Dr Maxamed-Rashiid Oo Sheegay In Isbedelka Ku Yimid Wad am ada Cara btu Uu S/land U Horseedi Doono Xidhiidh Fiican Oo Dhex Mara

 

“Carab-tu hadii ay arkaan Ingiriiska iyo Faransiiska oo ina ictiraafay waxay mari doo na an wadada reer Galbeedku jeexay oo saamayn wayn...” Dr. Maxamed Rashiid Waraysi Khaas Ah

Hargeysa, April 7, 2011 (TNN) - La Taliyaha Madaxwaynaha Ee Amuuraha Caalamiga iyo ictiraaf raadinta Somaliland Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, isla markaana ahaa mus haraxii madaxwayne ku xigeenka ee xisbiga UCID ee doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii June 2010-kii ayaa si qoto dheer uga hadlay kacdoonada  wadama da carabta iyo halka ay salka ku hayaan, kaas oo sheegay inay tahay arrimo xaga  taarii khda ah, kuwaas oo u tilmaamay inay sababeen in mar kaliya talada laga tuuro qaar ka mid ah madaxwaynayaashii ugu tunka weynaa dunida carabta.

Dr. Maxamed Rashiid ayaa waxa uu iftiimiyey inay kacdoonadaasi ku yimaadeen cabudhin badan oo shacbiga wadamadaas lagu hayey muddo aad u dheer, isla markaana waxa ka qayb qaatay banaan baxyada ay la yimaadeen shacbiga carabtu ka dib markii xoriyatul qawlkii meesha ka baxay.

La Taliyaha Madaxwaynaha Somalialnd Ee Amuuraha Caalamiga iyo ictiraaf raadinta Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan ayaa waxa uu tilmaamay inay kacdoonada wadamada carabta ka socdaa ay saamayn fiican ku yeelan doonaan mustaqbalka dhaw Somaliland, waxaanu sheegay inay macquul tahay in madaxda cusub ee wadamada carabtu ay  Soma liland danayn doonaan inay xidhiidh dhaw la yeeshaan, isla markaana ay ka leexdaan siy aasadihii ay aamin-sanaayeen madaxdii ka horaysay iyaga.

Dr. Maxamed Rashiid waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay galab wargeyska Haatuf waraysi khaas ah khadka Telefoonka ku siiyey, isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa, waxaanu waraysigaasi sidoo kale kaga hadlay arimo ku saabsan gudida uu ka midka yahay ee uu madaxwaynuhu u magacaabay ka soo talo bixinta ururada siyaasada, ugu horayna isaga oo ka hadlaya kacdoonada dunida carabta, waxa uu yidhi “Kacaanada ka dhacayay mudooyinkan danbe wadamada carabtu waxay salka ku hayaan amuuro xaga taariikhda ah inkasta oo ay wadamadaasi ku kala duwan yihiin, laakiin hadii aynu ka soo bilawnay wixii ka danbeeyey dagaalkii 2-aad ee aduunka carabta oo wixii intaa ka danbeeyey xoriyadoodii helay inta badani, waxa wadamo badan oo dawladaha carabta ah guumaysanayey isticmaarkii, tusaale haddii aan kaaga soo qaado Tunisia oo kale waxa guumaystay Faransiiska, Masar oo kale inkasta oo ay dawlad lahayd oo ay maamul shaqaynayay ka jiray oo ay xor ahayd hadana Ingiriiska ayaa awood badan ku lahaa oo u talinayey haday noqon lahayd Marinka Suez Canal-ka, kaas oo siyaasadooda iyo dhaqaalahoodaba saamayn weyn ku lahaa, Yemen oo kale waxa ay kala ahayd laba wadan oo ay caasimado u kala ahaayeen Cadan iyo Sanca inkasta oo ay iyagana xaga Sanca ay boqortooyo gabawday jirtay hadana Ingiriiska ayaa guumaysan jiray oo awood badan ku lahaa, markaa wadamadaas oo dhami dagaalkii labaad ee aduunka ka dib ayey xornimadoodii heleen, markaa ay xornimada qaateen wadamada carabta oo dhami midna kamay hirgalin nidaamka reer galbeedku gadhwadeenka ka yihiin ee Dimuqraadiyadu oo wadan walba waxa qabsaday nin ama Caa’ilad ayaa qabsatay, kuwaas oo shacbigoodii ku noqday caqabad aan la dhaafi karin. Masar oo kale ninkii awooda badnaa ee Jamaal Cabdi Naasir kacdoonkii uu sameeyey sanadkii 1953-dii, isla markaana uu ku doonayey in dunida carabta oo dhan uu waji cusub iyo taariikh cusubi ay u bilaabanto, aad ayuu run ahaantii arimahaas iskugu dayey xataa waa tii mar dhacday in Masar iyo Suria ay midoobeen sanadkii 1958-kii markii danbena kala noqday, markaa waxa uu soo dhisay Jamaal Cabdi Naasir awood askarinimo oo aan Dimuqraadi ahayn”.

Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan mar wax laga waydiiyey danaha wadamada reer galbeedku ka leeyihiin kacaanada carbta gaar ahaan Liibiya, waxa uu yidhi “Run ahaantii dano siyaasadeed way jiraan sida aynu aragnay faalooyinka aqoonyahanka caalamku ka bixinayaan, wax la dafari karayona maaha in reer galbeedku ka leeyihiin dano siyaasadeed, umana malaynayo in dawladaha reer galbeedka ee la dagaalamaya maamulka Qadaafi ee garabka siinaya mucaarika Benghazi jooga inay jacayl u ay u qabaan shacbigaas ay ugu hiilinayaan. Mida kale Qadafi wuxuu ahaa hogaamiye shacbigiisa u diiday inay horumaraan, xaga dhaqaalaha wax wuu ka qabtay laakiin waxyaabaha uu qabtay waxa ka maqnaa arimaha dhinaca Xoriyatul-qawlka oo ah kuwa ugu mihiimsan ee bulsho ku horumari karto, isla markaana dal uu amni ku heli karo, inkasta oo aanu Qadafi isku haysan nin dadkiisa cabudhiyey ee uu isku magacaabay oo uu dajiyey nidaamka qoomiyadaha la yidhaahdo Jamaahiiriya oo ah nidaamkii ay dadwaynuhu xukunka hayaan, isagaa aragti iyo fal-safad uu iska leeyahay u dajistay, markaa dadkii markii ay wax barteen ee ay arkeen dunidan horumartay ee ilaalinaysa xoriyatulqawlka inaanay dani ugu jirin in uu sii joogo, taas oo ay u sii cadaatay dadka inuu Qadafi damacsan yahay in marka uu xilka ka dagana uu damacsan yahay inuu xilka ku wareejiyo wiilkiisa Seef Al Islam ama inamadiisa kale-ba, kaas oo wadankaas ka dhigi lahaa in lagu xukumo nidaam boqortooyo oo kale, mida kale waxa dhacay in aan dawladda Liibiya la filayn in kacdoon ka dhaco sababta oo ah Qadafi wuxuu isku sii diyaariyey nin waligii joogaya, marka uu ka dagana inamadiisa ku wareejinaya. Sababta oo ah lacag badan oo Liibiya leedahay ayuu Afrika galiyey isaga oo isku magacaabay boqorkii Liibiya, taas oo xataa u samaystay astaamo gaar ah oo ay ka mid tahay koofiyado dhaadheer, tii ugu danbaysay ee dadka iyo dunida reer galbeedkaba ku kicisay, isla markaana la qaadan kari waayey waxa ay ahayd markii uu yidhi ‘dadka jooga Banqazi waan xasuuqi doonaa, suuq suuq ayaan u gali doonaa oo aqal aqal ayaan u gali doonaa’ arimahaas oo dhami waa kuwa dabka ku sii holciyey ee keenay in dagaal lagala horyimaado”.

S: Kacdoonada ka dhacay dunida carabta maadaama oo ay ahaayeen dalal aan xidhiidh wanaagsan la lahayn Somaliland maxay kacdoonadaasi ka badali karaan ayaad u malaynaysaa xidhiidhka Somaliland iyo wadamada Carab ee aan wanaagsanayn?

J: Marka hore waa in aad ogaataa in dawladaha carabta in aanay lahayd mawduuc wayn oo siyaasiya oo madaxbanaan, waxaanay inta baddan ku daydaan wadamada reer galbeedka oo siyaasadooda saamayn wayn ku leh, inkasta oo ay hada jiraan boqoro yar yar oo dhalinyaro ah oo qaarkood yihiin kuwa dibadaha wax ku soo bartay, kuwaas oo ka siyaasad duwan aabayaashood ama madaxdii iyaga ka horaysay, markaa dawladaha carabtu maaha kuwo u madaxbanaan arimahaas. Imika hadii ay arkaan wadamada reer galbeedka oo arimaha Somaliland aad u danaynaya ama ay arkaanba laba sadex wadan tusaale ahaan Ingiriiska iyo Faransiiska oo kale waxaan hubaa in ay markaaba iyaguna ina wada ictiraafi lahaayeen, Markaana waxay mari doonaan wadada reer galbeedku jeexay. Waxaan tusaale yar kaaga soo qaadayaa markii inaga halkan dagaalku inagaga socday sanadihii 1988-kii ee dayuuradaha Siyaad Barre ay garaacayeen magaalooyinka waawayn ee Somaliland sida Hargeysa iyo Burco wadamada carabta xidhiidh wanaagsan ayeynu la lahayn oo may arag nin kaligii taliya oo shacbigiisii diyaarado ku rushaynaya, manay muujin kadeedkaa iyo dhibtaa lagu hayey shacbiga reer Somaliland, laakiin maanta waxaan u arkaa inay soo fahmayaan meeqaamka ay taagan tahay Somaliland iyo nidaamka iyo kala danbaynta ka jirta dalkeena iyo xataa heerkooda diiniga ah ee culimada iyo waxbarashada, markaa hada way ii muuqataa inaynu xidhiidh dhaw la yeelan doono inaguna aynu ku dadaali doono xidhiidhkaasi sidii uu u noqon lahaa mid wayn.

