Dr Gabboose Miyaanu Ka Baqayn Habaar Kaga Yimaada Bukaanka Hor Dhooban

 

Aduunyadan aad arkaysaan waa imtixaaan lagugu imtixaamaayo maalkaaga iyo maskaxdaada isla markaana lagugu eegaayo gabood falada aad ka gaysato deegaanka Ilaah kugu abuuray ama sam afalka aad la baxdo dhamaan waxaa lagu qorayaa baalasha buuga camalkaaga maalin walba lagu qoro,

Waxaan uga socdaa hadii ilaahay ku baray wax ay yartahay in umada kula dhaqani ay taqaanaa waxaa looga faaiideeya sida ugu haboon,

hadaba waxa lixdii bilood ee tegay si weyn loogu baahday mid ka mida dhakhaatiirta aadka  saxma da u ahaan jiray isla markaana ku naadirka ah wadanka waa Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ku takhususay cilmiga neerfaha iyo dhimbirka (Neurologist).

Dhakhtarkan oo madaxweyne Siilaanyo u dhiibay wasaarada ugu mashquulsan ayaan ka soo  xaad irin dhakhtarkii mudada intaas leeg dhakhtarkiisa gaarka ahina ma joojinin diiwaangelinta iyo u  ya boohida dadka la taagta daran xanuunada neerfaha ku dhaca ee waxay habeen iyo maalin ugu gacan haadinayaan meel uu goraygu ka hadaafay isla markaana uu ninki masuulka ka ahaa uu ka shaqo tegay.

Arinta layaabka ku noqotay shacabka waxaa ka mida in farmasiga uu Hargeysa kuleeyahay ee uu markii hore fadhiisan jiray,in ay qofkii oo liita ku yidhaahdaan waxaad liiska kaga jirtaa halkaas ee waxaad timaaadaa 2ba bilood ka dib 3da habeenimo hadii kale waxba kuuma hayno markuu qofku sugo mudada intaa leegee uu welibana ka soo badheedho khatarta uu u soo guday waqtiga 3da habeenimo ah iyada oo ay tuugta iyo khataroo dhani jirto isla markaana dhaxani u dheertahay, ayaa hadana waxaa loogu sii daray afxumo aan la ixtiraamaynin dad wada dadkoodii oo xanuunsan isla markaana bilo dhawra ugu soo noqnoqanayay in ilaahay caafimaad uga siiyo.

Sidani waxay dhacday 02/01/2011 ka dib markii dad boqolaal ah oo dhamantood la balamiyey 3da habeenimo ee markii ay kiyuuga ku daaleen loo yimi 5tii subaxnimo laguna wargeliyey in aan saaka waxba jirin ee la soo noqdo bisha march dhamaadkeeda. Iyadoo markii dadkii safafka dhaadheer kujiray ay waydiiyeen sababtana cay iyo aflagaado loogu daray albaabadana layska xidhay.

Dadkii meesha isugu yimi ee safafka kujiray ayaa xaruntii buuq ka abuuray qaarkoodna ay  is fara saareen shaqaalihihii cusbitaalka waxayna ku tiraabeen in ay mudo ku dhaw 3bilood hargeysa ugu sugan yihiin balamaha beenta ah ee midiba mid ka danbayso iyagoo wada dad aan xamilaynin oo aan waqtiga intaas leeg sugi Karin una baahan in xanuunkooda hore wax looga qabto si aanu ugu sii badanin,

Dadkan ayaa ka kala yimi gobolada Sanaag, Togdheer, Sool Awdal iyo weliba deegaanada gobolka Hargeysa waxaanay yihiin dad aan xamili Karin waqtiga intan leeg in ay ku sugnaadaan goob aan ahayn deegaankoodii iyadoo welibana ay u sii dheertahay inay wadaan dad maskaxda iyo  neerfa ha kaleba ka jiran.

Isku soo duuboo waxaa loo baahan yahay in arintan heerqaran wax llooga qabto isla markaana cid kasta oo ay khusaysaa gaar ahaan madaxweynuha Mudane Axmed Maxamed (SIILAANYO) uu Sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabto oo uu shacabka dhakhaatiir u keeno ama uu u soo fasaxo Dr Gaboose waayo arinta wasaarada arimaha gudaha waxaa ka muhiimsan hawsha kale ee uu  dadwe ynaha u hayo, booskaasna way jiraan rag ama haween buuxin kara laakiin wadankeena way kuyar yihiin dhakhaatiirta neerfuhu.

 

 

 

 

Freelance Journalist
Sahra Hassan Ahmed
Hargeysa Somaliland
Nawal7350@hotmail.com
Mobile 4444572