Weftiga Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland oo la ku lmay culimada madaxda ka ah Jaamacadda Al-azhar ee Qaahira, Masar

 

 

Qahira (TNN) :- Wefdigii u hogaaminaayay Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL Dr. Sacad Ali Shire ay aa la kulmay Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Al-azhar Sh. Dr. Abas Shomaan, Magaalada Qaahira. Xarunta Jamacadda Al-Azhar ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay wasiirka iyo Sara akiishii ku weheliyay weftigiisa safarkan shaqo.

Wasiirka Arrimaha Debadda JSL Dr. Sacad Cali Shire wuxuu ugu horayn uga mahad celiyay She ekha soo dhawaynta wanaagsan ee uu u fidiyay weftiga, waxanu si qoto dheer uga hadlay xid hiidh taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Al-azhar. Wasiirku wuxu u sheegay in Al-azh ar ay gacanta ku hayn jirtay iskuulka Burco ee Jamaal Cabdi Nasir isla markaana ay Somaliland ka codsanayso Al-azhar in ay dib u soo celiso xidhiidhkii ay la lahayd Somaliland ee xagga waxb arashada Diinta iyo inay deeqo waxbarasho u fidiso Somaliland.

Sh. Dr. Abbas Shomaan ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay dalabka Wasiirka, waxanu hoosta ka xarriiqay in Al-azhar ay diyaar u tahay inay ka taageeraan Somaliland Dugsigaas Burco ee Jamaal Cabdinaasir gaar ahaan xagga manhajka Al-azhar, macalimiinta iyo maamulka dugsiga intaba.


Waxa kaloo Sh. Dr. Abas Shomaan u ballanqaaday Somaliland in Al-azhar ay tababaro u fidin do onto imaamyada masaajidda Somaliland, isla markaana ay usoo diraan Somaliland culimo takhas us ku ah xagga dacwadda diiniga ah oo muxaadarooyin ka jeediya masaajiidda Somaliland.
Sidoo kale, waxa kulankaas lagaga wada hadlay in Al-azhar ay usoo dirto Somaliland Khubaro Culimo ah oo qiimeyn ku sameeya Imaamyada masaajiidda iyo in Al-azhar ka taageerto Somalil and xagga talo bixinta masaaisha diiniga ah sida nidaamka bangiyada ee islaamiga ah (Islamic banking system).

 


Source: Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation of Somaliland