Drs Edna Aadan Ismaciil oo la kulantay qaar ka mid ah Baarlamaanka Dalkan Ingiriiska oo saaxiibo la ah Somaliland


 


London (TNN)-Drs Edna Aadan Ismaaciil oo booqasho kujoogta Dalkan Ingiriiska waxa ay la kulantay qaar ka mid ah Barlamaanka Ingiriiska waxayna kala hadashay sidii Dalkan Ingiriisku uu u ictiraafi lahaa Jamuuriyada Somaliland. Waxa kale oo ay sheegtay in ay tahay muhiim inuu dawlada Ingiriisku hogaanka u qabato horumarka iyo Ictiraafka Somaliland. Adna waxa ay u sheegtay in dawladaha kale ay isha ku hayaan Ingiriiska oo hadii Ingiriisku uu ictiraafo ay dhacayso inay iyaguna talaabadaas oo kale qadaan.

Waxa madaxdii ay la kulantay ee ka tirsanaa aqalka Ingiriisku ay ku amaaneen Adna horuma rka weyn ee ay sameysay ee xaga caafimaadka iyo waxbarashada sidoo kale waxa ay mada xdii ay la kulantay ee ka tirsanaa aqalka barlamaanka Ingiriisku sheegeen in ay tahay wakh tigii Dalkan Ingiriisku uu ku dhawaaqi lahaa madaxbanaanida iyo jiritanka Somaliland . Sida soo kale oo ay sheegeen in Somaliland ay u qalanto in la ictiraafo in badan ayey waxsoo qabsanayeen oo waxa ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.

Adna Waxa safar kusoo martay dalkan Switzerland oo ayqayb gashay shirweyne ayna ka jeedisay khudbad dheer oo ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa horumarka xaga caafim aadka Haweenka ee dalalka horumaray.


Waxa ka mid ahaa dadkii ay Dr Adna Aadan kula kulantay aqalka Barlamaanka Ingiriiska.

CBE Jeremy Carver
MP Alun Michael
Len Tiahlo Ahmed
 

 


Xamse Axmed Salaan
London
hamse100@gmail.com