Ducada iyo Tala saarashada Alle (Tawakulidda Alle)

 

Bisha barakaysan ee Ramadaan waa in aan fadligeeda la iska dayicin ee Quraanka iyo digriga iyo ducada la badiyaa,oo carrabka lagu nooleeyaa tasbiixda iyo ducada oo Alle laga filayaa lagana rajeyaa inuu aqbalo.


Waxa Alle subxaana watacaalaa,Addoomadiisa ugu deeqay in haddii ay baryaan oo duco weydiistaan,uu ka aqbalo oo siiyo ducadaas,waxa ducada Addoonku Illaahiis ka dalbado ay noqotaa saddex midkood:in Alle markiiba siiyo ducadii uu dalbaday Addoonkiisu iyo in Alle kaga badbaadiyo Addoonkaa dhib ama masiibo ku dhici lahayd oo ku soo fool lahayd,ama ducadaa dib ayaa loogu dhigaa oo mar danbe ayaa la siiyaa:
وقال ربّكم أدعوني استجب لكم(غافر)
Aayadda:waxa Rabbigiin yidhi i weydiista duco waa idinka ajiibayaa,oo waan idinka aqbalayaaye.


Waxa Alle siiyey Addoomadiisa deeq aan dhamaanayn oo ah in ay weydiisstaan duco mar kasta,Allena waa ka aqbalayaa oo ka ajiibayaa ducadaas ay weydiisteen:
وإذا سألك عبادي عنّي فإنّي قريب أجيب دعوة الدّاع إذا دعان فليستجيبوا لي وليؤمنوا بي لعلهم يرشدون(البقرة)
Aayadda:haddii ay Addoomadaydu i kaa weydiiyaan waxa Aan ahay mid u dhow,oo aqbala ducada qofka ducaysanaya hadduu i weydiisto,ha iga dalbeen ducadooda oo ha i rumeeyeen waxa la arkaa in ay hanuunaane.
Waxa lagu ducaysto waxa ka mid ah magacyada Alle ee 99 ka ah,oo inta la akhriyo ayaa la dalbadaa waxa aad Alle ka doonaysid in uu ku siiyo:
ولله الأسماء الحسنى فادعوه بها(الأعراف)
Aayadda:Alle waxa u sugnaaday oo uu leeyahay Magacyada wanaagsan,ee Asmaa'ul xusnaa ee ku ducaysta.


Illaahay waa ka qofka dhibaataysan marka uu Alle baryo ka fayda dhibta,ee ka aqbala ducada Addoonkiisa dhibaataysan,cid kale ha baryin ee Alle bari wuu kaa aqbalaya'e:
أمّن يجيب المضطرّ إذا دعاهُ ويكشف السّوء ويجعلكم خلفاء الأرض ءإلـه مع الله قليلا ما يذكّرون(النمل)
Aayadda:ayaa ajiiba oo ka aqbala ducada ka dhibaataysan marka uu ducaysto,oo ka fayda dhibta oo ka dhiga kuwa dhulka maamulkiisa leh,ma waxa jira Illaah kale oo aan Alle ahayn oo Alle weheliya,inyar ayaa waana qaadanaysa.
Alle Isagaa korreeyee,qofkii duco weydiista oo denbi dhaaf weydiista wuu aqbalaa:
ربّنا فاغفر لنا ذنوبنا وكفر عنّا سيآتنا وتوفنا مع الأبرار ربّنا وءاتنا ما وعدتّنا على رسلك ولا تخزنا يوم القيامة إنّك لا تخلف الميعاد فاستجاب لهم ربّهم إنّي لا أضيع عمل عامل منكم من ذكر أو أنثى(العمران)
Aayadda:Rabbigayow dunuubtayada dhaaf oo xumahayaga qari oo dabool,oo nala oofso kuwa wanaagsan ee abraarta ah,Rabbigayow na sii waxa Aad noo ballan qaaday ee Rusushaada u sheegtay,oo ha na hoojin maalinta Qiyaamaha Adigu ma jebisid ballanta'e,Rabbigood waa ka ajiibay oo waxa uu yidhi:Anigu dayici maayo camalka midkiinna ama lab ha ahaado ama dheddige.
Sidaas waxa laga rabaa in Addoon kasti uu badiyo ducada uu Alle weydiisanayo,oo aanu ka daalin marnaba.


