Waxaan la yaabay!

 


Qaybtii 4aad

Dowlada waanu ka xishoonaa,laakiin Dowladu nagama xishooto,nagama naxdo .!!

Waxaan la yaabay,waa qormooyin taxane ah ,oo aan si joogta ah ugu soo gudbin doono ,saxaafada xorta ah iyo dadweynaha faraha badan ee akhrista , Waatan qayb kale oo ka mid, qormooyinkii waxaan la yaabay.
Xilligu waa Durur aad u kulul ,saacadu waa ilaa 1:00(13:00) saacada geeska Africa, taariikhdu waa Aug.2012,waxaan ka soo noqday magaalada Burco,oo aan safar gaaban ku tegay,waxaa ku sii socdaa magaalada Hargeysa oo aan deganaa. Kuma leexaan ee toos ayaan u soo dhafay magalada Berbera oo aan inta badan jecelahay in aanan dhaafin oo aan sii daawado Xeebta quruxda badan ee Batalaale ,oo runtii si gaar ah ii soo jiidata markasta oo aan wadaa marayo sheedana aan ka arko Biyaha buluuga ah ee Badda Cas.

Markaan marayo meel u dhaxaysa Berbera iyo Tuulo yar oo aan filayaa in ay ahayd Lafa-ruug,ayaa waxaa indhahaygu ku dhaceen wiil dhalin yara ah oo wada taagan.Wuu kor u hayaa oo lulayaa Caagad kuwa biyaha lagu shubo ah oo madhan,wuxuu si xoog ah u lulayaa Caagada madhan,markaan dhaafayey ayaa waxaa dhegahayga ku soo dhacay erayga “na waraabi” “Biyo na sii”,si deg deg ah ayaan isu taagay,wiilkiina wuu iga soo daba orday,waanu isoo gaadhay,Biyo ayaan u soo dejiyey,Geed wadada agteeda ahna waanu istaagnay.

Waxaan weydiiyey magaciisa, Saciid ayuu iigu jawaabay,aniguna waxaan u sheegay magacayga,waxaa kaloo uga jawaabay ,suaalo dhowr ah oo i waydiiyey,kuna saabsanaa halka aan ku socdo iyo halka aan ka imid,ka dibna waxaa noo bilowday sheekadan,na dhex martay aniga iyo saciid maalintaa,waxayna u dhacday sidan:-


“Saciid:- biyo la,aantu meel walba waa ka jirtaa,laakiin halkani waxay dheer tahay kulayl ,Biyo la,aan way adag tahay sida loogu noolaado,marar baan is idhaahdaa haraad baad u dhiman doontaa,waa dhibaato weyn,marka dadkii iyo xoolihiiba Biyo waayaan,ayuu yidhi isagoo hoos u foorara,oo dhagax ku garaacaya ul yar oo uu sitay,madaxa ruxaya,inta uu ila hadlayo mar marna dib ayuu eegayaa”

Ma cid baa kula socotay ?,maxaad eegaysaa?,Biyo kale ayaan soo saaray oo aan ku idhi u gee waalidkaa , walaaladaa iyo cida kale kula joogta.Markuu Biyihii iga qaatay ayuu qosol xidhood ku jiro yara qosalay,wuxuuna yidhi –ma kuu sheegaa waxaan ku qoslayo—haa ayaan ku idhi.
Halkaa dambe ayaan qori(Bunduq)aan sitay ku soo qariyey,markaa waxaan isleeyahay,yaan lagaa xadin oo waan ilaalinayaa.Maxaad u soo qarisay oo aad u soo qaadan weyday ayaan weydiiyey .

“Waxaan ka xishoonayaa in aan wadada (Laamiga isla soo taago,waa ceeb,nabada uma wanaagsan,dadkaa kula yaabaya,waxaa lagu moodayaa in aad wax kale u jeedo ayuu ku jawaabay Saciid”

Intii aanu sheekada ku jirnay,waxaa dhinaca magaalada Berbera ka yimid Baabuur dhowr ah oo wada socda,Baabuurta mid waxaa saarnaa Ciidan koofiyad cas ah, xawli dheer ayey ku socdeen,labadayaduba waanu aamusnay, oo Baabuurta ayaanu eegaynay.Markaan ka soo jeestay. Saciid weli wuu sii eegayaa,si aad ah ayuu u sii eegayaa, wuu ku dhaygagay runtii,cabaar ayaan sugay,kadibna waxaan weydiiyey maxaad ka eegaysaa waa Baabuur Hargeysa ku socotee ?,waxaa laga yaabaa in ay madaxi saran tahay,ayaan u sii raaciyey.


Saciid wuxuu yidhi:-

“Baabuurtani waxay sidaan Lacag dollar ah oo aad u badan,waxay ka soo qaadeen Dekeda Berbera, inta badan waxay soo martaa Duhurka marka qoraxda laga hadhsanayo,iyo marka ,habeenkii la hurdo ,marar badan ayaan arkay,dadku waa wada yaqaaniin.Waxaa la geeyaa Madaxtooyada,Ciidanka ilaalinayaana waa kuwii Madaxtooyada,waa cashuurtii Ummadda laga qaaday.Marar waxaan is idhaahdaa qorigaaga(bunduqa) buuxa wada ma isla taagtaa,oo khasnad ma ku dhamaysaa,lacagtana ma iska qaadataa.Marmarna waxaan is idhaahdaa nabadaa aad haysataan ayaa idinka xumaandoonta ee iska samir.Weligay waxan oo kale manaan arag,dadkii haraad ayuu u dhimanayaa,waanu ka oomanahay,maalin kastana waxaas oo Dollar ah ayaa Madaxtooyada ku sii socda—xagee dadkan lagu kala xisaabayaa—may ceel yar oo aanu ka cabno noo qodaan.
Waxaas oo lacag ah,dibada ayaa loo qaataa ayaa la yidhi,oo guryo ayaa lagu iibsadaa ayaan maqlay.waa wax lala yaabo in Dowladiina xishoon weydo,oo naga nixi weydo--- anaguna aanu ka xishoono,oo waxaas oo lacag ah aanu ka Biyo lanahay --- maxay dibadii ay ka yimaadeen uga soo shaqaysan waayey,waa la yaab,halkanaa loo soo wada shaqo tegay—madaxa ayuu haddana ruxay ,ushii uu sitayna si xoog ah oo cadho ku jirto ayuu dhagaxii ugu sii garaacay Saciid,nabad gelyo ayuu igu yidhi ,ka dibna wuu iga dhaqaaqay,nabad gelyo ayaan anigu ka daba tuuray”

Hadal iyo dhamaan waxaan aad ula yaabay,hadalkii wiilka ee ahaa,”waxaa wax lala yaabo ah in Dowladiina xishoon waydo,oo naga nixi waydo---anaguna aanu ka xishoono waxaas oo lacag ahna aanu ka biyo lanahay—may ceel yar oo aanu ka cabno uun nooga qodaan--- xagee dadkan lagu kala xisaabayaa”




--- la soco todobadka dambe iyo qaybtii 5aad Waxaanu Hayadaha ka codsanaynaa in ay mucaawino nala soo gaadhaan—NGO ma leedahay –Hayad baa na siisay—Hayad baa noo dhisaysa—noo tababaraysa –noo qodaysa—Hayad baan sugaynaa—Hayad buu u shaqeeyaa iwm  



Mahadsanidin

Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
facebook : abdi saleiman
twitter. @_saleiman
skype :- abdi Saleiman.
Linkedin abdi saleiman