Dr Gaboose Oo Muuse Biixi Ku Dhaliilay Hor Istaaga Ururada Siyaasada

 



 


Hargeysa (TNN)- Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta shaaciyey in xisbiga Kulmiye ee talada haya looga baahan yahay inay ka dhabeeya an halgankii dheeraa ee loo soo maray in xisbiyo la furo, waa sida uu u dhigay hadalkiise.

Wasiirka oo maanta la hadlaayey war baahinta ayaa yidhi

“Halgan dheer ayaan u soo maray furashada ururada siyaasadeed oo lagu xidhay, suurta galna ma ah in aan is hortaago furashada ururada siyaasadeed”

Sidoo kale Dr Gaboose ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalo dhawaan uu yidhi gudoomiyaha Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo ka dhan ahaa in aan la furin ururo siyaasadeed.

Wasiir Gaboose oo arrintaas ka hadlaya ayaa yidhi

“Muuse Biixi waa kii saxeexay in la furo ururo siyaasadeed, hadii Kulmiye ku guulaysto do orashada madaxtooyada, waxaana looga fadhiyaa Muuse inuu Fuliyo Qawlkiisii oo aanu wax kale ku meeraysan”

Sidoo kale Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa iska fogeeyey eedo dhawaan loo soo jeediyey oo sheegaayey in wasiir ahaan uu hor istaago munaasibadaha lagaga hadlaayo in dood la ga yeesho furista ururada siyaasada, waxaanu hoosta ka xariiqay in aanay arrintaasi jirin.

Waa markii ugu horaysay ee wasiir Gaboose si cad u muujiyo rabitaanka ah in la furo ururo siyaasadeed wakhti xaadirkan.

 

Source:wayatv