Quraanka kariimka ahi waxa uu inoo sheegay in Anbiyo badani ay Alle ducooyin kala geddisan weydiisteen,oo Alle mid kasta ka aqbalay oo siiyey dalabkiisii:
Nebi Aadan calayhi salaam iyo ducadiisii:
فتلقى ءادم من ربّه كلمات فتاب عليه إنّه هو التّواب الرّحيم(البقرة)
Aayadda:waxa uu Aadan u gudbiyey oo kula kulmay Rabbigii denbi dhaaf dalbasho, ka dib Alle waa u denbi dhaafay,oo Alle waa denbi dhaafe Raxiim ah.
Nebi Nuux calayhi salaam iyo ducadiisii uu Alle weydiistey:
ونوحًا إذ نادى من قبل فاستجبنا له فنجّيناه وأهله من الكرب العظيم ونصرناه من القوم الّذين كذبوا بأياتنا إنّهم كانوا قوم سوءٍ فأغرقناهم أجمعين(الأنبياء)
Aayadda:Nuux markuu mar horreysey u yeedhay ee ducaystay Waannu ka ajiibnay, oo isaga iyo Ehelkiisaba Waxannu ka badbaadinnay dhibtii weyneyd,oo waxa Aannu uga gargaarnay Qowmkii beeniyey Aayadahayaga,waxa ay ahaayeen Qowm xun oo dhamaantood Waannu qarraqnay.


Nebi Ayuub calayhi salaam iyo ducadiisii:
Nebi Ayuub waxa uu xanuunsanayey muddo ah 17 sannadood dabadeed wuu ducaystay,oo Alle ayuu weydiistay in uu ka dulqaado xanuunka oo begsiiyo:
وأيوب إذ نادى ربّه أنّي مّسني الضّرّ وأنت أرحم الرّاحمين فاستجبنا له فكشفنا ما به من ضرّ وءاتيناه أهله ومثلهم معهم رحمة من عندنا وذكرى للعابدين(الأنبياء)
Aayadda:Ayuub markii uu Rabbigiis u dhawaaqay(isaga oo ducaysanaya):waxa i helay dhib(xanuun) Adiga ayaana ah ka ugu naxariis badan cid naxariisata,ka dib Ayaannu ka ajiibnay oo ka dulqaadnay dhibtii uu ku sugnaa,oo siinnay Ehelkiisii iyo intii la jirtayba raxmaddayada,hanuun iyo waano qaadashona waxay u tahay kuwa Alle caabudaya.
Nebi Yuunis calayhi salaam iyo ducadiisii:


Nebi Yuunis oo magaca kale ee loo yaqaannaa yahay Da'nuun ama Saaxibul xuut, ayaa inta uu cadhooday waxa uu raacay Doonni,dabadeed waxa iyadoo doontii ay badda dhexe marayso laga baqay culayskii dadka in doontu degto,markaa waa in culayska laga dhimo oo dadka saran qaar laga daadiyo doonta,ka dib waa loo qori tuuray waxay qori tuurkii ku dhacay Nebi Yuunis ilaa saddex goor,ka dib waxa lagu tuuray baddii waxa laqay Nibiri(Xuud),ka dib Nebi Yuunis waxa uu ku hoos ducaystey calooshii xuudka markaas ayaa Alle ka aqbalay,oo badbaadiyey:


