Dr
Mohamed Abdilahi Omar Oo Booqasho Gaaban Ugu
Kicitimay Somaliland
Xohayihii arimaha dibada ugu
magacaaban Xisbiga ugu weyn mucaaridka Dr Mohamed Abdilahi Omar,
ayaa galaba ka am babaxay magaalada London, isaga oo booqasho gaaban
ku tagay Somaliland. Dr Mohamed oo intii aanu ka anba bixin dalka u
waramay shabakada Somaliland.Org, ayaa u sheegay in socdaalkiisu uu
ku tagi doono dalka Somaliland noqon doonto mid dhinacyo badan isugu
jiri doona. Isla markaana iminka u socdo dano shakhi ahaaneed oo
isaga u gaar aha, balse inta uu halkaa joogana uu uga warami doono
shacabka Somaliland socdaaladiisii uu ku maray dibadaha iyo wax
yaabihii uu kala kulmay.
Dr Mohamed Omara aya booqashadiisani noqon doontaa tii ugu horeeysay,
ee uu ku tago dalka Somaliland tan iyo intii loo magacaabay jagada
Xoghayaha Arimha Dibada ee Xisbiga KULMIYE.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa bishii November horaanteedii ka
qaybgalay shirwayne caalami ah oo ay xisbiyada dimuqraadiga ah ee
qaaradda Yurub ku yeesheen magaalada Stockholm ee dalka Sweden,
wakhtigaas oo ay u suuragashay inuu qaddiyada Somaliland gaadhsiiyo
22 dal oo ka soo qaybgalay shirwayaha, si gooni ahna wuxuu ula
kalmay qaar ka mid aha hogaamiyayaashii Yurub ee shirka ka soo
qaybgalay.
Shirkaa oo ay ku weheliyeen Dr
Mohamed Prof. Xuseen Xasan Guled oo ka tirsan Golaha Dhexe ee
KULMIYE, ayaa arrimaha shirka lagaga hadalay waxaa ka mid ahaa sii
loo yarayn lahaa khatarta ka iman karta iska horimaadyada siyaasiga
ah ee adduunka, arrimo la xidhiidha ganacsiga iyo dib u dhac hadda
ku yimid bangiyada iyo sayladaha dhaqaalaha adduunka, horumarinta
xoriyadda dadka iyo ilaalinta deegaanka. Waxaa kaloo lagawada hadlay
fidinta dimuqraadiyadda iyo wax ka qabashada colaadaha ka aloosan
gobollo ka mid ah adduunka.
Sidoo kale bishii Auguts 31 keedii ayuu Dr Mohamed Abdilahi ku tagay
magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya shirwayne lagaga hadlayo
sidii nabad loogu dhammayn lahaa colaadaha ka dhex aloosan wadamada
ku yaalla geeska Afrika.
Dabayaaqadii bishii May 21 keedii uu tagay Shirwayne caalami ah oo
lagu gorfaynayay dhibaatooyinka siyaasadeed ee adduunka hadda ka
taagan oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Belfast ee woqooyiga
Ireland, kana qaybqaateen wufuud ka socotay 28 dal. Hadal uu ka
jeediyay shirwaynaha Dr.Maxamed Cabdillahi Cumar wuxuu si balaadhan
uga warbixiyay arrimaha siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo qalalaasaha
ka aloosan mandaqadda. Wuxuuna si gaar ah u taabtay xaaladda
Soomaliland ee hadda iyo baahida loo qabo in la helo gargaar caalami
ah o wax ka tari kara kobcinta dimoqradiayda, nolashad dadka iyo xal
u helidda arinta aqoonsiga. Waxaa kaloo uu shirwaynaha uga waramay
halganka dheer ee qaran-dhiska ah ee shacabka Soomaliland soo maray
ilaa 18 May 1991, iyo siday uga go’an tahay inay ku biiraan bulshada
caalamka xorta ah.
Intuu uu shirwaynuhu socdayna, waxaa u suuragashay mudane Maxamed
Cabdillahi inuu si gooni gooni ah ula kulmo qaar ka mid ah madaxdii
ka soo qaybgashay shirwaynahaa, isaga oo kala hadlay maslaxadda iyo
danaha shacabka Soomaliland. Waxaana ka mid aha masuuliyiintii uu la
kulmay madaxwaynaha dalka Senegal mudane Abullaye Wade, hogaamiyaha
mucaaradka ee Simbabwe, Morgan Tsvangarai, oo la filayo inuu ku
guulaysan doono talada dalkaasi bisha soo socota, iyo Marwo Rosie
Odinga oo ka socotay Xisbiga Raila Odinga oo ah Ra’iisal- wasaaraha
cusub ee Kiiniya.
Dr Maxamed Abdilahi waxa lagu wadaa in bari oo Khamiisa ka dagi
doono caasimada dalka Somaliland Hargeisa. Waxaana la filayaa in uu
halkaa ku sugnaan doono mudo laba todobaad ah.
Somaliland.Org
Cecilia-Malmstrom Swdish Minster For European
ffairs and Dr Mohamed Abdilahi
Dr. Mohamed A. Omar and the President
of Senegal, Abdullaye Wade
Morgan Tsvangarai (MDC) and
Dr Mohamed Abdilahi Omar
|