Shirkadda DP World oo Sharraxaad ka Bixisay Mashaa riicda ay ka Fulinayso Dekedda Berbera

 


 


Hargeysa (TNN) :- Shirkadda Horumarinta Dekedaha ka shaqeysa ee laga leeyahay Ima araadka Carabta ee DP World, ayaa shaacisay siday u kharash gareynayso dhaqaale ga adhaya $442 Milyan oo Doolar oo ay ku casriyaynayso marsadda Berbera.

Siday baahisay dhawaan mareegta caalamiga ah ee Global Construction Review, waxa dekedda Berbera lagu soo kordhinayaa deked cusub oo dhererkeedu dhan yahay 400m. waxa kaloo lagu darayaa dekeddii hore 250.000 mitir oo lagu kordhinayo goobaha wax lagu kaydiyo ee dekedda.

“Mashruucani waxa uu qayb ka yahay qorshahayaga aanu kor ugu qaadayno kuna horu marinayno kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalalka Afrikaanka oo aanu ku xidhayno suuqy ada ganacsiga caalamka,”ayuu yidhi Guddoomiyaha shirkadda DP World Sultan Axmed Bin Sulayem.

Dhaqaalaha Somaliland,waxa uu boqolkiiba lixdan 60% ku tiirsan yahay dhoofka xoolaha nool, waxaa lagu wadaa in maalgashiga dekeddu uu kor u qaado dhaqaalaha Somaliland oo kharash ka soo geli doono badeecadaha ka soo degaya dekedda. DP World waxay sa nnadkii Somaliland siinaysaa 5 milyan oo Doolar, oo 10% ka noqonaya dakhliga soo gala marsadda.

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay “Waxaannu ku talogalnay in dekedda Berbera aanu u beddelno xuddunta ganacsiga bariga Afrika oo aa nu horumarino suuqa xorta ah.” Somaliland iyo DP World waxay heshiis la xidhiidha casr iyaynta dekedda Berbera wadagaleen sannadkii hore, waxaanay shirkadani maamuli doontaa dekedaas muddo soddon sannadood ah.