وذا النّون إذ ذهب مغاضبًا فظنّ أن لن نقدر عليه فنادى في الظّلمات أن لا إلـه إلا أنت سبحانك إنّي كنت من الظالمين فاستجنا له ونجيناه من الغم وكذالك ننجي المؤمنين(الأنبياء)
Aayadda:Da'nuun waqtigii uu tegey isaga oo cadhaysan oo u maleeyey in Aannaan awoodin oo uu naga baxsan karo,waxa uu ka dhawaaqay mugdi hoostii:Adiga mooyee Illaah kale ma jiro Adiga ayaa nasahan Allow waxa aan ahaa mid ka mid ah daallimiinta,markaas Ayaannu ka ajiibnay oo ka badbaadinney dhibtii,oo sidaas Ayaannu u badbaadinnaa Muuniniinta.


Nebi Ibraahim calayhi salaam iyo ducadiisii:
Nebi Ibraahim waxa uu yimi Maka oo waqtigaa aan dhir iyo doog lahayn,ka dib waxa uu Alle ka dalbay in uu dhulka u barwaaqeeyo oo dadku ku soo bataan:
ربّنا إنّي أسكنت من ذرّيتي بوادٍ غير ذي زرع عند بيتك المحرم ربّنا ليقيموا الصّلاة فاجعل أفئدة من النّاس تهوي إليهم وارزقهم من الثمرات لعلهم يشكرون(إبراهيم)
Aayadda:Rabbigayow waxa aan dejiyey durriyadaydii waadi aan sarac iyo doog lahayn ee beeytkaaga(Maka)muxaramka ah,Rabbiyow si ay salaadda u oogaan ka yeel meel kooxo dad ahi yimaaddaan,oo u soo xiisoodaan oo ku irsaaq midho waxa la arkaa in ay shukri naqaane.


Nebi Ibraahin waxa uu Alle ka baryayaa in uu siiyo oo u hibeeo Ubad wanaagsan:
ربّ هب لي من الصّالحين فبشرناه بغلام حليم(الصّافات)
Aayadda:Rabbiyow ii hibee,oo i sii saalixiinta wanwanaagsan mid ka mid ah, markaas ayaannu ugu bushaarayney wiil dulqaad badan.
Nebi Yuusuf calayhi salaam iyo ducadiisii:


ربّ قد ءاتيتني من الملك وعلّمتني من تأويل الأحاديث فاطر السّماوات والأرض أنت ولييّ في الدّنيا والأخرة توفني مسلمًا وألحقني بالصّالحين(يوسف)
Aayadda:Rabbiyow xaqiiqadii waxa aad i siisay mulki oo waxa aad i bartay sida loo awilo ee loo fasiro riyooyinka,ka abuuray Samooyinka iyo Arladow Adiga ayaa ah weligayga ila jira Adduunka iyo Aakhiroba ee i oofso aniga oo Muslin ah,oo i haleeshii kuwa saalixiinta ah.
Nebi Daa'uud calayhi salaam iyo ducadiisii:
وظنّ داود أنّما فتنّاه فاستغفر ربّه وخرّ راكعًا وأناب فغفرنا له ذالك وإنّ له عندنا لزلفى وحسن ماءب(ص)
Aayadda:waxa uu u maleeyey Daa'uud in Aannu fidnaynay,markaas ayuu denbi dhaaf dalbaday oo Alle isagoo khushuucsan u rukuucay oo soo noqday,markaas Ayaannu u denbi dhaafnay oo isagu waa mid xaggayaga ka leh dhowaansho,iyo meel wanaagsan oo uu u soo noqon doono.
Nebi Sulaymaan calayhi salaam iyo ducadiisii:
قال ربّ اغفر لى وهب لي ملكًا لا ينبغي لأحد من بعدي إنّك أنت الوهاب فسخّرنا له الرّيح تجري بأمره رخاءً حيث أصاب والشيّاطين كلّ بنّاءٍ وغواص وءاخرين مقرنين في الأصفادهذا عطائنا فامنن أو أمسك بغير حساب وإنّ له عندنا لزلفى وحسن مأءب(ص)


