Duco iyo quri caaradiibee, wadaadadi ku daaleen dheh

 



Ummad yahay tiraa kaa gadmane, wax isku geegeyso.
Hamud Duale

"Ma og tihiin magaalada Muqdisheenu joognaa, jidka muuqa dheerlee, mako loogu magac daray, ma miliicdeen weli, mana jidhiidhicootoon", waa ereyadii Cusmaan Adan Askari.
Heestaa wuxuu tiriyey mar jidkaa la dhamaystiray oo la manaafacaasanayey. Abwaanku dadweynaha wuu beer qaaday xilligaa. Dhab baanay ka ahayd oo jidku wuu dhamaystirn aa, Riyaaqa dadweynuhuna dhab ayuu ahaa oo ishoodaa ayaa u macallin ahayd. Laakiin waxaa iswaayey dhismihii jidka iyo dhagartii laga galay garaadka iyo maamul dawladee dkii kacaankii barakaysnaa.
Maanta Somaliland waxaa loo riyaaqayaa oo loo heesayaa jidad aan dhisnayn oo la leey ahay waa la dhagax dhigay iyo dekado. Weliba kaaga sii darane, waxaa lagu leeyahay qa sab ku balwee, haddii kale mucaarid baad tahay horumarka ka soo horjeeda. Cajiib.
Aakhirkii, Yusuf Xaaji Adan, waa Cusman Adan Askari walaalkiiye, markii ay garkaa iyo ga rkaa geesna qaban weydey, ee ay dhaharate, ayaa Yidhi: "Dib u soco, hore soco iyo diba u soco, darandoori Jaanqaad, la da' weeyi taagnoo, maxaa daal la kororsaday". Waxaan leeyahay maanta alla maxaa daal iyo qaadhaan la kororsaday, oo garaad iyo maamul da wladeed laga haajire.
Hadraawina wuxuu yidhi, mar danbe: "Ummad yahay tiraa kaa gamane wax isku geegey so."
Wacdin nooma laabnee, Kulmiye walfe shaydaan.
HGaddaba Ummad yahay markay arkaan dad badani maamul xumada iyo kufsiga di9muqr aadiyada, waxay miciin moodaana kitaab ciilan iyo qori caaradii. Waa waxay Duco iyo qori caaradii wadaadii ugu daaleen.