S: Maadaama oo ay Somaliland buuxisay dhamaan shuruudihii laga rabay dal madaxbanaan iyo dawlad xor ah, isla markaana dhinaca dimuqraadiyada ay Somaliland kaga horayso wadamo badan oo Afrika ka tirsan, maxaad u malaynaysaa inay ictiraafka ka hortaagan tahay Somaliland ilaa iyo hada?

J: Marka hore arimaha la isku ictiraafayo waxa ugu waawayn imika dano siyaasadeed aduunyadu ma kaa leedahay, waa in marka ugu horaysa aad is waydiisaa maxay kaa helayaan wadamada ku ictiraafay, aduunyada dano siyaasadeed ayaa ugu horeeya oo la isku ictiraafa way yartahay inta jacayl ama waxyaabo kale la isku ictiraafa. Somaliland dagaalkeeda iyo tartanka ay caalamka kula jirtaa maalinba meel ayuu joogay, maalin waxa aynu iska dhicinaynay nidaam axmaq ah oo shacbiga reer Somaliland gumaaday, mar waxaynu dhisaynay Dimuqradiyadeena oo ay kaw ka ahayd inay Qabaa’ilku heshiiyaan taas oo aynu ku soo afjarnay shirkii waynaa ee aynu 1993-kii Boorama ka dhacay, golayaashii sharci dajinta ayeynu dhisanay Wakiiladii iyo Guurtidii, markii danbana waxaynu galnay doorashooyin is daba joog ah oo ay ugu danbaysay doorashadii dhawaan dalka ka dhacday ee lagu soo doortay madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, arimahaas oo dhan ayeynu la soo tacaalnay oo aynu soo yagleel-nay. Markaa hadii aynaan hawlahaa markii hore ku mashquulin waynu ka badin lahayn ayaan qabaa arimaha ictiraaf raadintu halka ay maanta marayso, anigu waxaan aamin-sanahay in ictiraafkeenu uu imanayo goor uu imanayo ayuun baanan garanayne, wax inaga horjoogaana ma jirto maanta reer galbeedku way u soo jeedaan Somaliland run ahaantii, waxa taas cadaynaya shirkii ay sadexdii wasiir dhawaan magaalada London kaga qayb galeen waxa lagala hadlayey shidaalka iyo macdanta Somaliland ku caanka tahay sidii looga faa’idayn lahaa, isla markaana loo soo saari lahaa, xaga siyaasadana waxa aynu ku naalnaa meel Istaraatiiji ah oo aad u mihiim ah markaa Insha Allaah inta inaga dhimana waynu buuxin waynanu heli doonaa dhawaan Ictiraaf.

S: Hadii aynu u soo noqono arimaha dalka, gudida aad ka midka tahay ee uu madaxwaynuhu u magacaabay talo bixinta ururada siyaasadu ma ogtahay in arintan aad ku mashquulsan tihiin uu hore madaxwayne Axmed Siilaanyo kaambayn ugu galay inuu furi doono ururada, isla markaana miyaanay qodob dirtuuriya ahayn in muwaadiniintu isku soo abaabuli karaan qaab xisbi ama urur?

J: Waxa aan jeclahay inaan shacbiga xasuusiyo madaxwaynuhu khudbadii uu golayaasha u jeediyey oo uu yidhi anigu waxaan balan qaaday oo aan kaambaynkii ku galay inaan furi doono ururada, laakiin wuxuu yidhi waxaan doonayaa in talada aan baahiyo oo aan bulshada ka qayb galiyo, anigu waxaan u arkaa talaabadaasi inay tahay mid loo baahnaa oo shacbiguna aad u soo dhaweeyeen. Markaa anaguna gudi ahaan markaanu arintaas soo dhamayno ayaanu madaxwaynaha u gudbin doonaa.

S: Sideebaa gudidiina loogu arki karaa mid dhexdhexaad ah maadaama oo ay ku jiraan sadexda xisbi ee Kulmiye, UDUB iyo UCID oo iyagu hore u cadeeyey inaanay ogolayn in ururo la furo, miyaanay noqonayn uun arin ragii diidanaa la yidhi ka soo talo bixiya?

J: Inkasta oo axsaabtu bulshada wakiil ka tahay, hadana gudida waa ka mid mujtamaca kale oo aan axsaabta ka mid ahayni oo dhalinyaradii ayaa fadhida oo aqoonyahankii ummada ayaa ku jira, markaa waxaan codsanayaa in gudida laga warsugo inaanay shacbigu raali ka ahayn furista ururada iyo in ay ka yihiin.

 

Source:Haatuf