Aayadda:waxa uu(Nebi Sulayman)yidhi:Rabbiyow ii denbi dhaaf oo ii hibee, o i sii mulki Aannad siinnin cid iga danbaysa Adiga ayaa ah Wahaab oo wax hibeeya'e, markaas Ayaannu u sakhirnay Dabaysha oo ku soconaysa amarkiisa,oo uu meeshuu doono dhib yari ugu diri karayo iyo Shayaadiinta oo mid kasta oo quusidda badiya iyo dhismaha waa loo sakhiray iyo kuwo kale oo silsilado ku xidhan,taasi waa deeqdayada sii ama u diid ciddii aad doonto xisaab la'aan,oo agtayada waa mid la soo dhoweeyey oo noo dhow,oo ay wanaagsanaatay meesha uu u noqon doonaa.
Nebi Sulaymaan calayhi salaam iyo ducadiisii kale:


ربّ أوزعني أن أشكر نعمتي الّتي أنعمت عليّ وعلى والديّ وأن أعمل صالحّا ترضاه وأدخلني برحمتك في عبادك الصّالحين(النمل)
Aayadda:Rabbiyow igu kaalmee in aan nicmadaada aad igu nimcaysay ku shukri naqo iyo ta Aad waalidkayga siisay,oo igu taageer in aan camal wanaagsan oo aad ka raalli tahay sameeyo,oo raxmaddaada igaga dhig mid ka mid ah Addoomadaada saalixiinta ah.
Nebi Sekeriye calayhi salaam iyo ducadiisii:


Nebi Sekeriye waxa uu gaadhay da' isagoo aan wax carruur ah dhalin,ka dib ayuu Alle ka dalbay oo weydiistay in uu siiyo ubad:
وزكريا إذ نادى ربّه ربّ لا تذرني فردًا وأنت خير الوارثين فاستجبنا له ووهبنا له يحيى وأصلحنا له زوجه إنّهم كانوا يسارعون في الخيرات ويدعوننا رغبًا ورهبًا وكانوا لنا خاشعين(الأنبياء)
Aayadda:Sekeriye waqti uu u dhawaaqay Rabbigii:Rabbigayow ha iga dhigin goblan,Adiga ayaa u khayr badan cid wax dhaxasha'e,ka dib Waannu ka ajiibney oo waxa Aannu u hibeynay Yaxye,oo waxa Aannu u islaaxinnay xaaskiisii oo ka dhignay mid wax dhali karta,waxa ay ahaayeen kuwo u degdega khayraadka oo na xusa oo na caabuda doonistooda iyo cabsi darteedba,oo waxa ay ahaayeen kuwo noo khushuuca.
Nebi Muuse calayhi salaam iyo ducadiisii:


قال ربّ اشرح لي صدري ويسر لي أمري واحلل عقدة من لساني يفقهوا قولي واجعل لي وزيرًا من أهلي هارون أخي أشدد به أزري وأشركه في أمري كي نسبّحك كثيرًا ونذكرك كثيرًا إنّك كنت بنا بصيرًا قال قد أوتيت سؤلك يا موسى(طه)
Aayadda:(Nebi Muuse)waxa uu yidhi:Rabbiyow ii fur oo ii fidi laabta iyo sadriga,oo ii sahal arrinkayga oo carrabkaayga guntinta ka fur si loo fahmo hadalkayga,oo Ehelkayga wasiir iiga samee oo walaalkay Haaruun ka dhig oo cududayda ku adkee, oo amarka ila wadaaji si aannu in fara badan kuugu tasbiixsanno oo kuu xusno in badan Allow Adigu waad na aragtaaye,Alle ayaa ku yidhi:xaqiiqdii waa lagu siiyey waxaad dalbatay Muusow.
Nebi Ciise calayhi salaam iyo ducadiisii:


