeedisay cid kasta kala qabqaadatay soona gaadhsiisay heerakan iyadoo oo carabaabtay jaaliyada dibada , oo ay sheegtay inay yihiin kuwii suurtagaliyay in ay manta kuliyadu soo gaadho heerkan.

Waxa kale oo iyaduna ka hadashay Marwo Canab Barre oo ah maamulka kuliyada kana mid ah gudida kuliyada badda iyo dadkii sida wayn ula shaqeeyay, waxay Marwo Canab Bare sheegtay in kuliyad ahaan ay qalbi wanaagsan iyo farxad ku sagootinayaan ardaydii hore ee dhamaysatay, isla markaana ay diyaar u yihiin inay qaataan arday cusub kuwaas oo ay heerkooda aqooneed gaadhsiin doonaaan illaa dioploma.

Waa gabagabadii halkaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ardaydii dhamaysatay aqoonta bada iyo mihnada kaluumaysiga kuwaas oo tiradooda guud dhan tahay 66 araday oo ah kuwan shahaadoyinka la gudoonsiiyay , iyagoo isugu jiray saddex qaybood oo kala ah navigation and maritime, vocational training fisheries, English language.

Ardayda ka qalin jabisay navigation oo tiradoodu dhantahay 10 arday ayaa lagudoonsiiyay higher diplomer, halka kuwa oo tiradoodu dhantahay 56 arday oo isugu jira kuwa lagudoonsiiyay shahaadada luqada English ka iyo kuwa xirfada kalumaysiga.

Ujeedada kale ee xafladan loo qabtay ayaa ahayd in kuliyada loo magacaabo jaamacada berbera , halka faculkan culuumta badana uu kamid noqon doono faculada ka baxa jaamacada.

Markii la dhameeyay xafladaas waxa uu Wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka baddaha Somaliland Md. Cali Maxamed Qoor-seex uu xadhiga ka jaray laberaray ay habaytiisa iyo qalabayntiisaba ay lahaayeen uruka wadinga ah ee saredo ,oo halkaa waxqabadkoodii kusoo bandhigay, ugu dambayntii wuxuu wasirku dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu soo kordhin dooono jaamacada berbera
 


Harawo