Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in Qaraxii ka Dhex-dhacay DAALLO uu
ahaa Fal Argagaxiso
Muqdisho (TNN ):- — Xukuumadda Soomaaliya ayaa Warbixin Goor-dhaw ay
shaacisay ku sheegtay in qaraxii ka dhacay Diyaaraddii Daallo
Airlines ee Talaadadii ka Duushay Garoo nka Diyaaradaha Muqdisho kuna
socotay Jabuuti uu ahaa Fal Argagaxiso.
Warbixinta Xukuumadda Somalia ayaa lagu xusay in arrintaan lagu
Xaqiijiyay baaritaanno la sameeyay oo ay iska kaashadeen hay’adaha
Amniga Dowladda FS iyo kuwo Calaami ah oo gacan ka siinayay.
Sidoo kale, natiijada baaritaankan la shaaciyay ayaa lagu xusay in
shaqsiyaadkii falkaas ku lugta lahaa Gacanta lagu dhigay, inkastoo
aan la Xusin tirada Xubnaha loo Qabtay Fal kaas iyo cidda ay ka
tirsanaayeen.
Natiijada maanta la shaaciyay ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo
Dowladdu ay Shilka as kasoo saarto, waxaana dhawaanahan socday
baaritaanno arrintan la Xiriira oo ay ka qayb-qaateen khuburo sir-doon
oo caalami ah oo ay ka mid ahaayeen; Saraakiil ka socda FBI-da
Mareykanka.
Dhanka kale, Diyaaraddii Daallo Airlines ee qaraxu ka dhacay ayaa
Wararka Qaar waxay sheegayaan in Qaraxa ka dhacay uu ahaa mid lagu
xiray Kambiyuutarada gacanta lagu sii qaato ee loo yaqaan Laptop-ka.
Ugu dambeyn diyaarada ayaa waxaa ka dhacay qof ka mid ahaa rakaabka
oo markii dambe maydkiisa laga helay agagaarka degmada Balcad,
kaasoo magaciisa lagu sheegay C/llaahi C/salaam Boorle, qaybna ka
ahaa baaritaankii socday maalmahan.
Wixii Faahfaahin ah ee kasoo kordha natiijadan waxaad kula socon
doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.
Xigasho: Hiiraan
|