قال عيسى ابن مريم اللهمّ أنزل علينا مائدة من السّماء تكون لنا عيدًا لأولنا وءاخرنا وءاية منك وارزقنا وأنت خير الرّازقين قال الله إنّي منزّلها عليكم فمن يكفر بعد منكم فإنّي أعذبه عذابًا لا أعذبه أحدًا من العالمين(المائدة)
Aayadda:Ciise Ibnu Maryam ayaa yidhi:Allahayow nooga soo deji Samada xeedho noo noqota ciid kuwayagii hore iyo kuwayaga danbeba,oo noo noqota Aayad xaggaaga ka sugnaatay oo nagu irsaaq Adiga ayaa ugu khayr badan cid wax arsaaqda. Alle waxa uu yidhi:waan idiin soo dejinayaa ciddii gaalowda arrinkaa ka dib,ee idinka mid ah waxa aan cadaabayaa cadaab aanan cadaabin qof caalamiinta ka mid ah.


Waxa aynu soo qaadanay dhawr ka mid ah Anbiyada Alle oo duco weydiistey Alle,oo Alle ka aqbalay ducadoodii siiyeyna wixii ay dalbadeen,Nebi Maxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,isagu ducadiisa waxa uu u dib dhigtay maalinta adag ee Qiyaamaha,oo uu Alla weydiisan doono in uu u shafeeco qaado ummaddiisa taas oo Alle ka aqbali doono,Alle ha innaga dhigo kuwa shafeecada Rasuulka hela Aamin.


قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:" لكل نبي دعوة مستجابة, فتعجل كل نبي دعوته, واني اختبأت دعوتي شفاعة لأمتي, وهي نائلة من مات منهم لا يشرك بالله شيئا".
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: Nebi kasta ducadiisu waa mustajaabo oo waa la aqbalaa,Nebi kastina ducadiisii Alle wuu weydiistay oo waa la degdegay,aniguna waxa aan u qariyey ducadaydii si aan Ummaddayda ugu shafeeco,waxana helaya qof kasta oo dhinta isaga oo Alle aan waxba ugu shariig yeelaynin.


Waxa mudan oo fiican in qofku aanu ducaysan oo keliya marka ay dhibi ku timaaddo, ee uu mar kasta ducayso waqti nimco iyo waqti kaleba:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"من سرّه أن يستجيب الله تعالى له عند الشدائد فليكثر الدّعاء في الرخاء"
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: qofka doonaya ee jecel in Alle ducadsa ajiibo oo ka aqbalo marka dhibtu jirto ha badiyo ducada intuu nimcada iyo barwaaqada ku jiro.


Saddex qof ducadooda lama celiyo ee waa la aqbalaa,oo Alle wuu siiyaa oo waa:
Iimaamka ama Suldaanka caadilka ah,iyo qofka la dulmiyey ee madluumka ah,iyo qofka sooman marka uu afurayo.
Ducooyinka ugu aqbalidda badani waa kuwa saqda dhexe la ducaysto,iyo kuwa salaadaha faralka ah marka la dhamaysto la ducaysto:


عن أبي أمامة قال:قيل يا رسول الله أيّ الدّعاء أسمع؟ قال:"جوف الّيل الأخر ودبر الصّلاة المكتوبة"
Xadiiska:Abi Umaama ayaa yidhi:waxa la yidhi Rasuul Allow ducadee ayaa loogu aqbali ogyahay?,waxa uu yidhi Rasuulku ducada saqda(badhtanka) dhexe,ee habeenkii,iyo salaadaha waajibka ah ee faralka ah dabadooda.


Sidoo kale ducooyinka aadka u qiimaha badan ee hore loo aqbalo waxa ka mid ah, ducada aad qof kaa maqan u ducayso ama ha fogaado,ama ha dhowaadee:
عن أبي داود والترمدي:أنّ النّبي صلى الله عليه وسلّم قال:"أسرع الدّعاء إجابة دعوة غائب لغائب"
Xadiiska:waxa Abu Daa'uud iyo Tarmidi laga weriyey in Nebigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yidhi:ducada loogu hor aqbali ogyahay waa ta laba kala maqani isu duceeyaan.


