Dr Maxamed Muuse Cawaale Gudoomiyaha hay’ada ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah oo ku dhawaaqay in Somaliland guud ahaan ka jirto xaalad Abaareed…
 

 



Dr Maxamed Muuse Cawaale Gudoomiyaha hay’ada ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah oo ku dhawaaqay in Somaliland guud ahaan ka jirto xaalad Abaareed…


Hargeysa  December 25,2010 (TNN) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in abaaro baahsan ay ku dhufteen Guud ahaan deeganada Somaliland.

Gudoomiyaha hay’ada ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah Dr Maxamed Muuse Cawaale oo  maa nta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargaysa ayaa shaaca ka qaaday in dawladu ay iclaamisay abaarta iyadoo gurmad deg deg ah ugu baaqday hay’adaha samafalka in ay ka geystaan  abaara ha dalka ka jira.

Gudoomiyaha hay’ada aya soo bandhigay wareegto Madaxweynaha Somaliland Md Axmed  Maxam ed Maxamuud Siilaanyo uu ku shaaciyey xaalada abaareed ee ka jirta deegaanada Somaliland  iyad oo la magacaabay guddi isugu jira wasiiro iyo hay’ada ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah iyada oo Tobankii maalmoodba mar kulmi doona.

Dr Maxamed Muuse Cawale ayaa sheegay in abaaruhu ay ka jiraan dhamaan gobolada Somaliland ka kooban tahay sida MaroodiJeex ,Awdal, Togdheer, Saaxil, Sanaag iyo Sool wuxuuna sheegay in xaalado adag laga soo sheegayo meelaha qaarkood sida dad u cararay magaaloooyinka iyo kuwo haraadka inay u dhintaan qarka u saaran.

Dowlada Somaliland ayaa ka codsatay hay’adaha inay gacan ka geystaan sidii kaalmooyin looga  g eysan lahaa goobahaasi, iyadoo marka hore la sameynayo tiro koob rasmi ah oo ku aadan xaalada abaarta guud.

Abaarahan ayaa yimid ka dib markii roobabkii Guga ay yaraadeen sanadkan kuwii deyrtana la waayey.
 


Source: ToggaHerer