Walaalaha Muslimiintu way isu duceeyaan iyagoo kala maqan iyo iyagoo isla joogaba,sidoo kale walaalihii Muslimiinta ahaa ee ka horreeyey way u duceeyaan,oo waxa ay Alle u weydiiyaan in uu denbi dhaaf iyo raxmaddiisa siiyo:
والّذين جاءوا من بعدهم يقولون ربّنا أغفر لنا ولإخواننا الّذين سبقونا بالإيمان ولا تجعل في قلوبنا غلا للّذين ءامنوا ربّنا إنّك رووف رّحيم(الحشر)


Aayadda:kuwii ka dambeeyey ee gadaashooda yimi ayaa odhanaya:Rabbigayow noo denbi dhaaf annaga iyo walaalahaygii nooga horreeyey iimaanka,oo ha ka yeelin qalbiyadayada kuwo ka xidhan,oo ka maqan kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey, Rabbigayow Adigu waxa aad tahay mid Ra'uuf ah,oo naxariis badan.


Markasta Illaahay weydiiso khayr iyo in xalaashiisa uu kaaga dhigo mid aad kaga kaaftoonto xaaraanta oo dhan,oo cid aan Alle ahayn waxba ha ka sugin:
اللهمّ أكفني بحلالك عن حرامك،وأغنني بفضلك عمن سواك.
Ducada:Allow xalaashaada igaga kaafi xaaraanta oo fadligaaga igaga dhig qani ka maarma dadka kaloo dhan adiga mooyee.


Qofka Muslinka ahi waa in uu Alle weydiistaa khayr iyo wanaag If iyo Aakhiroba ah:
ومنهم من يقول ربّنا ءاتنا في الدّنيا حسنة وفي الأخرة حسنة وقنا عذاب النّار(البقرة)
Aayadda:waxa dadka ka mid ah mid odhanaya:Rabbigayow na sii Adduunka iyo Aakhiroba xasano iyo wanaag oo naga ilaali Cadaabka Naarta.


Waxa qofku Alle ugu dhow yahay marka uu salaadda ku jiro ee uu sujuudsan yahay, haddaba waa in uu waqtigaa qaaliga ah ducada badsadaa oo Alle baryaa,waxa aynu wada ognahay in salaadda marka aad gudanayso aad Eebbe hor joogto,oo keligii ku xidhan tahay oo la munaajoonaysid,waxa loo baahan yahay in aad khushuuc iyo iimaan buuxa la timaaddid,marka aad salaadda dhamaysatona duco naftaada ah iyo dadka Muslimiinta oo dhan ah aad Alle weydiisato oo ka barido,insha Alle waa la aqbalayaaye.
Waa in qofka Muslinka ahi talosaarto Allihii,oo isagu dadaal iyo hawlgal uu la yimaaddaa:
خذ الأسباب وتوكل على الله.


Cibaarada:Sababta la kaalay,oo Alle talada u daa oo talosaaro.
Waana in qof walba oo Muslin ahi ogaadaa in wax loo qoray mooyee aan wax kale ku dhacayn oo helayn,lana kulmaynin:
قل لن يصيبنا إلا ما كتب الله لنا هو مولانا وعلى الله فليتكل المؤمنون(التّوبة)
Aayadda:dheh(Nebi Allow)nama helayso oo nagu dhici mayso wax Alle noo qoray mooyee wax kale,Isaga ayaa mawlahayaga ah oo nala jira ee Muuminiintu Alle ha talasaarteen oo ha tawakaleen.


Alle Isaga ayaa korreeyee,Isaga oo sifaynaya Muuminiinta dhabta ah ayuu yidhi:
إنّما المؤمنون الّذين إذا ذكر الله وجلت قلوبهم وإذا تليت عليم ءاياته زادته إيمانًا وعلى ربّهم يتوكلون الّذين يقيمون الصّلاة وممّا رزقناهم ينفقون أولئك هم المؤمنون حقًّا لهم درجات عند ربّهم ومغفرة ورزق كريم (الأنفال)
Aayadda:Muuminiintu waa kuwa haddii Alle la sheego ee la soo qaado magaciisa ay qalbiyadoodu khushuucaan,oo haddii la akhriyo Aayadahiisa ay u siyaadiso iimaan, oo waa kuwa Rabbigood talasaarta waana kuwa ooga salaadda ee bixiya waxa Aannu ku arsaaqnay,kuwaasi waa Muuminiinta xaqa ah ee dhabta ah waxa ay Rabbigood agtiisa ku leeyihiin derejooyin iyo denbi dhaaf iyo risqi wanaagsan.
Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasalam,talasaarashada Eebbe ayuu sifeeyey:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"لو أنّكم توكلون على الله حقّ توكله،لرزقكم كما يرزق الطّير،تغدو خماصًا، وتعود بطانًا"


Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: haddii aad Alle u talasaarataan si sax ah oo dhab ah waxa uu idiin arsaaqayaa sida uu shimbiraha u irsaaqo(Aroortii)way dareeraan iyagoo calooshu madhan tahay oo gaajoonaya,oo waxa ay soo noqdaan iyada oo calooshu buuxdo oo dheregsan.
Illaahay waxa uu inoo sheegay laba sifo oo haddii ay Muuminiintu ku sifoobaan ay helayaan irsaaqad aanay filanaynin iyo in Alle kafaale qaadanayo,waa cabsida iyo talosaarashada Alle:


ومن يتق الله يجعل له مخرجا وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُ(الطلاق)
Aayadda:Qofka Alle ka baqa ee ka cabsada waxa Alle u furaa dariiqyada,oo waxa uu ka irsaaqaa meelo aanu ka flaynin,kii Alla talosaartana Alle Isagaa ku filan oo kafaalo qaadanayo.
Ducada Eebbe weydii
Dadaalkana irmaanee
Dalbo kheyrka idilkii
Deriskaaga qayb sii
Dadka horumarkiisiyo
Dalku inuu nabdoonaan
Daacadnimo ku hawlgalo
Dastuur lagu dhaqaajiyo
Dulmi laga fogaadoba
Daayinkaa u tuugoo
Ducadu yaanay gaabinin
Dawo inay timaadoo
Dadku wada samaadoo
Diintu dhaqn ahaatoo
Daruuruhu curtaanoo
Duunyadu samaatoo
Doogga ay helaanoo
Durdur caanohoodiyo
Duxda subaggu badatoo
Diiftana la reeboo
Dugsiyada waxbarashadu
Dug kastaba ahaadaan
Daalacashadu badatoo
La durduurto cilmigii
Ducada inoogu dara'oo
Dunidaa cajiibka ah
Daymo feker la raacshoo
Daayin uun la tuugoo
Daarna laga diyaarsado
Danbaysada Aakhiro
Duco aan dhamaanayn
Dadaalkuna halkiisii
Debec waxad helaysaa
Danta aad jamanaysee
Dalbo oo haddana dalab
Daal yaanu kuu iman
Docdiisaa nin laga yidhi
Dersi Rasuulka sheegaya
Ducadiyo ku salligii
Dayac kay ku dhaaftaa
Deeqsinimo ka dheeroo
Dullinimuu ku caanbaxay
Digtoonaanta maaloo
Dareenkaaga noolee
Degdeg hawsha mudaniyo
Dibu dhigga middii leba
Deji hawleheedoo
Debecsani u fuliyoo
Ducaysoo talada sii
Daayin Eebbahaagoo
Durdurrada wanaagiyo
Dahabkaa ku noolow
Ducadu waa ma dhaafaan
Ducadu waa ma dhaafaan
Ducadu waa ma dhaafaan.
Alle ha innaga dhigo kuwii talosaarta Isaga keliya,ducooyinkeennana ha ka yeelo kuwo la ajiibo oo la aqbalo.
 

 

 

 

Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w